Skip to main content

Macro Economics vs Micro Economics, waa maxay farqiga u dhaxeeya?

 


Introduction.

Macro iyo Micro economics waa labada laan ee dhaqaalaha, waxa ayna la tacaamulaan waxkasta oo dhaqaalaha khuseeya. Waxaana  maqaalkeena kaga hadli doona:

 Waa maxay macro economics.

 Waa maxay micro economics.

 Waa maxay farqiga u dhaxeeya { macro vs micro}

Macro iyo micro economics ama sida luqada soomaliga lagu dhaho dhaqaalah guud iyo dhaqaalaha yar-yar waa labada laamood oo tiirka u ah dhaqaalaha. Macro economics {dhaqaalaha guud} waaxa ay daraasaysaa qaraaraadka guud ee waddanka iyo dawladda, halka Micro economics {dhaqaalaha yar-yar} ay daraasadayso qaraaraadka shakhsi ee qofka ama shirkad qaadato.

Waa maxay macro eocnomics ?

Dhaqaalaha guud waa laan kamid ah cilmiga barashada dhaqaalaha, waxa ayna diirada saarta daraasadaynta dhaqaalaha guud ee shirkadda, oo  ay ku jiraan arrimo sida : sicir-bararka, shaqo la’aanta, kobaca dhaqaale, wax soo saarka guud,  iyo dakhliga qaranka ah.

Dhaqaalaha guud waxa uu ka koobanyahay fikrado ama siyaasado badan, kuwaas oo cadeeya ama muujiya ahmiyada ay u leedahay shirkadda, sida  siyaasadaha maaliyeed, siyaasadaha lacagta, wareegyada ganacsi. Waxa ay soo saartaa aragtiyo iyo qaabab dhaqaale oo kala duwan si ay falaqayn adag usaaraan dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee shirkadda.

Waxa ayna qabataa shaqooyin asaas u ah horumarka dhaqaale ee shirkadda waxaana ka mid ah :

1: Kobcinta dhaqaale ee shirkadda.

2: Xasiloonida qiimaha badeecada ama adeegyada.

3. Shaqo buuxa ay shrikadu ubaahantahay.

4. U Qaybinta dakhliga qaybaha badan ee shirkadda.

5.  Ilaalinta Dhaqaalaha caalamiga ah ee wadanka.

 

 Fg: Gabgabadii waxa dhihi laha macro economics {dhaqaalaha guud} waxa u ujanjeeraa inuu saameeyo bulsho aad u tira badan halka ay ahaan lahayd dawr qof oo la doortay, taasna waxa ay kuu cadaynaysaa ahmiyada ay ganacsiga u leedahay. Waana goob waxabaarsho oo bixisa aragtiyo ku saabsan shaqada shaqaalaha, waxa ayna ku dadaashaa inay saadaaliyaan habdhaqanka dhaqaale ee shirkadda guud ahaan ba.

Waa maxay micro economics.

Micro economics: waa cilmiga barashada shakhsiyaadka, qoysaska, iyo shirkadaha hab-dhaqankooda iyo awooda ay ku leeyihiin go’aan qaadashada iyo qoondaynta kheyraadkooda.


Waxa ayna khusaysaa suuqa ay badeecadu ama adeegyadu yaalaan,  waxa ayna sidoo kale la tacaamushaa mushkilaad dhaqaale iyo shakhsiyeed .

Micro economics  waxa ay falaqeysaa doorashada/qaraarka ay sameen ama qaadan doonaan dadka iyo sida uu is-dhexgalkooda u qaabeenayo: qoondaynta khayraadkooda, go’aaminta qiimaha badeecada, iyo wax-soo saarka allaabta {product} iyo adeegyada{service} lagana soo saarayo shirkadaha ama suuqyada gaarka ah..

Micro econimcs waxa ay sidoo kale qabataa baarista iyo raadinta fikradaha saamayn ku leh qaraar qaadashada shakshi ama shirkad ba. Waxaana ka mid ah :

1. Sahayda  iyo baahida{supply and demand}.

2. Dabacsanaanta  suuqa{elasticity}.

3. Dheelitirka suuqa{market equilibrium}.

4. Qaab dhismeedka suuqa {market structure}.

5. Qoondaynta khayraadka {resource allocation}.

 

 waxayna ku dadaasha Micro economics inay si fiican oo hawgal leh umaareyso  fikradahaas si ay u sahlaan qaraar-qaadashada. Ogowna intaa kaliya kuma koobna fikradaha ay baarto, waxaa jira qayba kale oo kala duwan waxa ayna badanaa ku xiran yihiin hadba nooca qaraarka uu qaadanayo shirkada ama qofka .

