Skip to main content

Noocyada Suuqgeynta Affiliate

    Suuqgeynta affiliate waa istaraatijiyad waxqabad ku salaysan halkaas oo shakhsiyaadka (xubnaha) ay kor u qaadaan badeecadaha ama adeegyada ganacsadaha oo ay kasbadaan komishan iib kasta ama ficil kasta oo ay ku abuurmaan dadaalkooda.  Waxaa jira dhowr nooc oo suuqgeyn xiriir la leh, mid walbana leh astaamo iyo habab gaar ah. Qaybaha affilaite marketing   1. Pay-per- Sale (PPS): Kani waa nooca ugu caansan.  Xiriiriyayaashu waxay kasbadaan komishan marka macaamilku wax ku iibsado isku xirka tixraacooda.  Tusaale ahaan, kuwa ku xidhan xayaysiinta tafaariiqle moodada ayaa heli doona boqolkiiba iibka marka macaamiishu iibsadaan shay kadib marka uu gujiyo xidhiidhkooda.   2. Pay-per-click (PPC): Qaabkan, kuwa raacsani waxay kasbadaan lacag gujis kasta oo lagu sameeyo xiriirkooda, iyadoon loo eegin haddii iibku dhaco.  Habkani waa mid caan ka dhex ah kuwa xidhiidhka la leh ee isticmaala xayaysiis lacag leh si ay ugu wadaan taraafikada goobaha gana...

Waa maxay human resource management{maamulka shaqaalaha} ?

 hordhac

Badanaa waxaa la dhahaa dadku/shaqaaluhu waa ilaha ugu weyn ee ururka. ilaa waqti dhow lama fahmin in maamulidda shaqaaluhu ay qayb ka yihiin guusha shirkadda iyo gaaritaankeeda yoolkeeda.

Maanta, madaxda ganacsiga ee aduunka waxa ay isha saaran oo ay ka dadaalan inay shaqaysiiyan dadka ugu haboon ganacsigooda iyo sida ay u ilaalinlahaayeen hadday tahay inay mushaar kordin ama dallacid u sameeyaan.


 

human resource management {HRM} :

waa habka maamulidda, isku duwidda, qaabaynta shaqaalaha shirkadda si ay uqaadaan ama u hormariyaan shirkadda yoolkeeda ama hadafkeeda.

Maamulka shaqaalaha  waxaa ka kamid ah shaqadiisa : shaqaleenta, dallacida, diirigalinta, iyo ilaalinta sinaanta u dhaxaysa shaqaalaha shirkadda iyo xuquuqdooda shakhsi,xagga diin iyo dhaqan ahaan ba.

 Maamulka shaqaaluhu: waxay hubiyaan inay  abuuraan deegaanka ugu fiican ee uu shaqaaluhu ku shaqayn karo iyo inay u dhamaystiraan ama u ilaaliyaan ixtiyaajaadkiisa khaaska ah.

 U jeedada maamulka shaqaalaha

Maamulka shaqaalaha shaqadiisu ama hadafkiisu waxa uu badanaa ku xiran yahay cabirka shirkadda, iyo nooca shaqaale ee u shaqeeya, laakin halshay bay ka simanyihiin dhamaantood oo ah waana ilaalinta firfircawnida iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa shaqaalaha iyagoo u abuuraya deeganka ugu haboon ay ku shaqaynkaraan, iyo horumarinta xidhiidhka bulsho ka dhexaysa faracyada kala duwan ee shirkadda.

Shaqooyin kale uu qabto maamulka shaqaalaha oo muhiim ah waxa ka mid ah 6 qodob ee soo socda:

1: falaqaynta shaqada{job analysis}: waxa ay go’aamisaa xirfadda ama khibradda looga baahanyahay inuu qofku loo yeehay si uu uga shaqeeyo shirkadda.

2: Shaqaalaynsiinta{staffing}: waa inaad doorato ama soo jiidato dadka uku haboon una qalma inaya ka shaqeeyan shirkadaada, waxayna taas ku xirantahay adigoo u soo bandhigaya deeganka ugu haboon ay ku shaqaynkaraan.

3: work place policies{siyaasada gobta shaqada}: shaqaalahaga waa inaad u abuurta goobta u haboon ay ku shaqaynkaraan dhinaca caafimadka{health}, amniga{security}, deegaanka{enviroment}, iyo isdhexkalga bulsho{coomunication} iyagoo laga daalamaya midabtakoorida{discrimination}  raacayana  siyaasada ama xeerka ay shirkadu ku shaqayso.

4: qiimaynta shaqadda{function evaluation}: maamulka shaqaalahu waxaa ka mid shaqooyinkood inay qiimeyan shaqooyinka la qabtay iyagoo raacaya qorshihii ay shirkadu dajisay, saxanya khaladaadka dhacay. Waxayna sidoo kale maamulaan tayadda shaqaalaha, waqtiyadda la shaqaynayo, meesha laga shaqaynayo iyo xaaladda dhaqaale ee shirkadda.

5:Reward {abaalmarinta}: shaqaalaysu si  isku mid ah uma shaqeeyan  qofba qof buu ka firifcawsanyahay sidaad darteed waa inaad abaalmarin bixisaa si aad u diirigaliso shaqaalyashaada oo ay u dadaalan oo ay abaalamarintaa u helaan, waxyna noqon kartaa dallacid, camuulad siin ,mushaar kordin,  ijaaso bixin ama hadiyado sida gaari ,xafiis ama guri iwm.

