Skip to main content

Micro economics? Macnihiisa, Fikradihiisa, iyo muhiimadiisa.

 introduction

sida uu P.J.Rourke mar hore yiri “ casharka ugu wayn ee cilmiga dhaqaalaha yar-yar waa in lakala-saaro marka ay tiknolojiyadu ku caawinayso iyo marka ay ku dili doonto”.

Inta aan maqaalkeena kuguda jirno waxaan faham guud kaan siin doona :

  •    waa maxay dhaqaalaha yar-yar,
  •    intee buu ukala baxaa.
  •    faaido intee baan ka heli karaa barashadiisa iyo
  •    sidee buu iga caawin karaa inaan horumariyo ganacsigayga.

Wa maxay micro economics {dhaqaalaha yaryar} ?

Micro economics ama sida  soomaliga lagu dhaho dhaqaalaha yar-yar :

waa cilmiga barashada shakhsiyaadka, qoysaska, iyo shirkadaha habdhaqankooda iyo awooda ay ku leeyihiin go’aan qaadashada iyo qoondaynta khayraadkooda.Waxa ayna khusaysaa suuqyada badeecyada ama adeegyada waxa ayna sidoo kale la tacaamushaa mushkilaad dhaqaale iyo shakhsiyeed ba.

micro economics waxay natustaa ama  noo muujisaa sababaha ay badeecadaha kala duwan ay u leeyihiin qiimo kala duwan, iyo sida ay shirkaduhu  ama ganacsiyadu u dhaqmaan ugana faa’idaystaan wax-soo saarkooda iyo wax- iibsigooda si hufan oo karti leh ,iyo sida ugu wanaagsan uguna macquulsan ay ashkhaastu ama ganacsiyadu u dhaqmaan uguna faa’idaystaan wax soosaarkooda iyo wax is weydaarsikooda si hifan oo  ka tiiran leh.

Micro economics  waxa ay falaqeysaa doorashada ay sameen doonaan dadka iyo sida uu isdhexgalkooda u qaabeenayo: qoondaynta khayraadkooda, go’aaminta qiimaha badeecada, iyo wax-soo saarka allaabta {good} iyo adeegyada{service} lagana soo saarayo shirkadaha ama suuqyada gaarka ah.

Micro economics waxa ay baartaa fikradaha sida:

  • sahayda iyo baahida{supply and demand}
  • dabacsanaanta suuqa{elasticity},
  • dheelitirka suuqa{market equibilirium},
  • habdhaqanka macaamiisha{consumer behavior},
  • kharashaadka wax-soo saarka{produstion cost},
  • qaab dhismeedka suuqa{market structure}.

Waxayna sidoo kale micro economics bixisaa go’aamada shakhsi ee ku saabsan shirkadda hadday tahay badeeco cusub, maalgalin faa’ido badan laga helayo iyo ilo khayraad oo cusub, waxayna sidoo kale bixisaa xog ku saabsan xooggaga suuqa qaabeenaya ama maamulaya iyo xog ku saabsan dhaqaalaha guud ee shirkadda.


FG: micro economics haddii sharax fudud kaa siiyo waxaad dhihi kartaa waa  maamulida qararaadka shakhsiga ah oo ku saabsan nolosha qofka, hadday tahay shirkad ama guri waxa uuna eegayaa ama fiirinayaa natiijada ka dhalan karta haddii aan qaraarkan qaato iyo saamaynta uu ku yeelan doono adiga iyo waxa kugu hareersan,  hadduu yahay qoyskaaga ama shirkadaada. Iyo haddii ay saamayntaas ijaabi ama salbi noqon doonto

dadka badanaa waxa ay  khaldaan ama moodaan micro inay tahay qayb ka tirsan macro economics , laakin taasi waa khalad , waa qayb kale oo ka duwan wax shuqul ah isakama soo dhexgalin, labadoodan waxa ay qabtaan shaqo muhiim ah oo ay ku tiirsan tahay dhaqaalaha shirkadda.

Fikradaha micro economics.