Gabagabadii waxaan dhihi lahaa dhaqaalaha yar-yar waxa uu muhiim u yahay dhaqaalaha shirkada ama shakhsiga ah , waxa ayna kaga caawisaa hawlaha la xiriira qaraar qaadasho muhiim u ah ganacsigaaga haba noqotee:  maalagalin, badeeco cusub, farac cusub , suuq kale, IWM.

 

Waa maxay farqiga u dhaxeeya {Macro vs Micro economics}.

Haddii xog guud kaa siiyo farqiga u dhaxeeya laba dooda. Dhaqaalaha yar-yar{Micro economics} waxa ay tixgaliyaa sida  sahaydu iyo baahidu u dhexgalaan suuqyada gaarka ah ee alaabta iyo adegyada yaalaan, halka dhaqaalaha guud{ macro economics} ay maadadeedu ama xeerkeedu yahay shaqo- qaran. waxa ayna falaqaysaa suuqyada dhan ee wadanka ama qaarada si loo helo ifaaflayaal dhaqaale.

Laakin intaas waa xog la ogaal kaliya, waxaana ku siin doonna 6 tusaale oo ay kugala  duwan yihiin waana sidatan :

1.Baaxada daraasadaynta:

- Macro economics : waxa ay eegtaa sawirka guud iyadoo daraaasadaynaysa dhaqaalaha oo dhan ee shirkadda ama wadanka, waxa ayna sidoo kale daraasaadaysaa ifaaflayaal dhaqaale oo ballaadhan oo saameeya bulshada ama qayb muhiim oo ka mid ah .

- Micro economics: waxa ay daraaasadaysa qayb dhaqaale oo gaar ah, waxa ayna falaqeeyaan habdhaqankooda iyo qaraar qaadashadooda, sida shaksiyaadka, qoysaska iyo shirkadaha iyo  waxa ayna eegtaa sida ay u gaari lahaayeen go’aanada ku haboon.

2. ujeedooyinka siyaasadaha:

- Macro economics: waxa ay ka caawisaa in la ogaysiiyo siyaasadaha dhaqaale go’aanada ay dawladu gaartay, haddii ay tahay siyaasadaha maaliyeed ama lacagta ee lagu talagalay si loo xasilo dhaqaalaha guud, waxa ayna sidoo kale wax ka qabataa shaqo la’aanta, sicir bararka, iyo kor u qaadida kobac dhaqaale oo waara .

- Micro economics :  waxa ay bixisaa fikrado ku saabsan go’aanada ganacsi ee gaarka ah, qaab-dhismeedka suuqa, iyo hab-dhaqanka macaamiisha kuwaas oo saamayn ku leh go’aaminta qiimaha badeecada iyo qoondaynta kheyraadka si oo xasilo miisaaniyada shirkadda.

3. heerka falaqaynta :

- Macro economics :  waxa ay eegtaa sawirka weyn oo ah shaqaalaysiinta heerar wadareedka falaqaynta, iyadoo adeegsanaysa xogtaas tirakoobkeeda si ay u fahamto isbedellada dhaqaale ee qaranka ama caalmka ah iyo ifaaflayaasheeda.

- Micro economics :  waxa ay isticmaasha heerar fahfaahsan oo falaqaynaya: baadhista warshadaha gaarka ah, sinaanta suuqa, baahida iyo sahayda iyo macaamiisha gaarka ah. si ay ufahmaan hab-dhaqankooda iyo hab qo’aan qaadashadooda.

 

4.  Isbedellada dhaqaale {economic variable}: macro iyo micro waxa ay la tacaamulaan doorsamayaa kala duwan.

- Macro economics : waa ay daraasadaysaa  doorsamayaasha sida baahida wadarta ah, sahayda wadarta ah, dakhliga qaranka ah, guud ahaan heerarka qiimaha, iyo heerka shaqada. Waxa ayana eegaysaa sida doorsamayaashaani u falgalaan si ay u qaabeeeyaan waxqabadka dhaqaale oo dhan.

- Micro economics:  waxa ay diirada saarta doorsamayaasha sida qiimaha, mushaharka, kharashka, dakhliga shakhsi ahaneed. Waxa ayna eegtaa sida ay doorsamayaashaan u saameenayaan go’aamada wakiilada dhaqaale ee shakhsi ahaneedka ah.