6: fired/layoff { shaqo baacinta} : dadku way khaldami karaan , waxaana macquul ah inaad shaqaalysiiso dad aan ku habooneen shirkadaada , waxaana muhiim aha inaad ka takhalusto qofkasta aan ku habooneen shirkadaada ama carqalinaya horumarka shirkadaada ama shaqaalahaaga sida ugu edebta uguna macquulsan oo aad awoodo .

Overview{khulaaso}

Maamulka shaqaalha waxa uu kamid yahay tiirarka uu ganacsigu ku shaqeeyo, waxa ay ilaaliyaan nidaamka shirkada iyo fulinta shuruucdeeda sida ugu haboon, waxayna ka daalaan in shaqalaheedu u abuurto deeganka ugu haboon ay ku shaqaynkaraan iyagoo u asturaya ixtiyaajoodkooda dhinaca shakhsi ama jinsi{gender} ahaan iyo ilaalinta amnigooda iyo xuquuqda ay shirkadda ku leeyihiin iyagoo ladagaakmaya midabtakoorka iwm.  


Q1: maqaalakan miyuu badalay fikrada aad ka qabtay maamulka shaqaalaha mise weli ma fahmin ?

Q2: su’aal miyaa qabtaa oo aad jawaabteeda meesha ka wayday, hadday jirto i waydii waxaa farxad ii ah inaan kuu jawaabo ee i waydii ?

 



Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay principle of management{xeerka maamulka}?

  introduction {hordhac}  Haddii uu hamigaagu yahay inaad shirkad ama urur maamulid oo aan gararin sida wax loo maamulo markaas topickan wuxuu kaa caawindoonaa ama fikir guud kaa siin doona sida wax loo maamulo. Principle of management Waa xeerka maamulida shaqooyinka   aasaasika ah taas oo ah   inaad qorshayso, maamusho, xakamayso, hagto iyo shaqaalayso dadka aad maamulo u tahay. Suaalooyin badan baa kuusoo dhacaya markaad akhhrinayso xeerka maamulida waxaan, iswaydiindoontaa waa maxay xeerka koowaad{ 1 } ee maamulka jawaabtuna waa : Delegation {ergo ama wafdi}. Ergadu{ delegation }: waa inaad qof mas’uuliyad siiso ama inuu meel maamulo adigoo siinaya fasaxa inuu maamuliko meesha ama   siinaya awooda uu ku xambaari lahaa mas’uuliyadaas, waana habka qaybinta shaqada si ay firfircawnidu u badato, shirkadaaduna si fiican u shaqayso, adiguna hogaamiye lagu dayno ama tusaale{ role model} noqoto. xeerarka ee principle of management Ninka loo yaqaano HENRI...

Muhiimada ay Suuq-Geyntu U leedahay ganacsiyada?

  Marka laga hadlo ama lasoo qaado  shirkad ganacsiyeed oo kor u kacday ama hoos u dhacday, waxaan is-weydiinaa 1 shey oo sababi kara hoos ama kor ukaca oo ah badeecada oo ah : Q1.  Shirkaddu Suuq-Geyn fiican maleh miyaa ? Hadaba:   ü Waa maxay Suuq-Geyntu?   ü  waa maxay muhiimada ay suuq-geyntu ganacsiga u leeyahay.     ü sidee  uga qayb-qaadataa kor/ hoos u kicida ganacsiyada ?     Qeexitaanka Suuqgeynta. Suuq-geyn waxaa lagu qeexi karaa habka aqoonsiga, odoroska, iyo qancinta baahiyaha macaamiisha iyo rabitaanka iyada oo loo marayo abuurista, isgaarsiinta, iyo bixinta qiimaha. Waxay ku lug leedahay hawlo dhammaystiran, sida cilmi-baarista suuqa, horumarinta alaabta, qiimaha, qaybinta, horumarinta, iyo maamulka xiriirka macaamiisha. Xeeladaha suuqgeyntu waxaa loo qorsheeyay in-ay saameeyaan hab-dhaqanka macaamilka, abuuraan wacyi-gelin sumcadda, iyo ugu dambayntii ay kiciyaan iibka iyo faa'iidada. Suuqgeyntu waxa ay ka mid t...

Side loo maareeyaa khataraha Maaliyeed ee Ganacsiga?

Bilaabida ganacsigu waxay noqon kartaa dadaal dhaqaale ahaan mid khataro badan ku keeni kara. Si kastaba ha ahaatee, haddii si taxadar leh loo qorsheeyo oo fuliyo, waxaad yareyn kartaa ama xitaa ka hortagi kartaa  khatarahaas.   Inta kadib,   inta aad maqaalkeena kuguda jirto waxaad ku barandoontaa :       -   Qeexitaanka  khataraha maaliyeed?         -    Waa maxay maareynta khataraha maaliyeed?         -    Sidee loo ogaadaa khataraha maaliyeed?         -    Hababka oo aad ku maareyn-karto khataraha maaliyeed?         -    Iyo 5 tallabo la qaado kahor inta aadan ganacsi bilaabin?   Qeexitaanka    khataraha maaliyeed? khataraha maaliyeed waa xaalad uu nidaamka maaliyadeed ee dal ama deegaan uu la kulmo khalkhal ba’an oo lama filaan ah oo ku yimaada hab-socodka caadiga ah ee suuqyada iyo ...