Micro economics waa qayb ka mid ah dhaqaalaha, waxa uuna  diirada saarta habdhaqanka iyo go’aan qaadashada ku saabsan dhaqaalaha qofka haddii ay tahay shirkadd ama guri iyadoo loo tixgalinayo khayraadka xaddidan. Waxaana ka soo qaadan doonna fikradihiisa qaar muhiim u ah dhaqaalaha waxaana ka mid ah :

1. Sahayda  iyo baahida{supply and demand}:

Marka dhaqaalaha yar-yar loo-eego, sahaydu iyo baahidu waa fikrado asaasi ah oo falaqeeya isdhex-galka ama xiriirka ka dhaxeeya  iibsadayaasha{buyer} iyo iibayaasha{seller} ee suuqa jooga.

Sahaydu waxaa lool jeeda tirada badeecada ama adeegyada ay wax soo saarayaashu ay rabaan ama ay awoodaan inay  iibiyaan, kuna iibiyaan qiime go’an.

Waxaana saameeya arrimo ay kamid yihiin: kharashka wax soo saarka, tiknolojiyada, qiimaha wax soo kalinta, iwm.

Marka ay qiimaha badeecadu kordho, wax soo saarku wuu kordhayaa taas waxa ay noo caddeynaysaa xiriirka tooska ah ee u dhaxeeya alaabta qiimaheeda iyo tirada la keenay.

Baahidu dhanka kale waxa ay ka dhigan tahay tirada badeecada ay iibsayaashu/macamiishu  awoodaan ama ay rabaan inay iibsadaan iyagoo eegaya heerarka kala duwan ee qiimaha. Waxaana saameeya arrimo ay kamid yihiin: dookha macmiilka, dakhliga macmiilka, iyo filashada/sugida isabdalka qiime ee mustaqbalka iwm.  Marka qiimaha badeecadu ay kor u kacdo waxaa yaraanaya tirada dalbanaysa alaabta ee macamiisha, taas waxa ay noo muujinaysaa xiriirka iska horjeedka u dhaxeeya qiimaha alaabta iyo tirada macamiisha dalabanaysa.


Note: isdhexgalka sahayda iyo baahida ayaa go’aamiya sinaanta qiimaha alaabta iyo tirada dalabka. Marka tirada badeecada lakeenay ay lamid tahay tirada lagu rabo qiime go’an. Taas waxa ay dhalinaysaa suuq isku dheelitaran oo ganacsi leh.

 Haddi uu isbedel ku yimaado sahayda ama baahida waxa ay keeni kartaa inuu qalooc ku dhaco tirada alaabta la soo saaray  iyo qiimaha alaabta lagu rabbo, taas oo dhalinaysa suuq aan dheelitirneen, khasaarana u geenaysa shirkadaha sababtuna alaabta badan aan la iibsan, macaamiisahana ma iibsan karaan alaabta ay rabaan qaalinimadeeda darteed.                

2. Dabacsanaanta  suuqa{elasticity} :

Elasticity waxaa loo tixgaliyaa inay tahay fikrad dhaqaale oo loo isticmaalo  in lagu cabbiro isbedelka ku yimaada hab dhaqanka iibiyaha iyo iibsadaha, taas oo ay sabab utahay isbeddel ku yimaaday qimaha badeecada. Elasticity waxaa loo isticmaala in lagu cabbiro  tirada guud ee laga rabbo alaabta ama adeega taas oo la xadhiida dhaqdhaqaaqa qiime ee alaabtaas ama adeegaas.

Alaabtu waxa ay noqonkartaa mid dabacsan haddii tirada baahida/dalabka alaabtu iska badasho in ka badan saami ahaan haddii loo fiiriyo marka uu qiimihiisu  kordho ama hoos u dhacdo. sidoo kale elasticity waxa uu xog ugudbiyaa macaamiisha taas oo ku saabsan badeeco ama addeg ay rabaan. Haddii uu waxa iibsika shirkadu yaraado waxa ay ku khasbantahay inay waxa soo-saarka xaddido ama yarayso waxayna  ugudbinaysaa macaamiisha xogta ku saabsan alaabtaas iyo inta la soo saari doono.

3. Dheelitirka suuqa{market equilibrium}

Isku dheelitarnaada suuqa waxaa laka wadaa waa marka badeecada suuqa la keenayo iyo badeecada la dalbay ay isla- egyihiin taasina ay keentay in uu qiimuhu mid deggan noqdo. Isku dheelitarnaada suuqa waxa ay sababtaa xasulooni dhinaca ganacsiga, waxayna yaraysaa mushkiladaha sida: sicirbararka, badeecada xad dhaaf ah, badeecad la’aanta, Iwm .

