Dunidan horumartay ee casriga ah, ganacsigu waa Masrax weyn, halkaas ayey shirkad walba u tartantaa si ay guulaysato. iyagoo ku hubaysan hubkooda
ugu culus {badeecad khaas ah, miisaaniyad adag, suuqa fiican,
macamiil daacad ah}, laakin waxaas oo dhan faa’ido maleh haddii aysan
haysan furaha ganacsiga oo ah marketing{SuuqGeyn}. Hadaba
Waa Maxey marketing?
Maqaalkan maanta , waxaa uu faham guud kaa siinayaa 2 su’aal ee aan jawaab sax ah loo heyn oo ah: waa maxay
1. Qeexitaanka
Suuq-geynta?
2. Qaybaha / faaidadeeda
Suuq-Geynta?
Macanaha marketing {Suuq-geynta}?
Suuq-geynta: Waa hab aad alaabtaada suuqa ugu xayasiinayso taas oo Kaa
caawinaysa inay alaabtaada ama badeecada hesho suuq fiican oo aad sare u qaadid
qiimaha shirkadaada ama profit-dhalisid.
Suuq-geynta wuxuu ka caawiyaa macaamiisha inay helaan alaabta ay rabbaan iyagoo eegaya,
fiirinaya, qiimeenaya baahidooda nolol maalmeedka ah.
Suuq-geyntu waa farsamo
muhiim u ah ganacsiga oo ku lug leh hawlo kala duwan sida horumarinta, iibinta,
iyo gaarsiinta badeecadaha ama adeegyada macaamiisha. Waxa ay koobaysaa xeelado
iyo farsamooyin kala duwan oo loo isticmaalo in lagu fahmo baahida macaamiisha,
iyo dhisida xiriir adag oo lala yeesho macamiisha
la beegsanayo .
Suuq-geyntu: asaaskeedu
ama ujeedadeedu waa samaynta {customer loyalty} adiguu ku qancinaya
macaamiishaada badeecadaada iyo tayadeeda.
Tusaale:
Kasoo qaad inaad leedahay shirkad Saabuunaha soo
saarta, waxa aad suuqa u soo saaraysa saabuun cusub – aynu ugu yeedhno "ATEL."
Hadda, ATELwaa badeeco cusub, laakiin haddii aan la suuqgeyn , waxay la mid tahay sida inaad
haysato hub xoog leh oo bakhaarkaaga iska dhex-fadhiya.
Suuq-geyntu waa
waxa ATEL ku sii daaya goobta dagaalka ah ee miyir-qabka macaamiishu joogto,
taas oo dhalinaysa: buuq, ka sheekaynta badeecadaada,
iyo hubinaysa in marka ay dadku saabuun ku fakiraan, in ay ka fikiraayaan
ATEL-ka.
Waa maxay Qaybaha Suuq-Geynta?
Suuq-geynta waxa uu qorsheeya, fulinyaa, iyo maareeyaa hawlaha
kala duwan ee loogu talagalay samaynta, xiriirinta, bixinta, iyo
wax-is-dhaafsiga wax-soo-saarka kuwaas oo qiimo u leh macaamiisha, , iyo
bulshada guud ahaan.
Hadda marka aan isla fahamnay
macnaha Suuq-geynta waxaana muhiim ah inaad fahamnto in ay Suuq-geynta
leedahay qaybo kala duwan oo farabadan waxaana ka mid ah:
I.
Suuq-Geynta Dijital-ka
ah: Suuq-geynta noocaan ah waxa uu isticmaalaa kanaalada dhijitaalka ah sida google, makiinadaha raadinta, warbaahinta
bulshada, iimaylada, iyo xayasiinta mobilada si loo gaaro oo loola xiriiro
macaamiisha. Waxaa ka mid ah farsamooyinka sida raadinta mashiinka raadinta
(SEO), suuq-geynta nuxurka, suuq-geynta warbaahinta bulshada, iyo xayaysiinta
internetka.
II.
Suuqgeynta Mawduuca: Suuqgeynta nuxurku
waxa uu kamid yahay noocyada ugu muhiimsan xagga suuq-genta, waxa uu diiradda
saartaa samaynta nuxur/ maqaal qiimo leh, oo habboon, si loo soo jiito oo loo haysto
macamiisha kuwa akhriska jecel. Waxay ujeedadeedu tahay inay bixiso macluumaad faa'iido leh, madadaalo, ama u xalliso mashaakilaadka
macaamiisha, ugu dambayntiina u kaxaysa ficilka faa'iidada leh ee macaamilka oo
ah iibsiga badeecadaada.
III.
Suuqgeynta Warbaahinta
Bulshada: Noocan suuq-geyntu waa mid caan ah waxa uuna isticmaalaa aaladaha
warbaahinta bulshada sida Facebook, Instagram,
Twitter, iyo LinkedIn si ay ugu xidhmaan ugana hawl galaan
dhagaystayaasha la beegsanayo. Waxay ku lug leedahay abuurista waxyaabo soo
jiidasho leh, socodsiinta kooxo/badeeco la beegsanayo, iyo kobcinta wada
sheekaysiga si loo dhiso wacyi sumadd ah, iyo kaxaynta taraafikada bogga.
I.
