introduction { hordhac}
Maanta in
ganacsi la abuuro way fududahay laakin in la ilaliyo way adagtahay,sidaad darteedMarka laga hadalyo sida
ganacsiga loo maamulo waxaa muhiim ah inaan isha ama diirada saarno business analytic{Falaqaynta
ganaciga},haddana waa maxay falaqaynta ganacsiga?
Business analytic{Falaqaynta ganacsiga}
Falaqaynta
ganacsigu waa qaybo
xeelada ah iyo qalab {technology} ah taas oo loo isticmaalo in lagu xelo
mushkildaha ganacsiga, iyagoo isticmaalaya data analysis{falaqeeyaha xogta} , statistical model {model tirakoob} iyo mathamatic model {qaab xisaab ah}.
Business
analytic wuxuu isticmaala xogihii hore ee shirkada, si
uu jawaabcelin fiican u seeyo mustaqbalka si aysan khaladiihii hore marlbaad
dhicin.
Business
analytic wuxuu uga baxaa afar qaybood oo kala ah:
1: Describtive analysis {Falaqaynta qeexan}:
falaqaynta qeexan: waa tirakoob tafsiir taas oo loo isticmaaalo
in lagu taxliiliyo xogihii hore, si loo cadeeyo ama loo sheego natiijadii kasoo
baxday wax iibsigii hore ay shirkadu samaysay, waxaana loo isticmaala in looga
jawaabo su’aasha ah maxaa dhacay {what happened} iyo side loo xalinkaraa.
2: Diagnostic analysis {Falaqaynta ogaanshaha}:
Falaqaynta ogaanshaha : waa qaab tirakoob horumarsan iyagoo baadhaya
xogta ama waxa ku jira shirkada oo macluumaad ah iyagoo ka jawaabaya suaasha maxay taasi ku dhacday {why
did it happened}, waxaana loo isticmaala in xogta aasan ee la
qariyey ay soo saarto.
3: Predictive analysis {Falaqaynta saadaalinta}:
Falaqaynta saadaalintu: waa hab tirakoob oo isticmaalayo xogihii hore
ee shirkada si loo saadaaliyo natiijada kasoo bixi doonta haddi action{ficilka}
la qabto ma faaido{profit} miyaaa mise waa khasaaro {loss}, waxayna ka jawaabtaa suaasha ah maxaa dhici doona {what
is likely to happen}, waxyna ka turjamaysa qararaadka ay shitkadu mustaqbalka
qaadandoonto.
4: Prescriptive analysis {Falaqaynta qoran}:
Falaqaynta
qoran waa qaab tirakoob aha taas oo o bandhigta furasado go’aan qaadasho ah
sida looga faaidaysan fursadaha ganacsi ee soo socda iyo sida loo yareen lahaa
khatartooda , waxayna ku siinaysaa waddada ugu saxsan oo aa horay ugu socon
lahayd, waxayna ka jawaabtaa suaasha ah maxaa xiggi doona {what to do next}.
Sawirkan wuxuu mujinyaa afarta business anlytic iyo shaqooyinkooda
.
.
.
..
Conclusion{ gunaanad}
Gabgabadii waxaan
dhihi lahaa fursada ganancsigaaga inaad ku horimariso way badan tahay, inaad
intaan is adkeyso maaha waa inaad baarta, waxaan kusoo gunaanandayaa xigasho
ganacsi ah taas oo ah
{
furasadaha ganacsi waa sida baska oo kale haddii uu mid tako mid kalaa imaanaya,
ma dhamaadayaan laakin adigu haga dhicin}
..........................................................MAHADSANID
Comments