5. Waqtiga xaddidan{time frame} :

wax kale ay kuga duwan yihiin waa waqtiga qorfaynta.


- Macro economics : waxa ay daraasadaysaa ama baartaa  isbedellada dhaqaale ee muddada-dheer ee mustaqbalka iyo waxqabadka guud ee dhaqaalaha muddada dheer{long term} ee shirkadda. 

Fg : muddada dheer {long term} waxa ay noqon kkartaa wixii 1 sano ka badan ilaa 10 sanno gaara.

- Micro economics : dhaqaalaha yar-yar waxa ya eegtaa ama baartaa go’aamada waqtiyada gaabaan {short term} ee ay gaaraan shaksiyaadka ama shirkadaha iyo cawaaqibta deg-degta ah ee  ka dhalan karta go’aamadaas.

Fg : muddada gaaban{short term} : waaxa uu noqon kartaa waxa kasta oo 1 sanno ka yar

6. Arimaha saamayanta leh{factors influence} :

- Macro economics: waxa ay tixgalisaa arrimo ballaadan sida siyaasadaha dawladaha, ganacsiga caalamiga ah, wareegyada ganacsi, iyo isdhexgalka dhaqaaale ee caalamaiga ah.

- Micro economics: waxa ayna tixgalisaa baariista arrimaha gaarka oo saaameeya  go’aamada dhaqaale sida doorbidka macamiisha, kharashyada wax-soo saarka, iyo tartanka suuqa.

 

Marka lasoo koobo macro iyo micro economics waxa ay kugala duwanyihiin baaxadoooda, heerka faaqayntooda, ujeedooyinkooda siyaasadeed, isbeddelada dhaqaale sida loola tacaamulo, iyo waqtigooda, iyo arimaha saameeya. Labada qaybood ee dhaqaalahu waxa ay laga maarmaan u yihiin fahamka iyo ogaysiinta dhaqaalaha siyaasadaha dhaqaalaha, madaama ay wax ka qabtaan dhinacyo kala duwan oo ah ifaaflayaasha heerarka dhaqaale ee kala duwan.

Over view {dulmar}.

Gabagabadii, waxaan dhihi lahaa macro iyo micro economics waxa ay ka ciyaaraan dawr muhiim ah horumarinta iyo sare u qaadida dhaqaalaha shirkadda.

Macro economics waxa uu diirada saaraa dhinacayada ballaaran  ee dhaqaalaha sida waxsoosaarka guud, sicirbararka, shaqo la’aanta, iyo siyaasadaha dawladeed. Waxa ayna baartaa arrimaha saameeya koritaanka ama xasilloonida dhaqaalaha. Waxaana ka mid ah siyaasadaheeda: siyaasadaha maaliyeed iyo siyaasadaha lacageed. Waxaana sidoo kale loo isticmaalaa dhaqaalaha guud{macro economics} in lagu maareeyo : baahida guud, xasillinta qiimaha, iyo horumarinta kobac dhaqaale oo waara.

Micro economics  waxa ay falaqaysaa hab-dhaqanka wakiilada dhaqaale ee shakhsika ah sida shirkadda, Guriga, iyo macaamiisha. Waxa ayna eegtaa sida hey’adahaani u gaaraan go’aanada ku saabsan waxa soo-saarka, isticmaalka iyo qaybinta kheyraadka. Qodobadda dhaqaalaha yar-yar sida sahayda iyo baahida oo kale ayaa si toos ah u saameeya wax-soosaarka shirkadda iyo ganacsiyada gaarka ah. si ay u soo saaraan warshado hufan oo tartan leh sarena u qaadan heerka shaqo  iyo horumarinat nolosha macaamiisha.

Sidaas darteed xiriika astaamaha leh oo dhaxeeya macro iyo micro economics ayaa laga maarmaan u ah kobcinta horumarka dhaqaale ee shirkadda. Waxa ayna faham guud kaa siinayaan caqabadaha dhaqaale ee kala duwan, iyo maaraynta dhaqaalaha oo joogta ah. iyadoo la tix-galinayo is dhexgalka labadan waax ee dhaqaalaha, siyaasada dejiyaashu waxa ay dejinkaraan qorshe dhamaystiran oo taageeraya wanaagga dhaqaale iyo barwaaqada guud............. MAHADSANID




Comments

Popular posts from this blog

Liability management: Qeexitaankeeda, istaratijiyadeeda, muhiimadeeda iyo ujeedadeeda?

