Skip to main content

Noocyada Suuqgeynta Affiliate

    Suuqgeynta affiliate waa istaraatijiyad waxqabad ku salaysan halkaas oo shakhsiyaadka (xubnaha) ay kor u qaadaan badeecadaha ama adeegyada ganacsadaha oo ay kasbadaan komishan iib kasta ama ficil kasta oo ay ku abuurmaan dadaalkooda.  Waxaa jira dhowr nooc oo suuqgeyn xiriir la leh, mid walbana leh astaamo iyo habab gaar ah. Qaybaha affilaite marketing   1. Pay-per- Sale (PPS): Kani waa nooca ugu caansan.  Xiriiriyayaashu waxay kasbadaan komishan marka macaamilku wax ku iibsado isku xirka tixraacooda.  Tusaale ahaan, kuwa ku xidhan xayaysiinta tafaariiqle moodada ayaa heli doona boqolkiiba iibka marka macaamiishu iibsadaan shay kadib marka uu gujiyo xidhiidhkooda.   2. Pay-per-click (PPC): Qaabkan, kuwa raacsani waxay kasbadaan lacag gujis kasta oo lagu sameeyo xiriirkooda, iyadoon loo eegin haddii iibku dhaco.  Habkani waa mid caan ka dhex ah kuwa xidhiidhka la leh ee isticmaala xayaysiis lacag leh si ay ugu wadaan taraafikada goobaha gana...

Waa maxay principle of management{xeerka maamulka}?

 introduction {hordhac} 

Haddii uu hamigaagu yahay inaad shirkad ama urur maamulid oo aan gararin sida wax loo maamulo markaas topickan wuxuu kaa caawindoonaa ama fikir guud kaa siin doona sida wax loo maamulo.

Principle of management

Waa xeerka maamulida shaqooyinka  aasaasika ah taas oo ah  inaad qorshayso, maamusho, xakamayso, hagto iyo shaqaalayso dadka aad maamulo u tahay.

Suaalooyin badan baa kuusoo dhacaya markaad akhhrinayso xeerka maamulida waxaan, iswaydiindoontaa waa maxay xeerka koowaad{1} ee maamulka jawaabtuna waa: Delegation{ergo ama wafdi}.

Ergadu{delegation}: waa inaad qof mas’uuliyad siiso ama inuu meel maamulo adigoo siinaya fasaxa inuu maamuliko meesha ama  siinaya awooda uu ku xambaari lahaa mas’uuliyadaas, waana habka qaybinta shaqada si ay firfircawnidu u badato, shirkadaaduna si fiican u shaqayso, adiguna hogaamiye lagu dayno ama tusaale{role model} noqoto.

xeerarka ee principle of management

Ninka loo yaqaano HENRI FOYAL wuxuu ahaa injineer macdanta oo faransiis ah wuxuuna soo saaray 14 xeer oo ilaayo hadda la isticmaalo waxaaana mawduuceena uga hadli doona 7 ugu muhiimsan waana sidatan soo socota:

           1.   Deivision of work {SHaqo qaybin}:

Shaqo qaybintu waxay kamid tahay asaaska maamulka, inaad shaqada qaybiso waxay kaa caawinaysaa inaad horimaris shirkadaada ama ururkaaga, oo mushkilad  walba soo kacda meesheeda ku haboon lagu xaliyo TUSAALE: wixii shaqaale ah qaybta xafiiska shaqaalaha, wixii maaliyad ah xafiiska maaliyada ah  IWM.

            2. Authority and resbonsibility {Awood iyo Mas’uuliyad}:

Labadaa waa furayaasha maamulka, awoodu waxay fududaysaa inuu maamulkaagu si fiican u shaqeeyo, mas’uuliyaduna waxay muujinaysaa inaad tahay qof caqli oo kasoo bixi shaqdiisa waxayna diiri galin u tahay shaqaalahaagu inay mas’uuliin noqdaan.

             3. Dicipline{ Edebta}:

Edebtu waa asaasaka shaqada waa inuu meesha yaala ixtiraam iyo is qadarin u dhaxaysa maamulaha iyo shaqaalayaasha, dhaqanka wanaagsan waxay kaa caawinaysaa in shaqada si fiican loo qabto, haduusan ixtiraam jirin meesha maamul mayaalo.

            4. Consistent{ Joogtayn}:

Joogtayntu wa xudunta shaqada, maamuluhu waa inuu diirigalinkaraa shaqalihiisa inaysanjoogteeyaan daadaalkooda, haddii aadan ku celcelin oo aadan dadaalin guul iska dhaafee horimar ma gaarayso, waxkasta waxay u baahanyihiin dadaal iyo ku celcelin, taas oo sabab u noqon karta in lasiyaadiyo wax soo saarka.

