Skip to main content

Noocyada Suuqgeynta Affiliate

    Suuqgeynta affiliate waa istaraatijiyad waxqabad ku salaysan halkaas oo shakhsiyaadka (xubnaha) ay kor u qaadaan badeecadaha ama adeegyada ganacsadaha oo ay kasbadaan komishan iib kasta ama ficil kasta oo ay ku abuurmaan dadaalkooda.  Waxaa jira dhowr nooc oo suuqgeyn xiriir la leh, mid walbana leh astaamo iyo habab gaar ah. Qaybaha affilaite marketing   1. Pay-per- Sale (PPS): Kani waa nooca ugu caansan.  Xiriiriyayaashu waxay kasbadaan komishan marka macaamilku wax ku iibsado isku xirka tixraacooda.  Tusaale ahaan, kuwa ku xidhan xayaysiinta tafaariiqle moodada ayaa heli doona boqolkiiba iibka marka macaamiishu iibsadaan shay kadib marka uu gujiyo xidhiidhkooda.   2. Pay-per-click (PPC): Qaabkan, kuwa raacsani waxay kasbadaan lacag gujis kasta oo lagu sameeyo xiriirkooda, iyadoon loo eegin haddii iibku dhaco.  Habkani waa mid caan ka dhex ah kuwa xidhiidhka la leh ee isticmaala xayaysiis lacag leh si ay ugu wadaan taraafikada goobaha gana...

Waa maxay financial management {maamulka maaliyada/dhaqalaha}

 

Introduction{hordhac}

Haddaadan xakamayn karin dhaqaalahaaga, ma xakamayn kartid ganacsigaaga iyo mustaqbalkiisa.

sidaan wadda ogsoon nahay adduunku maanta wuxuu ku shaqeeyaa lacag iyado taaasi jirto waxaa muhiim kuu ah inaad maamusho dhaqdhaqaaqa lacagta si uu ganacsigaagu horumar u gaaro.

 Maamulka maaliyeed wuxuu ka caawiyaa shirkada inay xisaabiso dhaqdhaqaaqa lacageed ee shirkadu samayso hadday tahay wax iibsi ama dayn waa inaad xakamaysaa dhaqaalahagu si uu u fadiyo raasamaalkaagu "capital".

Financial management

waa hab shaqo ganancsiyeed taas oo ka waalacsan ama ka walwalsan faaidada,kharashaadka, lacagta iyo daynta ay shirkadu leedahay iyo maamulkeeda si ay uruku/shirkadu u sii waddo yoolkeeda sida ugu  qanancsan ee suurtogalka ah.

Maamulka maaliyeed:waa habka maaraynta shirkadda dhaqaaleheda taas oo ogalansya inay shirkdu{ successful } noqoto una hoggansamo xeerkeeda.

                                                   


Muhiimadda{importance} ay leedahay maamulka maaliyadda?

Maamulidda maaliyadda waxay faaido muhiim ah u tahay haddaad rabto inaad dhaqaalhaaga horumariso, taas oo waxay kuu caddenaysaa inay tahay shaqo muhiim oo ku xiran mustaqbalka shirkadda.

Waxaana ka mid ah muhiimadda ay leedahay :

1:  Ganacsigu wuxuu u baahanyahay maamulida maaliyada si uu qararad maaliyed u qaato. 

2: Wuxuu hubiyaa in qayb walba ka tirsan shirkada ay istacmasho miisaniyada loo jaamgooyey.

3: Waxay ka caawisa shirkadu inay maamusho dhaqaaleheda oo ay helaan raasamalka loo                    baahanyahay inay shirkada ku shaqayso. 

4: Waxay dhiirigalisaa qulqulka lacageed iyo maamulidda daynbixinta shirkadda.

Shaqadda{function} ee maamulidda maaliyadda

Sidaan wadda ogsoon nahay  maamulka maaliyeed wuxuu ka caawiya shirkada wixii maaliyadda la xiriira haday tahay :

1: qulqulka lacagta{cash flow}

2: daynbixin{credit}

3: maalgalin{investment} 

4:go’aaminta ilaha raasamalka{capital}

5: maamulida lacagaha dheeraadka ah{suplus money}

6: xakamaynta dhaqaalaha{financial control}.