    Deynta   marka loo fiiriyo dhinaca maaliyadda iyo xisaabaadka waa tixraac waajibaadka ama deymaha  oo uu urur ama qof ku leeyahay dhinac kale.  Iyada ay saa  tahay Maarayta daynta waa arrin muhiim  ah taas oo ku leg leh maareynta isatartijiyada ee deynta shirkadda, iyo waajibaadka maaliyeed ee kale. Hadaba  :       -         Waa maxay maaraynta Deynta?       -         Waa maxay isratjiyada la istcimaasho si deynta loo maareeyo ?       -         Waa maxay muhiimada ay ganacsiga u leedahay?       -         Waa maxay ujeedada ama hadafka loo maareeyo Deynta ? Waa maxay Maaraynta Deynta? Maaraynta deyntu waa istaratijiyad maareyn maaliyeed oo diirada saarta in si wax ku ool ah loo maareeyo deynta shirkadda iyo waajibaadka kale ee maaliyeed. Waxa ay ku lug leedahay qaabaynta taxaddarka leh iyo la socodka deymaha si loo yareeyo khataraha la xiriira. Korna loo qaado la socodka lacagta caddanka, loona hagaajiyo guud ahaan xasillonida maaliyeed. Maaraynta daynta waa hab lagu maare

Finance: Waa maxay Qeexitaankiisa, Muhiimadiisa, ujeedadiisa iyo tusaalihiisa?

  Finance ama sida luqada soomaliga lagu dhaho Maaliyaddu : waa hawlbowlaha dhaq-dhaqaaqa ee dhaqaalaha ganacsiyada, isaga oo u adeegaya sida shidaalka  dhaqaajiya ganacsiyada , shirkadaha, shakhsiyaadka iyo dawladabba.Hadaba Maqaalkeenu waxa aan kaga hadli doona oo uu ku-saabsan yahay :   ü Waa maxay qeexitankiisa Maaliyadda?   ü Waa maxay muhiimada Maaliyadda?   ü Waa maxay  ujeedadeeda  Maaliyadda?   ü Waa maxay tusaalaha Maaliyadda? Waa maxay Qeexitanka Maaliyadda? Maaliyadda waxaa loola jeedaa maareynta/ kormeerida/ilaalinta lacagaha iyo hantida  oo uu ganacsigu leeyahay, oo ay ku jiraan amaahda, maalgashiga , miisaaniyada. Waxa ayna ka kooban tahay hawlo kala duwan sida bangiyada, maalagshiga iyo maareynta hantida si loo gaaro yoolalka ama ujeedooyinkooda maaliyeed. Maaliyaddu waxa ay sidoo kae lug ku leedahay daraasadda suuqyada maaliyeed, hay’adaha, qalabka iyo sidoo kale falaqaynta xogta maaliyeed iyo go’aan qaadashada la xidhiidha lacagta iyo raasmaalka.

Waa maxay assets ? Qeexitaankiisa, Qaybihiisa , Muhiimadiisa iyo Tusaalayaashiisa.

   Hordhac Maalqabeedanu waxa ay iibsadaan hantida{usuusha}, faqiirku  kharash kaliya ayuu haysta, dadka dabaqada dhexana waxa ay iibasadaan dayn iyagoo hanti  u maleenaya.   {Robert kiyosaki}. Dad badan marka ay ereyga hanti{asset} maqlaan waxaa isla markiiba maskaxdooda ku soo dhacda hantida ay iyagu leeyihiin ama  ay kharash badan ku bixiyeen helitaankeeda iyo isticmaalkeeda. laakin  hantidu intaa kaliya kuma koobna waxa ay kaa caawin kartaa inaad dhaqaale samayso. waxaa maqaalkan faham guud kaa sii doona asset{hanti}, qaybihiisa iyo tusaaalihiisa. Waa maxay asset? asset: ku  ama sida luqada soomaliga laku dhaho Hanti/ usuul   waa walxo asaas u ah oo lama huraan ah, oo gacan ka geysata kobaca iyo guusha ururada ka jira warshadaha kala duwan. Hadday yihiin kuwo jireed, maaliyeed ama maskaxeed, hantidu waxa ay ka ciyaartaa door muhiim ah soo saarista qiimaha, wadista hal abuurka, iyo hubinta tartanka. Usuushu ama hantidu waa khayraad qiimo dhaqaale   leh shakhsi ,shirkad ama wadan uu