Fahmida isku-dheelitarnaada  suuqu waxa ay asaas u tahay ganacsigaaga, macamishaada iyo siyaasad dajiyaasha, madaama ay bixiso fikrado ku saabsan go’aaminta qiimaha, qoondaynta khayraadka, hufnaanta suuqa. Markaad falaqaysana waxaad gaari doonta go’aan xog-ogaal ah waxaana la qabsan kartaa isbedelada suuqa.  


Note : Waxaa muhiim ah in la ogaado Dheelitirka suuqa waa fikrad aragti ah,  ayna adagatahay in waaqica lagu dabaqo , taasna waxaa sabab u ah isbedelka dhaqaale, isbedel dhinaca sahayda iyo dalabka, fargalin dawladeed iyo cilladaha suuqa taas oo khalkhal kalinyasa dheelitirka suuqa waxayna keeni kartaa dheelitir ku meel gaar ah.

 

4. Qaab dhismeedka suuqa {market structure}

Qaab dhismeedka suuqa waxaa loola jeeda sifooyinka shirkadeed ama urureed iyo sifooyinka suuqa ee go’aamiya hab-dhaqanka shirkadda ee suuqa dhexdiisaa joogta. Waxayna qeexdaa dabeecada iyo heerka tartan {competition} ee suuqa , caqabada gelitaanka iyo kasoo bexida , heerka kala soocidda badeecada, iyo awooda ay shirkadu ku leedahay suuqa. qaab dhismeedka suuqu waxa uu shirkada ukala saaraa ukalana sooca noocy badeecad iibiyaal ah iyo kuwa samaysinka alaabaha hawlahooda ku dhaxjira. Sidoo kale waxa uu naga caawiyaa inaan fahamno waxa uu suuqu kaga duwanyahay kuwa kale. Fahamaka guud ee ee qaab dhismeedka suuqa waxa uu ka caawinayaa siyaasad-dajiyaasha, gaancsatada iyo macaamiisha inay gaadhaan go’aamo xog ku tiiirsan iyo inay kor u qaadaan tartaka caafimaadka leh ee suuqa { qish la’aan} .

5. Qoondaynta khayraadka {resource allocation} :

Qoondaynta khayraadku waa firkad asaas u ah dhaqaalaha yar-yar, sababta oo ah waxa ay ka hadalysaa sida khayraadka yar loo qaybiyo faracyada kala duwan ee shirkadda,  iyo sida loo kordinayo waxtarka loona qanciyo ama loo asturo baahida macmiilka aan xadidnayn.

Waxa ayna la xiriirtaa  lugna ku leedahay go’aamada ku saabsan wax soo-saarka iyo isticmaalka alaabta iyo adeegyada. Taasna waxa ay noo muujinaysaa muhiimadeeda maadaama ay si toos ah u saamaynayso tusaalayaasha kor ku xusan. Waxa ayna sidoo kale gacan ka qaadataa sare u qaadida daryeelka bulshada iyo  barwaaqada daqaalaha.

 Muhiimada Micro Economics

Marka laga hadlayo muhiimada uu dhaqaalaha yar-yar ganacsiga u leeyahay waa wax aan lasoo koobi karin oo  u baahan kalikiis maqaal wayn . laakin  ha walwalin waxaa ku sheegi doona 4 muhiimad oo kooban oo uu dhaqaalaha yar-yar uu leeyahay ganacsigaaga waana sidatan :

  1.  tan koowaad dhaqaalaha yar-yar waxa uu naga caawiyaa inaan fahamno sida shakhsiyaadka ee shirkadda jooga ama ganacsiyadu u gaadhaan go’aamada ku saabsan qoondaynta khayraadka, iyo bixinta aragti ku saabsan sida doorashada dadku ay dooranyaan badeecada. ayna la xiriirto arrimo sida: qiimaha alaabta, dhakhliga iyo dookha macmiilka.

