Skip to main content

Noocyada Suuqgeynta Affiliate

    Suuqgeynta affiliate waa istaraatijiyad waxqabad ku salaysan halkaas oo shakhsiyaadka (xubnaha) ay kor u qaadaan badeecadaha ama adeegyada ganacsadaha oo ay kasbadaan komishan iib kasta ama ficil kasta oo ay ku abuurmaan dadaalkooda.  Waxaa jira dhowr nooc oo suuqgeyn xiriir la leh, mid walbana leh astaamo iyo habab gaar ah. Qaybaha affilaite marketing   1. Pay-per- Sale (PPS): Kani waa nooca ugu caansan.  Xiriiriyayaashu waxay kasbadaan komishan marka macaamilku wax ku iibsado isku xirka tixraacooda.  Tusaale ahaan, kuwa ku xidhan xayaysiinta tafaariiqle moodada ayaa heli doona boqolkiiba iibka marka macaamiishu iibsadaan shay kadib marka uu gujiyo xidhiidhkooda.   2. Pay-per-click (PPC): Qaabkan, kuwa raacsani waxay kasbadaan lacag gujis kasta oo lagu sameeyo xiriirkooda, iyadoon loo eegin haddii iibku dhaco.  Habkani waa mid caan ka dhex ah kuwa xidhiidhka la leh ee isticmaala xayaysiis lacag leh si ay ugu wadaan taraafikada goobaha gana...

Waa maxay financial management {maamulka maaliyada/dhaqalaha}

 

Introduction{hordhac}

Haddaadan xakamayn karin dhaqaalahaaga, ma xakamayn kartid ganacsigaaga iyo mustaqbalkiisa.

sidaan wadda ogsoon nahay adduunku maanta wuxuu ku shaqeeyaa lacag iyado taaasi jirto waxaa muhiim kuu ah inaad maamusho dhaqdhaqaaqa lacagta si uu ganacsigaagu horumar u gaaro.

 Maamulka maaliyeed wuxuu ka caawiyaa shirkada inay xisaabiso dhaqdhaqaaqa lacageed ee shirkadu samayso hadday tahay wax iibsi ama dayn waa inaad xakamaysaa dhaqaalahagu si uu u fadiyo raasamaalkaagu "capital".

Financial management

waa hab shaqo ganancsiyeed taas oo ka waalacsan ama ka walwalsan faaidada,kharashaadka, lacagta iyo daynta ay shirkadu leedahay iyo maamulkeeda si ay uruku/shirkadu u sii waddo yoolkeeda sida ugu  qanancsan ee suurtogalka ah.

Maamulka maaliyeed:waa habka maaraynta shirkadda dhaqaaleheda taas oo ogalansya inay shirkdu{ successful } noqoto una hoggansamo xeerkeeda.

                                                   


Muhiimadda{importance} ay leedahay maamulka maaliyadda?

Maamulidda maaliyadda waxay faaido muhiim ah u tahay haddaad rabto inaad dhaqaalhaaga horumariso, taas oo waxay kuu caddenaysaa inay tahay shaqo muhiim oo ku xiran mustaqbalka shirkadda.

Waxaana ka mid ah muhiimadda ay leedahay :

1:  Ganacsigu wuxuu u baahanyahay maamulida maaliyada si uu qararad maaliyed u qaato. 

2: Wuxuu hubiyaa in qayb walba ka tirsan shirkada ay istacmasho miisaniyada loo jaamgooyey.

3: Waxay ka caawisa shirkadu inay maamusho dhaqaaleheda oo ay helaan raasamalka loo                    baahanyahay inay shirkada ku shaqayso. 

4: Waxay dhiirigalisaa qulqulka lacageed iyo maamulidda daynbixinta shirkadda.

Shaqadda{function} ee maamulidda maaliyadda

Sidaan wadda ogsoon nahay  maamulka maaliyeed wuxuu ka caawiya shirkada wixii maaliyadda la xiriira haday tahay :

1: qulqulka lacagta{cash flow}

2: daynbixin{credit}

3: maalgalin{investment} 

4:go’aaminta ilaha raasamalka{capital}

5: maamulida lacagaha dheeraadka ah{suplus money}

6: xakamaynta dhaqaalaha{financial control}.