Doorka uu ku leyahay maamulka dhaqalaha ee shirkadda

Intaan ku soo jirnay mawducena maanta waxaan ka hadlaynay maamulka dhaqaalaha, faaidadiisa, shaqadiisa, markaa intaa soo ogaanay kadib waa maxay doorka uu leedahay mamulida maaliyada/dhaqalaha waana sidan:

1: qiimaha baahida raasamalka{capital needs assisment}

2: qiimaynta halabuurka raasumalka{capital composition evaluation}

3: maalgalinta go’aaminta { investment determinatio}

4: xulashada ilaha rasmalka {capital source selsection}

5: maamulka dhaqaalaha {financial control}

 

Conclusion{gunaanad}

Shantaa qodob waxay soo koobayaan dawrka ay maamulka dhaqaaluhu leeyahay waana shaqada ugu muhiimsan taas oo sabab u ah haddii mid la waayo ay ganacsigaagu khatar ku jiro waxayna ka shaqeeyaan sida ay shirkadu faaido u samayn lahayd iyadoo maamulaysa dhaqaalaeheeda sida ugu fiican ee ugu habboon ...........MAHADSANID


Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay principle of management{xeerka maamulka}?

  introduction {hordhac}  Haddii uu hamigaagu yahay inaad shirkad ama urur maamulid oo aan gararin sida wax loo maamulo markaas topickan wuxuu kaa caawindoonaa ama fikir guud kaa siin doona sida wax loo maamulo. Principle of management Waa xeerka maamulida shaqooyinka   aasaasika ah taas oo ah   inaad qorshayso, maamusho, xakamayso, hagto iyo shaqaalayso dadka aad maamulo u tahay. Suaalooyin badan baa kuusoo dhacaya markaad akhhrinayso xeerka maamulida waxaan, iswaydiindoontaa waa maxay xeerka koowaad{ 1 } ee maamulka jawaabtuna waa : Delegation {ergo ama wafdi}. Ergadu{ delegation }: waa inaad qof mas’uuliyad siiso ama inuu meel maamulo adigoo siinaya fasaxa inuu maamuliko meesha ama   siinaya awooda uu ku xambaari lahaa mas’uuliyadaas, waana habka qaybinta shaqada si ay firfircawnidu u badato, shirkadaaduna si fiican u shaqayso, adiguna hogaamiye lagu dayno ama tusaale{ role model} noqoto. xeerarka ee principle of management Ninka loo yaqaano HENRI...

Macro Economics vs Micro Economics, waa maxay farqiga u dhaxeeya?

  Introduction. Macro  iyo Micro economics  waa labada laan ee dhaqaalaha, waxa ayna la tacaamulaan waxkasta oo dhaqaalaha khuseeya. Waxaana  maqaalkeena kaga hadli doona:  Waa maxay macro economics.  Waa maxay micro economics.  Waa maxay farqiga u dhaxeeya { macro vs micro} Macro iyo micro economics ama sida luqada soomaliga lagu dhaho dhaqaalah guud iyo dhaqaalaha yar-yar waa labada laamood oo tiirka u ah dhaqaalaha. Macro economics {dhaqaalaha guud} waaxa ay daraasaysaa qaraaraadka guud ee waddanka iyo dawladda, halka Micro economics {dhaqaalaha yar-yar} ay daraasadayso qaraaraadka shakhsi ee qofka ama shirkad qaadato. Waa maxay macro eocnomics ? Dhaqaalaha guud waa laan kamid ah cilmiga barashada dhaqaalaha , waxa ayna diirada saarta daraasadaynta dhaqaalaha guud ee shirkadda , oo  ay ku jiraan arrimo sida : sicir-bararka, shaqo la’aanta, kobaca dhaqaale, wax soo saarka guud,  iyo dakhliga qaranka ah. Dhaqaalaha guud waxa uu ka koob...

Sidee maareynta financial planning ka qayb-qaadataa horumarka ganacsiga ?

  Haddii aad rabto inaad maamusho  maaliyadaada mid  shakhsi ama ganacsi ahaaneed ba, waa inaad fahamtaa xogta aan hadda kuu sheegayo. Sababta oo ah waxa ay kaa caawinaysaa inaad maareyso maaliyadaada habka ugu fiican, una tayo-wanaagsan iyo ugu macquulsan. Xogta aan ku siindoono maaha xog iska hadal ah laakin, waa xog ay shirkadu sida [apple,micro-soft, amazon] ay isticmaalaan si ay ganacsigooda u mareeyaan. Ka hor inta aan ka hadlin maareynta financial planning, marka kowaad waa inaan is waydiina 2 su’aalood, oo gaashaan u ah fahmida xogta aan kuu sheegi doono .   Waana sidatan :   Q1: Waa maxay financial planning? financial planning : waa habka dejinta iyo xaqiijinta yoolalka maaliyadeed, ee shirkadaha ama ururada iyada oo la marayo maaraynta saxda ah ee hantida. Financial planning Waaa habka hagitaan qorshahaaga maaliyadeed si aad ugu diyaar-garowdo inaad ka soo baxdo waajibaadkaaga iyo ujeedooyinkaaga ganacsi/ shakhsi ahaneed mustaqbalka ...