  2. Tan labaad dhaqaalaha yar-yar waxa uu naga caawiyaa inaan fahamno shaqada suuqayada, Mabaadi’da sahayda iyo baahida taas oo udub dhexaad u ah falaqaynta dhaqaalaha yar-yar, waxayna bixinayaan xog kusaabsan sida qiimaha loo go’aamiyo iyo sida ay alaabuhu suuqyada badan isku badalaan. Aqoontan waxa ay u sahlaysaa ganacsatadu inay gaaraan ama qiimeeyaan xaalada suuqa , dejiyaanna qiime tartan leh. Iyo gaarida go’aamo istaratijiyeed oo ku saabsan wax-soo saarka iyo maalgashiga.

     

  3. Tan saddeexaad dhaqaalaha yar-yar waxaa u dawr muhiim ah ka ciyaaraa qiimaynta natiijooyinka suuqa iyo cabbirida waxtarka dhaqaale, waxa uuna sidoo kale natusaa qaab dhismeedka suuqa, iyo saamaynta uu ku leeyahay daryeelka macamiisha iyo waxqabadka shirkadaha. Waxa uuna sidoo kale wax naga baraa guul-darooyinka suuqa iyo xogta ama macluumaadka aan saxda ahayn ee dhaqaalaha yar-yar soo qoray.  waxa uu naga caawiyaa inaan aqoonsano meelaha fargalin dawlad ay muhiim tahay si ay u saxdo wax qabadla’aanta iyo horumarinta daryeelka.

     

  4. Ugu danbayntii dhaqaalaha yar yar waxa uu aad ugu haboon yahay go’aan gaarista haddi ay tahay mid shakhsi ama mid caam ah. waxa uuna kaa caawinayaa inaad qaadatid go’aan xog ku tiirsan oo dookhaaga ah sida caqabad dakhli ku haysata oo kale iyo fahmida fikradaha sida kharashyada fikradaha, caqabad miisaaniyada, habdhaqan macmiil IWM.Waxa uuna ku siinayaa go’aanka ugu macquulsan uguna sahlan ee arrintaada la xiriira.

Guud ahaan dhaqaalaha yar-yar waxa uu muhiimad wayn ku lug leeyahay fahmida  go’aamada shakhsiga ah, shaqaynta suuqa, dajinta miisaaniyada iyo maaliyada shakhsi. Waxa ayna bixisaa aragtiyo qiimo leh oo gacan ka gaysata fahamka qoto-dheerka ee habdhaqanka dhaqaale.

Gunaanad {over view}

Gabagabadii waxaan dhihi lahaa dhaqaalaha yar-yar waxa uu muhiim u yahay dhaqaalaha shirkada ama shakhsiga , waxa ayna naga caawisaa hawlaha la xirriira qaraar qaadasho muhiim u ah ganacsigeena ha ahaato maalagalin, badeeco cusub, farac cusub , suuq kale IWM. Waxayna noosoo koobaysa baahida loo qabo inaan baarno macluumaadaka la xiriira qaraarkaas khaladaadka ka imaan kara, natiijada ka dhalan karta, saamaynta uu ku yeelan karo ganacsigeena dhinac dhaqaale ama nafsi ahaan ba. marka  aad baratid dhaqaalaha yar-yar qofku waxa uu helayaa faham qoto dheer ah oo kusaabsan wakiilada dhaqaale iyo natiijooyinka suuqa.

Ugu danbayntii halkaas ayuu ku eegyahay maqaalkeena ka hadalayey dhaqaalaha yar-yar {micro economics} waxaana kaga soo hadalnay macaha micro economics, fikradahiisa uyo muhiimadiisa. Waxaana rajeenaya inuu kaaga caawiyey inaad fahamtay uuna sharax guud kaa siiyey

Fg : waan ka xunnahay waxkasta khalad oo naxwe ah waxaanu ku dadaali doona inaad kuu soo kudbino muxtawe nadiif  ah oo sugnaan leh. ...................................................MAHADSANID

 



Comments

Anonymous said…
Thanks wll

Popular posts from this blog

Liability management: Qeexitaankeeda, istaratijiyadeeda, muhiimadeeda iyo ujeedadeeda?

