Skip to main content

Waa maxay assets ? Qeexitaankiisa, Qaybihiisa , Muhiimadiisa iyo Tusaalayaashiisa.

  Hordhac

Maalqabeedanu waxa ay iibsadaan hantida{usuusha}, faqiirku  kharash kaliya ayuu haysta, dadka dabaqada dhexana waxa ay iibasadaan dayn iyagoo hanti  u maleenaya.  {Robert kiyosaki}.

Dad badan marka ay ereyga hanti{asset} maqlaan waxaa isla markiiba maskaxdooda ku soo dhacda hantida ay iyagu leeyihiin ama  ay kharash badan ku bixiyeen helitaankeeda iyo isticmaalkeeda. laakin  hantidu intaa kaliya kuma koobna waxa ay kaa caawin kartaa inaad dhaqaale samayso. waxaa maqaalkan faham guud kaa sii doona asset{hanti}, qaybihiisa iyo tusaaalihiisa.

Waa maxay asset?

asset: ku  ama sida luqada soomaliga laku dhaho Hanti/ usuul  waa walxo asaas u ah oo lama huraan ah, oo gacan ka geysata kobaca iyo guusha ururada ka jira warshadaha kala duwan. Hadday yihiin kuwo jireed, maaliyeed ama maskaxeed, hantidu waxa ay ka ciyaartaa door muhiim ah soo saarista qiimaha, wadista hal abuurka, iyo hubinta tartanka.

Usuushu ama hantidu waa khayraad qiimo dhaqaale   leh shakhsi ,shirkad ama wadan uu leeyahay ama uu maamulo iyadoo la filayo inay bixindoonaan ama dhalindoonaan faa’idooyin mustaqabalka.

Hantidu waa alaabta aad leedahay oo aad iibin karto si cash{lacag qalaad} ahaan ah, faa’idana ka dhalin karto.  

Hantidu waxa ay u dhigantaa ilaha dhaqaale ee ay shirkadu maamusho, waxa ayna dhaliyaan lacag ama waxay ku siin karaan wax uusan cid kale haysan. Taas waxaa laga wadaa inay shirkaduu ilaheeda dhaqaale isticmaali  karto sida ay rabto, milkiiluhuna uu xadidi karo sida ilahaas loo isticmaali doono.

hantidu waxaa lagu qoraa ama lagu diwaan galiyaa shirkada buugeeda dheelitirka{balance sheet}, Waxaana  loo gala saara; hantida hadda jirta{current asset},  hantida go’an{fixed asset}, hantida maaliyeed{finaancial asset}, iyo hantida aan la taabankarin{intangible asset}.


Qaybaha hantida{asset}.

Hantidu waxa ay leedahay qaybo kala duwan hadba sida nooca ay shirkadu tahay ayey ku xirantahay, laakin waxaa xaqiiqa ah oo aysan shakki ku jirin inay yihiin waxa ay shirkadu saldhig u ah  oo ay ku shaqayso. waxaana kamid ah:


  1.  Hantida hadda jirta{current asset}  :

Waa ilaha dhaqaale ee muddada gaaban  iyadoo laga fialyo inay soo xareeyaan lacag caddan ah ama la isticmaalo muddo hal sanno gudaheed. Hantida hadda jirta waxaa tusaale u ah : 

  •    alaabaha shirkadda{inventory}

  •   lacagta caddan ah{ cash}.

  • kharash horay loo bixiyey{prepaid expenses}.

  • wax lacagta caddaanka u dhigma{ cash equivalent}.

  • macamiisha daynta lagu leeyahay{account recievable}.        



NOTE: halka ay fududahay in la qiimeeyo cashka shirkadda ,  xisaabiyaha shirkaddu  waxa uu dib u fiiriyaa soo kabashada alaabaha iyo macaamiisha daynta lagu leeyahay xisaabtooda.  hadday jirto calaamadu muujinaysa in macmiilkaas lacag laga soo uruurin karin ama alaabtaas ay dugowday waxaa lagu qori doona buuga shirkadda  in uu macamiilka dayn xun{bad debt} kalay, alaabtaas la badali doono.

      2.  hantida go’an{fixed asset} :

waa hantida  la filayo ama la qorsheeyey inay wax ka badan hal sanno ollaadaan shirkadda oo la isticmaalo iyadoo laga raadinayo faa’ido . Wxaana tusaale u ah: 

  • dhismaha shirkadda{buildings}.

