Skip to main content

Noocyada Suuqgeynta Affiliate

    Suuqgeynta affiliate waa istaraatijiyad waxqabad ku salaysan halkaas oo shakhsiyaadka (xubnaha) ay kor u qaadaan badeecadaha ama adeegyada ganacsadaha oo ay kasbadaan komishan iib kasta ama ficil kasta oo ay ku abuurmaan dadaalkooda.  Waxaa jira dhowr nooc oo suuqgeyn xiriir la leh, mid walbana leh astaamo iyo habab gaar ah. Qaybaha affilaite marketing   1. Pay-per- Sale (PPS): Kani waa nooca ugu caansan.  Xiriiriyayaashu waxay kasbadaan komishan marka macaamilku wax ku iibsado isku xirka tixraacooda.  Tusaale ahaan, kuwa ku xidhan xayaysiinta tafaariiqle moodada ayaa heli doona boqolkiiba iibka marka macaamiishu iibsadaan shay kadib marka uu gujiyo xidhiidhkooda.   2. Pay-per-click (PPC): Qaabkan, kuwa raacsani waxay kasbadaan lacag gujis kasta oo lagu sameeyo xiriirkooda, iyadoon loo eegin haddii iibku dhaco.  Habkani waa mid caan ka dhex ah kuwa xidhiidhka la leh ee isticmaala xayaysiis lacag leh si ay ugu wadaan taraafikada goobaha gana...

Waa maxay capital{raasamaal}?

 Introduction{hordhac}

Markaad ganacsi bilaabaysid ama soo dhex gala gayso waxaa lakayaaba in maqalkaaku ku soo dhacay eraykan capital {raasamaal},waxaana laka yaabaa inaad is waydiisay waa maxay raasamaal, waa maxay ahmiyadiisu, shaqo nooce buu qabtaa, miyaa loo baahanyahay iyo waxkale.

 lakin haga walawalin maqaalkeenu maanta wuxuu ka hadli doona raasamalkaas, marka inta aan ku guda jirno waxaa arkaysaa ereyo sida:

 asset{hanti}:waaana hantida ay shirkadu ku shaqayso tusale: miisaska, buuga, qalinka, gaariga iyo dhismaha.

Shares{sahmi}: waa inaad iibsato xissad ama qayb kamid ah  shirkada oo aad ka mid noqoto hantiilayasha ganacsiga leh

capital{raasmaal}

Raasamalku: waa lacagta uu ganacsigu ku shaqeeyo, hantiiluhu{owner} waa lacagta uu ku maalgashado ganacsigiisa hadday tahay dayn ama maalgalin shirkadeed ama lacag uu isagu leeyahay.

Rasamalku: waa lacagta loo isticmaalo in lagu dhaliyo lacag kale.

Rasamalku:  waa waxkasta oo ganacsigu leeyahay oo qayb ka qaadanaya dhismaha hantida ama horumarka ganacsiga ee shirkadda.

Tusaale: rasamalku waa wadnaha ganacsiga, haduusan shaqeenin karin wadnuhu, ganacsigaagu ama jirkaaku ma shaqeenayo mana hormarayo , taasna waa qaacido ganacsi oo  aan la burin karin oo taagan.


waa maxay ahmiyadda raasamalka

raasamalku waxay muhiim u yahay horumarka ganacsiga shirkadaada, waxyna siyaadisaa wax soo saarka shaqaalaha iyo dhanka dhaqaalaha oo dhan.

Waana muhiim sababta oo ah inaad siyaadisu wax soo saarkaaga waxy ku siyaadinaysa faaidaada{profit}ka shirkadaada, dhaqaaluhu dabcan wuu kacayaa.

Rasamalku wuxuu u kala baxaa 4 qaybood waxayna yihiin tiirarka rasamlka waana sidatan:

1: Rasamalka shaqenya{working capital}: rasamalka shaqenaya wuxuu kala saaraa shirkadda hantideeda{asset} iyo daynteeda{liability},isagoo cabiraya/qiyaasaya awooda ay shirkadu leedahay inay isla markana ilaalinayso qulqulka lacagta.

Workingcapital  =  asset{hanti}  - liability{daynta}.

Rasamalka shaqeeya waa loo isticmaalaa in lagu maalagaliyo hawlgalka shirkadda  iyo buuxinta waajibaadka muddada gaaban.

2: Rasamalka daynta { debt capital} :

Rasamalka daynta waa rasamalka aad hesho adigoo dayn{loan} kasoo qaadanya bankiyada, shirkadaha caanka ah, shirkadaha ganacsiga maalagaliya, eheladda, saaxibadda iyo waxkasta aad u baahantahay si aad ganacsi u abuurtid.

Rasamalka dayntu waa inaad si joogta u bixisaa dabcan adigoo oo ann u qaadanaynin inu yahay dayn culus oo shakhsi ah lakin se wax muhiim uh ganacsigaaga dhismihiisa iyo horumarkiisa.

3: Rasamalka sinaanta { equity capital} :

Rasmalka sinaantu sida uu magaciisu sheegayo waa inaad iibiso saamiyadda {shares} shirkadda adigoo iibinaya saamiyadda si khaas{private} ama koox{group} ah  adigoo lacagtaas u isticmaalaya inaad siyaadiso rasamaalka shirkadda.