Doorka uu ku leyahay maamulka dhaqalaha ee shirkadda

Intaan ku soo jirnay mawducena maanta waxaan ka hadlaynay maamulka dhaqaalaha, faaidadiisa, shaqadiisa, markaa intaa soo ogaanay kadib waa maxay doorka uu leedahay mamulida maaliyada/dhaqalaha waana sidan:

1: qiimaha baahida raasamalka{capital needs assisment}

2: qiimaynta halabuurka raasumalka{capital composition evaluation}

3: maalgalinta go’aaminta { investment determinatio}

4: xulashada ilaha rasmalka {capital source selsection}

5: maamulka dhaqaalaha {financial control}

 

Conclusion{gunaanad}

Shantaa qodob waxay soo koobayaan dawrka ay maamulka dhaqaaluhu leeyahay waana shaqada ugu muhiimsan taas oo sabab u ah haddii mid la waayo ay ganacsigaagu khatar ku jiro waxayna ka shaqeeyaan sida ay shirkadu faaido u samayn lahayd iyadoo maamulaysa dhaqaalaeheeda sida ugu fiican ee ugu habboon ...........MAHADSANID


Comments

Popular posts from this blog

Muhiimada ay Suuq-Geyntu U leedahay ganacsiyada?

  Marka laga hadlo ama lasoo qaado  shirkad ganacsiyeed oo kor u kacday ama hoos u dhacday, waxaan is-weydiinaa 1 shey oo sababi kara hoos ama kor ukaca oo ah badeecada oo ah : Q1.  Shirkaddu Suuq-Geyn fiican maleh miyaa ? Hadaba:   ü Waa maxay Suuq-Geyntu?   ü  waa maxay muhiimada ay suuq-geyntu ganacsiga u leeyahay.     ü sidee  uga qayb-qaadataa kor/ hoos u kicida ganacsiyada ?     Qeexitaanka Suuqgeynta. Suuq-geyn waxaa lagu qeexi karaa habka aqoonsiga, odoroska, iyo qancinta baahiyaha macaamiisha iyo rabitaanka iyada oo loo marayo abuurista, isgaarsiinta, iyo bixinta qiimaha. Waxay ku lug leedahay hawlo dhammaystiran, sida cilmi-baarista suuqa, horumarinta alaabta, qiimaha, qaybinta, horumarinta, iyo maamulka xiriirka macaamiisha. Xeeladaha suuqgeyntu waxaa loo qorsheeyay in-ay saameeyaan hab-dhaqanka macaamilka, abuuraan wacyi-gelin sumcadda, iyo ugu dambayntii ay kiciyaan iibka iyo faa'iidada. Suuqgeyntu waxa ay ka mid t...

Waa maxay principle of management{xeerka maamulka}?

  introduction {hordhac}  Haddii uu hamigaagu yahay inaad shirkad ama urur maamulid oo aan gararin sida wax loo maamulo markaas topickan wuxuu kaa caawindoonaa ama fikir guud kaa siin doona sida wax loo maamulo. Principle of management Waa xeerka maamulida shaqooyinka   aasaasika ah taas oo ah   inaad qorshayso, maamusho, xakamayso, hagto iyo shaqaalayso dadka aad maamulo u tahay. Suaalooyin badan baa kuusoo dhacaya markaad akhhrinayso xeerka maamulida waxaan, iswaydiindoontaa waa maxay xeerka koowaad{ 1 } ee maamulka jawaabtuna waa : Delegation {ergo ama wafdi}. Ergadu{ delegation }: waa inaad qof mas’uuliyad siiso ama inuu meel maamulo adigoo siinaya fasaxa inuu maamuliko meesha ama   siinaya awooda uu ku xambaari lahaa mas’uuliyadaas, waana habka qaybinta shaqada si ay firfircawnidu u badato, shirkadaaduna si fiican u shaqayso, adiguna hogaamiye lagu dayno ama tusaale{ role model} noqoto. xeerarka ee principle of management Ninka loo yaqaano HENRI...

Side loo maareeyaa khataraha Maaliyeed ee Ganacsiga?

Bilaabida ganacsigu waxay noqon kartaa dadaal dhaqaale ahaan mid khataro badan ku keeni kara. Si kastaba ha ahaatee, haddii si taxadar leh loo qorsheeyo oo fuliyo, waxaad yareyn kartaa ama xitaa ka hortagi kartaa  khatarahaas.   Inta kadib,   inta aad maqaalkeena kuguda jirto waxaad ku barandoontaa :       -   Qeexitaanka  khataraha maaliyeed?         -    Waa maxay maareynta khataraha maaliyeed?         -    Sidee loo ogaadaa khataraha maaliyeed?         -    Hababka oo aad ku maareyn-karto khataraha maaliyeed?         -    Iyo 5 tallabo la qaado kahor inta aadan ganacsi bilaabin?   Qeexitaanka    khataraha maaliyeed? khataraha maaliyeed waa xaalad uu nidaamka maaliyadeed ee dal ama deegaan uu la kulmo khalkhal ba’an oo lama filaan ah oo ku yimaada hab-socodka caadiga ah ee suuqyada iyo ...