  • Dhirta{plants}.

  • aqabka xafiiska{office equipments}.

  • baabuurka, mashiinida iyo computarada{ cars, machinary and computers}.


NOTE: kharashka maalinlaha ah ee ay shirkaddu jaangoosay ayaa loo isticmaalayaa in lagu beddelo hantida go’an marka ay dugowdo ama xumaato. kharashaadkaas waxaa loo yaqaan qiimo dhac, waxaana laga yaabaa ama laga yaabin inay ka tarjumaysaa  in hantida go’an ay wayday awooda ay wax ku kasban-lahaynd.

    3.   hantida maaliyeed{finaancial asset}:

hantida maaliyeed waxa ay ka tarjumaysaa maalgalinta hantida iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay shirkaddu leedahay .

hantida maaliyeed waxa ay qimaheeda ka heshaa xuquuqaha hashiiseed iyo sheegasho ahaanta shirkadda lahaanshaheeda. Waxaana tusaale u ah:

  • dhigaalka bankiga{bank deposits}.

  • Maaalgalin labada dhinac{mutual funds}.

  • Daynta{loans}.

  • Stock and bonds {kaydka iyo curaarta}.


 

NOTE: sida wada oogsoonahay assetku badanaa waxa loo kala saraa kuwo lataaban karo oo muqaal leh  ama kuwo la taaban karin oo aan muqaal lahayn, laakin hantida maaliyeed  iyadu way udhaxaysaa labada qaybood, waxaana lakayaabaa inay ku badan tahay calaamadaha kuwa aan qaabka lahayn{non-physical} sidoo kalena ay ku yaryihiin calaamadaha ku muqaalka leh sidaas darteed waxaa loo tiirya inay tahay buundada labad qaybood isku xirta .

 

       4.   hantida aan la taabankarin{intangible asset}:

sida uu magaceedu sheegayo waa ilaha dhaqaale ee  aan lahayn muqaal xaadir ah oo la arki karo ama la taaban karo sabata oo ah waa hanti digital taasna waxa ay ka ilaalinaysaa inaan lagu ciyaarin ama la badalin .

Waxaana tusaale u ah:

  • calaamada ganacsi{trade mark or brand}.

  • xuquuqda koobi{copy rights}.

  • Sumcada shirkadadda{ reputation}.

  • Xiriirada ganacsi{ business relationship}.


NOTEhantida aan la taabin karin qaab maleh, muqaalna maleh taasna, xadna maleh taasna waxay usaamaxaysaa shirkadu inay samaysato inta ay u baahantahay ama hesho.

Hantida aan la taabin karin waxa ay kuwa kale kaga duwan tahay  buuga shirkadda laguma muujiyo sababtana waad karanysaa ”qaab la’aan iyo muqaal la’aan” , mana soo dhexgalayaan arimaha shirkadda tusaale ahaan{ hashiisyada shirkadda khaas ama caam, magaca shirkadda, ama sumad ay shirkadu khaas u leedahay iwm}.

 

Qeexitaanka asset

Assetku marka loo eego heerka warbixinta maaliyeed ee caalamig ah {international financial report standard IFRS}: waa ilo khayraad ay shirkadu xakamayso iyadoo sabab u tahay dhacdooyin hore iyo faa’idooyinka mustaqbalka la filayo inay shirkadda u soo qulqulaan.

Dhanka kale haddi loo fiiriyo asset ku shirkada qiime ayuu uga fadhiyaa sababta oo ah waxa uu dhalinkaraa dakhli kaas oo loo badali karo lacag caddaan ah ee ay shirkadu u  isticmaali  karto maalgalin ahaan ama dayn  iska bixin ahaan. Asset ku waaxaa uu noqon karaa qalab sida mashiinada ama wax aan la taaban karin sida hanti jireedka oo kale.

 

Muhiimadda uu leeyahay asset ku

Asset waxa uu muhiim uu yahay horumarinta xaadirka iyo mustaqbalka shirkadaada, waxa uu ka tirsan yahay asaaska ay shirkadu ku taagantahay dhinacna la taagan yahay raasamaal {capital} iyo Daynta{liability}. kuwaas maaranyntooda waa sababta ugu wayn ay shirkadaadu horumar ama mustaqbal u yeelan karto.