Suuqgeynta Xiriirka: Suuqgeynta xiriirka
waa qaab suq-geyneed oo qadiimi ah, uguna horeeyey , waxa ay xoogga saartaa
dhisidda xiriirka macaamiisha ee muddada dheer iyadoo la siinayo khibrado gaar
ah oo wax ka qabta baahiyaha gaarka ah. Waxay
ujeedadeedu tahay in la kobciyo daacadnimada macmiilka, iyo rabitaanka
badeecadeena sii haysashadeeda, iyada oo loo marayo xeeladaha sida maaraynta
xidhiidhka macaamiisha (CRM), barnaamijyada daacadnimada, iyo xidhiidhka gaarka
ah.
II.
Suuqgeynta influencer
ka: Suuqgeynta influencer-ku waa
qaab suq-geyneed oo aad loo yaqaan, waxay
ku lug leedahay la-shaqeynta shakhsiyaadka leh followers badan dhanka
warbaahinta oo muhiim ah oo saameyn ku leh daawadayaasha. shirkaduhu waxay la shuraakoobaan influencer si ay
u horumariyaan alaabtooda ama adeegyadooda, iyaga oo alaabtooda ama
badeecadooda siinaya influencer-ka si uu ugu xayiiso followers-kiisa.
taas oo kusoo jiidanaysa macamiil badan oo ku kalsoon adeegaaga oo dalbaya.
III.
Suuqgeynta Dhacdada: Suuqgeynta dhacdada
waa qaab suq-genta kamid ah oo muhiim oo
xeelad ah, waxay ku lug leedahay abaabulka ama kafaala-qaadida munaasabadaha,
si kor loogu qaado shirkadd badeecadadeed, ama adeegeed. Tan waxaa ku jiri kara bandhigyo ganacsi, shirar, soo
saarid alaab, munaasabado samafal, ama dhaqdhaqaaqyo suuqgeyneed oo khibrad
leh. Dhacdooyinku waxay siinayaan fursad toos ah in ay macaamiishu uga
qayb-galaan isku xidhka, iyo soo bandhigida badecadada ama adegaga
IV.
Suuqgeynta Tooska ah: Suuqgeynta tooska
waa qaab suq-genta kamid ah oo aad muhiim u ah waxay ku lug leedahay in si toos ah loola xiriiro macaamiisha suurtagalka ah,
iyada oo loo marayo waddooyin kala duwan, sida boostada tooska ah, suuqgeynta
teleefoonka, suuqgeynta emailka, ama suuq-geynta SMS. Waxay ujeedadeedu
tahay in la gaarsiiyo fariimaha gaarka ah iyo soo jiidashada shakhsiyaad gaar
ah, iyada oo ku dhiirigelinaysa inay qaadaan tallaabo degdeg ah.
V.
Suuqgeynta Affiliate: Suuqgeynta affiliate
waa, qaabka ugu caansan qaybaha
suuq-genta oo dhan, waa qaab suuqgeyn ku saleysan waxqabad halkaas ay
ganacsiyadu ay ku abaalmariyaan kuwa la shaqeeya wadista taraafikada ama
iibinta alaabtooda ama adeegyadooda. Xiriiriyayaashu waxay ku shirkadaada
badeecadeeda, iyagoo adeegsanaya mareegaha, baloogyada, ama aaladaha
warbaahinta bulshada waxayna kasbadaan guddi tixraac oo akhrista ama iibsada
alaabta aad soo saartay.
Faaidada ay leedahay Suuq-Geyntu?
Suuqgeyntu waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa guusha
ganacsi kasta, iyada oo bixisa faa'iidooyin badan oo gacan ka geysta kobaciisa
iyo sii jiritaankiisa. Waa kan 3 tusaale
oo ka mid ah faa'iidooyinka
suuq-geyntu leedahay:
1) Kordhinta sumcada iyo Wacyigelinta shirkadda:
Dadaalka suuqgeyntu, ha ahaato nooc kasta sida xayaysiinta,
warbaahinta bulshada, ama abuurista nuxurka, waxay wanaajisaa muuqaalka
astaanta, iyada oo hubinaysa inay ku sii jirto raadaarka dhagaystayaasheeda
bartilmaameedka ah.
2) Kobaca Dakhliga:
Xeelado suuqgeynta ee wax ku-ool ah ayaa sare u kiciya iibka iyo
dakhliga, iyada oo abuureysa baahida badeecadaha ama adeegyada, ballaarinaysa
saamiga suuqa, iyo sare u qaadaysa qiimaha macmiil kasta.
3) Faa'iidada Tartanka:
Suuqgeyntu waxay ka caawisaa ganacsiyadu inay iska
soocaan tartamayaasha iyagoo soo bandhigaya fikrado wax iibineed oo gaar ah,
taas oo muujinaysa in-ay yihiin hoggaamiyaan warshadahooda.
GUNAANAD
Suuqgeynta: waa GBS haga ganacsiyada, waa
shidaalka kobciya dakhliga. Waxay daaha ka qaaddaa rabitaanka macaamiisha,
waxay abuurtaa soo jiidasho summeedka, waxayna kicisaa dakhliga. Iyadoo
istaraatiijiyadeedu tahay aasaaskeeda iyo hal-abuurkeeda sida matoorka.
suuqgeyntu waxay
furtaa albaabbada fursadaha cusub, waxayna u beddeshaa ganacsiyada kuwa
hogaamiya suuqa warshadaha. Qabo awoodda suuq-geynta la dhaho, oo fiirso
ganacsigaaga oo meel sare gaadhay.
....................................................... MAHADSANID.
Comments