FG: qiimaah saamiyadu waa isku mid, halkii saami inta uu shirkadu kaga fadiyo qiima ahaan baa looga iibinayaa qofka ama kooxda iibsanaysa, khasabna maaha inaan hal sahmi kaliya iibsato hal kabadan waad iibsabkartaa, waxayna share ku yeelan doonan faaido {profit} ka shirkadda hadba inta saami ay iibsadeen qiimaha,iyagoo ilaalinaya xeerka ganacsi ay dawladu dajisay.

 

4: Rasmalka gancsiga{ trading capital}

Rasamlka ganacsi wuxuu gaar u yahay warshadaha maaliyeed taas  oo malgalisa shirkadaha dulaalnimada ka shaqeeya iyago caawinaya ama taagero siinaya qorshohooda maalgashi, iyagoo faaido ama wax iibinwayn ay shirkaddaha dulalnimda ugu wayn ay sameeyaan ka faaidaya.

Rasmalka ganacsi wax iibsigaas weyn lacagta uu ka faaido waxaa lagu daraya rasmalka ay shirkadu ku shaqenayso haddii uu khassaro yimaado saddexda kale ayaa asturaya inta uu kasoo kabanayo .



Conclusion {gunaanad}

Gabgabadii waxaan dhihi lahaa rasamlku waa aasaska ganacsiga, wuxuuna dajiya misaniyadda loo baahanyahay si uu ganacsigu u shaqeeyo, wuxuuna muhiim u yahay horumarka ganacsiga iyo la xalinta caqabadooyinka soo waajihidoona gancsigaaga iyo furasadaha ganacsi sida looga faaidaysanlahaa.

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay principle of management{xeerka maamulka}?

  introduction {hordhac}  Haddii uu hamigaagu yahay inaad shirkad ama urur maamulid oo aan gararin sida wax loo maamulo markaas topickan wuxuu kaa caawindoonaa ama fikir guud kaa siin doona sida wax loo maamulo. Principle of management Waa xeerka maamulida shaqooyinka   aasaasika ah taas oo ah   inaad qorshayso, maamusho, xakamayso, hagto iyo shaqaalayso dadka aad maamulo u tahay. Suaalooyin badan baa kuusoo dhacaya markaad akhhrinayso xeerka maamulida waxaan, iswaydiindoontaa waa maxay xeerka koowaad{ 1 } ee maamulka jawaabtuna waa : Delegation {ergo ama wafdi}. Ergadu{ delegation }: waa inaad qof mas’uuliyad siiso ama inuu meel maamulo adigoo siinaya fasaxa inuu maamuliko meesha ama   siinaya awooda uu ku xambaari lahaa mas’uuliyadaas, waana habka qaybinta shaqada si ay firfircawnidu u badato, shirkadaaduna si fiican u shaqayso, adiguna hogaamiye lagu dayno ama tusaale{ role model} noqoto. xeerarka ee principle of management Ninka loo yaqaano HENRI...

Macro Economics vs Micro Economics, waa maxay farqiga u dhaxeeya?

  Introduction. Macro  iyo Micro economics  waa labada laan ee dhaqaalaha, waxa ayna la tacaamulaan waxkasta oo dhaqaalaha khuseeya. Waxaana  maqaalkeena kaga hadli doona:  Waa maxay macro economics.  Waa maxay micro economics.  Waa maxay farqiga u dhaxeeya { macro vs micro} Macro iyo micro economics ama sida luqada soomaliga lagu dhaho dhaqaalah guud iyo dhaqaalaha yar-yar waa labada laamood oo tiirka u ah dhaqaalaha. Macro economics {dhaqaalaha guud} waaxa ay daraasaysaa qaraaraadka guud ee waddanka iyo dawladda, halka Micro economics {dhaqaalaha yar-yar} ay daraasadayso qaraaraadka shakhsi ee qofka ama shirkad qaadato. Waa maxay macro eocnomics ? Dhaqaalaha guud waa laan kamid ah cilmiga barashada dhaqaalaha , waxa ayna diirada saarta daraasadaynta dhaqaalaha guud ee shirkadda , oo  ay ku jiraan arrimo sida : sicir-bararka, shaqo la’aanta, kobaca dhaqaale, wax soo saarka guud,  iyo dakhliga qaranka ah. Dhaqaalaha guud waxa uu ka koob...

Sidee maareynta financial planning ka qayb-qaadataa horumarka ganacsiga ?

  Haddii aad rabto inaad maamusho  maaliyadaada mid  shakhsi ama ganacsi ahaaneed ba, waa inaad fahamtaa xogta aan hadda kuu sheegayo. Sababta oo ah waxa ay kaa caawinaysaa inaad maareyso maaliyadaada habka ugu fiican, una tayo-wanaagsan iyo ugu macquulsan. Xogta aan ku siindoono maaha xog iska hadal ah laakin, waa xog ay shirkadu sida [apple,micro-soft, amazon] ay isticmaalaan si ay ganacsigooda u mareeyaan. Ka hor inta aan ka hadlin maareynta financial planning, marka kowaad waa inaan is waydiina 2 su’aalood, oo gaashaan u ah fahmida xogta aan kuu sheegi doono .   Waana sidatan :   Q1: Waa maxay financial planning? financial planning : waa habka dejinta iyo xaqiijinta yoolalka maaliyadeed, ee shirkadaha ama ururada iyada oo la marayo maaraynta saxda ah ee hantida. Financial planning Waaa habka hagitaan qorshahaaga maaliyadeed si aad ugu diyaar-garowdo inaad ka soo baxdo waajibaadkaaga iyo ujeedooyinkaaga ganacsi/ shakhsi ahaneed mustaqbalka ...