            5. Order { Maamulid ama Amarbixin}:

Maamuluhu waa inuu go’aan qaadasho leeyahay oo uu amar bixin karaa, isagoo ka fikiraya maslaxadda shirkadiisa iyo shaqaalihiisa, go’aanaaduna qaar baa adag, waa inuusan muujin wax shaki ama lablabayn ku jirto go’aangiisa, haddi kale wuxuu noqon doona maamule aan mas’uuliyad xambaari karin.

            6. Stability { Amni ama Nabad}:

Goobta aad ku shaqynayso waa inay nabad iyo amni leedahay,maamuluhu waa inuu sugi karaa amniga shaqaalihiisa, meel aan amni laheen oo marwalba aad khatar ku jirto inaad dhimato ama daawac kusoo kaaro qofna ka shqaynmaayo si kasta  ay lacagtu u badantahay sababta oo ah wax ka qaalisan majiro nolosha biliaadanka RUN SOOMA AHA? .

 

        7. Equity{cadaalad iyo sinnaan}:

Maamuluhu waa inuu mas’uul ka yahay in aan midabtakoorin{DISCRIMINATION}lala gicin mid kamid ah shaqaalihiisa oo ay meeshu ka jirto cadaalad iyo sinnaan.

 



Conclusion{ Gunaanad}

Gabagadii waxaan dhihi lahaa inaad mamulidu maaha wax lagu dhashto waa wax la barto kaliya waxaad u baahantahay talooyin, inta kalena adigaa iska barandoona waxaana u fiican inaad nolol maameedkaaga ka dhigato adigaa hadhowdii khibrad maamulnimada helidoona .............................................MAHADSANID

Comments

Popular posts from this blog

Muhiimada ay Suuq-Geyntu U leedahay ganacsiyada?

  Marka laga hadlo ama lasoo qaado  shirkad ganacsiyeed oo kor u kacday ama hoos u dhacday, waxaan is-weydiinaa 1 shey oo sababi kara hoos ama kor ukaca oo ah badeecada oo ah : Q1.  Shirkaddu Suuq-Geyn fiican maleh miyaa ? Hadaba:   ü Waa maxay Suuq-Geyntu?   ü  waa maxay muhiimada ay suuq-geyntu ganacsiga u leeyahay.     ü sidee  uga qayb-qaadataa kor/ hoos u kicida ganacsiyada ?     Qeexitaanka Suuqgeynta. Suuq-geyn waxaa lagu qeexi karaa habka aqoonsiga, odoroska, iyo qancinta baahiyaha macaamiisha iyo rabitaanka iyada oo loo marayo abuurista, isgaarsiinta, iyo bixinta qiimaha. Waxay ku lug leedahay hawlo dhammaystiran, sida cilmi-baarista suuqa, horumarinta alaabta, qiimaha, qaybinta, horumarinta, iyo maamulka xiriirka macaamiisha. Xeeladaha suuqgeyntu waxaa loo qorsheeyay in-ay saameeyaan hab-dhaqanka macaamilka, abuuraan wacyi-gelin sumcadda, iyo ugu dambayntii ay kiciyaan iibka iyo faa'iidada. Suuqgeyntu waxa ay ka mid t...

Side loo maareeyaa khataraha Maaliyeed ee Ganacsiga?

Bilaabida ganacsigu waxay noqon kartaa dadaal dhaqaale ahaan mid khataro badan ku keeni kara. Si kastaba ha ahaatee, haddii si taxadar leh loo qorsheeyo oo fuliyo, waxaad yareyn kartaa ama xitaa ka hortagi kartaa  khatarahaas.   Inta kadib,   inta aad maqaalkeena kuguda jirto waxaad ku barandoontaa :       -   Qeexitaanka  khataraha maaliyeed?         -    Waa maxay maareynta khataraha maaliyeed?         -    Sidee loo ogaadaa khataraha maaliyeed?         -    Hababka oo aad ku maareyn-karto khataraha maaliyeed?         -    Iyo 5 tallabo la qaado kahor inta aadan ganacsi bilaabin?   Qeexitaanka    khataraha maaliyeed? khataraha maaliyeed waa xaalad uu nidaamka maaliyadeed ee dal ama deegaan uu la kulmo khalkhal ba’an oo lama filaan ah oo ku yimaada hab-socodka caadiga ah ee suuqyada iyo ...