    Deynta   marka loo fiiriyo dhinaca maaliyadda iyo xisaabaadka waa tixraac waajibaadka ama deymaha  oo uu urur ama qof ku leeyahay dhinac kale.  Iyada ay saa  tahay Maarayta daynta waa arrin muhiim  ah taas oo ku leg leh maareynta isatartijiyada ee deynta shirkadda, iyo waajibaadka maaliyeed ee kale. Hadaba  :       -         Waa maxay maaraynta Deynta?       -         Waa maxay isratjiyada la istcimaasho si deynta loo maareeyo ?       -         Waa maxay muhiimada ay ganacsiga u leedahay?       -         Waa maxay ujeedada ama hadafka loo maareeyo Deynta ? Waa maxay Maaraynta Deynta? Maaraynta deyntu waa istaratijiyad maareyn maaliyeed oo diirada saarta in si wax ku ool ah loo maareeyo deynta shirkadda iyo waajibaadka kale ee maaliyeed. Waxa ay ku lug leedahay qaabaynta taxaddarka leh iyo la socodka deymaha si loo yareeyo khataraha la xiriira. Korna loo qaado la socodka lacagta caddanka, loona hagaajiyo guud ahaan xasillonida maaliyeed. Maaraynta daynta waa hab lagu maare

Finance: Waa maxay Qeexitaankiisa, Muhiimadiisa, ujeedadiisa iyo tusaalihiisa?

  Finance ama sida luqada soomaliga lagu dhaho Maaliyaddu : waa hawlbowlaha dhaq-dhaqaaqa ee dhaqaalaha ganacsiyada, isaga oo u adeegaya sida shidaalka  dhaqaajiya ganacsiyada , shirkadaha, shakhsiyaadka iyo dawladabba.Hadaba Maqaalkeenu waxa aan kaga hadli doona oo uu ku-saabsan yahay :   ü Waa maxay qeexitankiisa Maaliyadda?   ü Waa maxay muhiimada Maaliyadda?   ü Waa maxay  ujeedadeeda  Maaliyadda?   ü Waa maxay tusaalaha Maaliyadda? Waa maxay Qeexitanka Maaliyadda? Maaliyadda waxaa loola jeedaa maareynta/ kormeerida/ilaalinta lacagaha iyo hantida  oo uu ganacsigu leeyahay, oo ay ku jiraan amaahda, maalgashiga , miisaaniyada. Waxa ayna ka kooban tahay hawlo kala duwan sida bangiyada, maalagshiga iyo maareynta hantida si loo gaaro yoolalka ama ujeedooyinkooda maaliyeed. Maaliyaddu waxa ay sidoo kae lug ku leedahay daraasadda suuqyada maaliyeed, hay’adaha, qalabka iyo sidoo kale falaqaynta xogta maaliyeed iyo go’aan qaadashada la xidhiidha lacagta iyo raasmaalka.

Waa maxay assets ? Qeexitaankiisa, Qaybihiisa , Muhiimadiisa iyo Tusaalayaashiisa.

   Hordhac Maalqabeedanu waxa ay iibsadaan hantida{usuusha}, faqiirku  kharash kaliya ayuu haysta, dadka dabaqada dhexana waxa ay iibasadaan dayn iyagoo hanti  u maleenaya.   {Robert kiyosaki}. Dad badan marka ay ereyga hanti{asset} maqlaan waxaa isla markiiba maskaxdooda ku soo dhacda hantida ay iyagu leeyihiin ama  ay kharash badan ku bixiyeen helitaankeeda iyo isticmaalkeeda. laakin  hantidu intaa kaliya kuma koobna waxa ay kaa caawin kartaa inaad dhaqaale samayso. waxaa maqaalkan faham guud kaa sii doona asset{hanti}, qaybihiisa iyo tusaaalihiisa. Waa maxay asset? asset: ku  ama sida luqada soomaliga laku dhaho Hanti/ usuul   waa walxo asaas u ah oo lama huraan ah, oo gacan ka geysata kobaca iyo guusha ururada ka jira warshadaha kala duwan. Hadday yihiin kuwo jireed, maaliyeed ama maskaxeed, hantidu waxa ay ka ciyaartaa door muhiim ah soo saarista qiimaha, wadista hal abuurka, iyo hubinta tartanka. Usuushu ama hantidu waa khayraad qiimo dhaqaale   leh shakhsi ,shirkad ama wadan uu