Skip to main content

Waa maxay human resource management{maamulka shaqaalaha} ?

 hordhac

Badanaa waxaa la dhahaa dadku/shaqaaluhu waa ilaha ugu weyn ee ururka. ilaa waqti dhow lama fahmin in maamulidda shaqaaluhu ay qayb ka yihiin guusha shirkadda iyo gaaritaankeeda yoolkeeda.

Maanta, madaxda ganacsiga ee aduunka waxa ay isha saaran oo ay ka dadaalan inay shaqaysiiyan dadka ugu haboon ganacsigooda iyo sida ay u ilaalinlahaayeen hadday tahay inay mushaar kordin ama dallacid u sameeyaan.


 

human resource management {HRM} :

waa habka maamulidda, isku duwidda, qaabaynta shaqaalaha shirkadda si ay uqaadaan ama u hormariyaan shirkadda yoolkeeda ama hadafkeeda.

Maamulka shaqaalaha  waxaa ka kamid ah shaqadiisa : shaqaleenta, dallacida, diirigalinta, iyo ilaalinta sinaanta u dhaxaysa shaqaalaha shirkadda iyo xuquuqdooda shakhsi,xagga diin iyo dhaqan ahaan ba.

 Maamulka shaqaaluhu: waxay hubiyaan inay  abuuraan deegaanka ugu fiican ee uu shaqaaluhu ku shaqayn karo iyo inay u dhamaystiraan ama u ilaaliyaan ixtiyaajaadkiisa khaaska ah.

 U jeedada maamulka shaqaalaha

Maamulka shaqaalaha shaqadiisu ama hadafkiisu waxa uu badanaa ku xiran yahay cabirka shirkadda, iyo nooca shaqaale ee u shaqeeya, laakin halshay bay ka simanyihiin dhamaantood oo ah waana ilaalinta firfircawnida iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa shaqaalaha iyagoo u abuuraya deeganka ugu haboon ay ku shaqaynkaraan, iyo horumarinta xidhiidhka bulsho ka dhexaysa faracyada kala duwan ee shirkadda.

Shaqooyin kale uu qabto maamulka shaqaalaha oo muhiim ah waxa ka mid ah 6 qodob ee soo socda:

1: falaqaynta shaqada{job analysis}: waxa ay go’aamisaa xirfadda ama khibradda looga baahanyahay inuu qofku loo yeehay si uu uga shaqeeyo shirkadda.

2: Shaqaalaynsiinta{staffing}: waa inaad doorato ama soo jiidato dadka uku haboon una qalma inaya ka shaqeeyan shirkadaada, waxayna taas ku xirantahay adigoo u soo bandhigaya deeganka ugu haboon ay ku shaqaynkaraan.

3: work place policies{siyaasada gobta shaqada}: shaqaalahaga waa inaad u abuurta goobta u haboon ay ku shaqaynkaraan dhinaca caafimadka{health}, amniga{security}, deegaanka{enviroment}, iyo isdhexkalga bulsho{coomunication} iyagoo laga daalamaya midabtakoorida{discrimination}  raacayana  siyaasada ama xeerka ay shirkadu ku shaqayso.

4: qiimaynta shaqadda{function evaluation}: maamulka shaqaalahu waxaa ka mid shaqooyinkood inay qiimeyan shaqooyinka la qabtay iyagoo raacaya qorshihii ay shirkadu dajisay, saxanya khaladaadka dhacay. Waxayna sidoo kale maamulaan tayadda shaqaalaha, waqtiyadda la shaqaynayo, meesha laga shaqaynayo iyo xaaladda dhaqaale ee shirkadda.

5:Reward {abaalmarinta}: shaqaalaysu si  isku mid ah uma shaqeeyan  qofba qof buu ka firifcawsanyahay sidaad darteed waa inaad abaalmarin bixisaa si aad u diirigaliso shaqaalyashaada oo ay u dadaalan oo ay abaalamarintaa u helaan, waxyna noqon kartaa dallacid, camuulad siin ,mushaar kordin,  ijaaso bixin ama hadiyado sida gaari ,xafiis ama guri iwm.

6: fired/layoff { shaqo baacinta} : dadku way khaldami karaan , waxaana macquul ah inaad shaqaalysiiso dad aan ku habooneen shirkadaada , waxaana muhiim aha inaad ka takhalusto qofkasta aan ku habooneen shirkadaada ama carqalinaya horumarka shirkadaada ama shaqaalahaaga sida ugu edebta uguna macquulsan oo aad awoodo .

Overview{khulaaso}

Maamulka shaqaalha waxa uu kamid yahay tiirarka uu ganacsigu ku shaqeeyo, waxa ay ilaaliyaan nidaamka shirkada iyo fulinta shuruucdeeda sida ugu haboon, waxayna ka daalaan in shaqalaheedu u abuurto deeganka ugu haboon ay ku shaqaynkaraan iyagoo u asturaya ixtiyaajoodkooda dhinaca shakhsi ama jinsi{gender} ahaan iyo ilaalinta amnigooda iyo xuquuqda ay shirkadda ku leeyihiin iyagoo ladagaakmaya midabtakoorka iwm.  


