Skip to main content

Posts

Showing posts from January, 2024

Muhiimada ay Suuq-Geyntu U leedahay ganacsiyada?

  Marka laga hadlo ama lasoo qaado  shirkad ganacsiyeed oo kor u kacday ama hoos u dhacday, waxaan is-weydiinaa 1 shey oo sababi kara hoos ama kor ukaca oo ah badeecada oo ah : Q1.  Shirkaddu Suuq-Geyn fiican maleh miyaa ? Hadaba:   ü Waa maxay Suuq-Geyntu?   ü  waa maxay muhiimada ay suuq-geyntu ganacsiga u leeyahay.     ü sidee  uga qayb-qaadataa kor/ hoos u kicida ganacsiyada ?     Qeexitaanka Suuqgeynta. Suuq-geyn waxaa lagu qeexi karaa habka aqoonsiga, odoroska, iyo qancinta baahiyaha macaamiisha iyo rabitaanka iyada oo loo marayo abuurista, isgaarsiinta, iyo bixinta qiimaha. Waxay ku lug leedahay hawlo dhammaystiran, sida cilmi-baarista suuqa, horumarinta alaabta, qiimaha, qaybinta, horumarinta, iyo maamulka xiriirka macaamiisha. Xeeladaha suuqgeyntu waxaa loo qorsheeyay in-ay saameeyaan hab-dhaqanka macaamilka, abuuraan wacyi-gelin sumcadda, iyo ugu dambayntii ay kiciyaan iibka iyo faa'iidada. Suuqgeyntu waxa ay ka mid tahay hawlaha ugu muhiimsan ee urur kasta oo ganacs

sababta uu marketing muhiim u yahay horumarka ganacsiyada?

  Dunidan horumartay ee casriga ah, ganacsigu waa  Masrax weyn, halkaas ayey shirkad walba  u tartantaa si ay  guulaysato. iyagoo ku hubaysan  hubkooda  ugu culus { badeecad khaas ah, miisaaniyad adag, suuqa fiican, macamiil daacad ah}, laakin waxaas oo dhan faa’ido maleh haddii aysan haysan furaha ganacsiga  oo ah marketing {SuuqGeyn} . Hadaba Waa Maxey marketing? Maqaalkan maanta , waxaa uu faham guud  kaa siinayaa 2 su’aal ee aan jawaab sax ah loo heyn oo ah: waa maxay 1.    Qeexitaanka Suuq-geynta?   2.    Qaybaha / faaidadeeda Suuq-Geynta?   Macanaha marketing {Suuq-geynta}? Suuq-geynta: Waa hab aad alaabtaada suuqa ugu xayasiinayso taas oo Kaa caawinaysa inay alaabtaada ama badeecada hesho suuq fiican oo aad sare u qaadid qiimaha shirkadaada ama  profit-dhalisid. Suuq-geynta wuxuu ka caawiyaa macaamiisha inay helaan alaabta ay rabbaan iyagoo eegaya, fiirinaya, qiimeenaya baahidooda nolol maalmeedka ah. Suuq-geyntu waa farsamo muhiim u ah ganacsiga oo ku lug leh