Q1: maqaalakan miyuu badalay fikrada aad ka qabtay maamulka shaqaalaha mise weli ma fahmin ?

Q2: su’aal miyaa qabtaa oo aad jawaabteeda meesha ka wayday, hadday jirto i waydii waxaa farxad ii ah inaan kuu jawaabo ee i waydii ?

 



Comments

Popular posts from this blog

Liability management: Qeexitaankeeda, istaratijiyadeeda, muhiimadeeda iyo ujeedadeeda?

    Deynta   marka loo fiiriyo dhinaca maaliyadda iyo xisaabaadka waa tixraac waajibaadka ama deymaha  oo uu urur ama qof ku leeyahay dhinac kale.  Iyada ay saa  tahay Maarayta daynta waa arrin muhiim  ah taas oo ku leg leh maareynta isatartijiyada ee deynta shirkadda, iyo waajibaadka maaliyeed ee kale. Hadaba  :       -         Waa maxay maaraynta Deynta?       -         Waa maxay isratjiyada la istcimaasho si deynta loo maareeyo ?       -         Waa maxay muhiimada ay ganacsiga u leedahay?       -         Waa maxay ujeedada ama hadafka loo maareeyo Deynta ? Waa maxay Maaraynta Deynta? Maaraynta deyntu waa istaratijiyad maareyn maaliyeed oo diirada saarta in si wax ku ool ah loo maareeyo deynta shirkadda iyo waajibaadka kale ee maaliyeed. Waxa ay ku lug leedahay qaabaynta taxaddarka leh iyo la socodka deymaha si loo yareeyo khataraha la xiriira. Korna loo qaado la socodka lacagta caddanka, loona hagaajiyo guud ahaan xasillonida maaliyeed. Maaraynta daynta waa hab lagu maare

Finance: Waa maxay Qeexitaankiisa, Muhiimadiisa, ujeedadiisa iyo tusaalihiisa?

  Finance ama sida luqada soomaliga lagu dhaho Maaliyaddu : waa hawlbowlaha dhaq-dhaqaaqa ee dhaqaalaha ganacsiyada, isaga oo u adeegaya sida shidaalka  dhaqaajiya ganacsiyada , shirkadaha, shakhsiyaadka iyo dawladabba.Hadaba Maqaalkeenu waxa aan kaga hadli doona oo uu ku-saabsan yahay :   ü Waa maxay qeexitankiisa Maaliyadda?   ü Waa maxay muhiimada Maaliyadda?   ü Waa maxay  ujeedadeeda  Maaliyadda?   ü Waa maxay tusaalaha Maaliyadda? Waa maxay Qeexitanka Maaliyadda? Maaliyadda waxaa loola jeedaa maareynta/ kormeerida/ilaalinta lacagaha iyo hantida  oo uu ganacsigu leeyahay, oo ay ku jiraan amaahda, maalgashiga , miisaaniyada. Waxa ayna ka kooban tahay hawlo kala duwan sida bangiyada, maalagshiga iyo maareynta hantida si loo gaaro yoolalka ama ujeedooyinkooda maaliyeed. Maaliyaddu waxa ay sidoo kae lug ku leedahay daraasadda suuqyada maaliyeed, hay’adaha, qalabka iyo sidoo kale falaqaynta xogta maaliyeed iyo go’aan qaadashada la xidhiidha lacagta iyo raasmaalka.

Waa maxay assets ? Qeexitaankiisa, Qaybihiisa , Muhiimadiisa iyo Tusaalayaashiisa.

   Hordhac Maalqabeedanu waxa ay iibsadaan hantida{usuusha}, faqiirku  kharash kaliya ayuu haysta, dadka dabaqada dhexana waxa ay iibasadaan dayn iyagoo hanti  u maleenaya.   {Robert kiyosaki}. Dad badan marka ay ereyga hanti{asset} maqlaan waxaa isla markiiba maskaxdooda ku soo dhacda hantida ay iyagu leeyihiin ama  ay kharash badan ku bixiyeen helitaankeeda iyo isticmaalkeeda. laakin  hantidu intaa kaliya kuma koobna waxa ay kaa caawin kartaa inaad dhaqaale samayso. waxaa maqaalkan faham guud kaa sii doona asset{hanti}, qaybihiisa iyo tusaaalihiisa. Waa maxay asset? asset: ku  ama sida luqada soomaliga laku dhaho Hanti/ usuul   waa walxo asaas u ah oo lama huraan ah, oo gacan ka geysata kobaca iyo guusha ururada ka jira warshadaha kala duwan. Hadday yihiin kuwo jireed, maaliyeed ama maskaxeed, hantidu waxa ay ka ciyaartaa door muhiim ah soo saarista qiimaha, wadista hal abuurka, iyo hubinta tartanka. Usuushu ama hantidu waa khayraad qiimo dhaqaale   leh shakhsi ,shirkad ama wadan uu