Note: Ganacsadayaashu ama maalqabeenadu waxa ay isticmaalaan  qaacidada dahabiga ah ee xakamaynta hantida taas oo ah Asset  = capital + laibility.

 Assetku waa ilaha ugu muhiimsan ay shirkadu leedahay, waxa ayna kaa caawinaysa :

  • Dhalinta dhakli.
  • Kordinta qiimaha ganacsigaaga.
  • Horumarinta socodoka gancsiyeed

Assetku waxa uu ukala baxaa qaybo xasba ahmiyada ay leeyihiin , waxaana asset ka ay shirkadu leedahahay oo dhan ugu muhiimsan waa dadka . dadku waa asset ka ugu fiican ay shirkadu heli karto. sababtuna waa awoodooda, khibradooda iyo cilmigooda ayaanan la badali karin. Marka la rabo in horay loo socdo shirkadu waa inay xooga saarta maaraynta hanitda{asset management} iyo horumarinta cilmiga ay shaqaalaheeda leeyiiin si ay uhorumar u gaaraan.

Saddexda astaamood ee muhiim u ah assetka

In shey ama alaab lagu tilmaamo inuu asset yahay waa in laga helaa saddexd astaamood oo caddenaya inuu asset yahay waana sidatan:

  1.  Mulkiile{Owner ship}:  marka kowaad, shirkadu waa inay leedahay mulkiile ama mid asset ka maamula taas waxa ay usaamaxaysaa shirkadu inay hantideeda lacag ku badalan karto ama xadido xakamaynta saaran kuwa kale . mulkiiluhu waxa uu muhiim yahay marka la tixgalinayo macnaha rasamiga aan ahayn iyo macnaha farsamo ay hantidu leedahay TUSAALE: madaxda shirkada intaa waxaa ay dhahaan shaqaaluhu inay yihiin hantida ugu wayn ay shirkadu ledahay, laakin haddi xisaab ahaan loo fiiriyo madaxdu wax awood ah kuma laha shaqaalaha,  shaqaaluhu si fudud ayuu  shaqo cusub darteed ay ka tagi karaan shirkadda.
  2. Qiime dhaqaale{economic value} :  tan labaad, hantidu waa inay dhalin kartaa ama bixin kartaa qiime dhaqaale, hantidu dhamaantood waa la iibin karaa ama waa loo badali karaa lacag marka qaar VIP ah laga reebo, iyadoo iibintaas taagerayso kobaca iyo wax soo saarka shirkadadda.
  3. Resources{khayraad}: ugu dambayntii, shirkaddu waa inay khayraad leedahay, iyadoo u isticmaalaysa inay ka dhaliso qiime dhaqaale taas oo shirkadda mutaqabalkeeda  qulqul laacgeed faai’do u keeni karto.

Note: saddexdaas waa calaamadaha lagu karto inay alaabtu asset noqon karto waxaana muhiim ah inaad maarayso asset kaga si aad faaido ama horumar uga samayso haba ahaade asset kaas noole mise ma-noole 

Tusaalayaasha asset ka

Assetku waa hantida ay shirkadu ku shaqayso si ay waxsoosaarkeeda u bato ama iibsato si ay lacag uga samayso. waxaana jiro hantiyo kala duwan oo fara badan oo uu ganacsigaagu u baahnayahay si ugu shaqeeyo heerkiisa ugu sareeya.

waxaana  hantida badan ay shirkadu leedahay ka soo qaadan doonnaa 10 hanti ee ay shirkada aad iyo aad muhiim u ah, waxaana ka mid ah :

  1.  Aqabka xafiiska{ kuraas, miisas, buugaag, qalimaan}.

  2.  Dhismaha shirkadda {kiro ama lahaansho}.

  3.  Qalabka shirkadda{ gaariga xamuulka, mashiinada, matoorada}

  4.  Dhul { shidaal, saliid, ama macdin} leh.

  5.  Lacag qalaad{dollar ama cash}.

  6.  Akoonka macaamiisha daynta lagu leeyahay.

  7.  Kombiyuutarada.

  8.  Alaabta guriga iyo qalab rakibida.

  9.  calaamadaha ganacsi .
  10. Xuquuqda daabacada.

 

Gunaanad

Sida aan uga soo hadalnay; hantidu waa walxo dakhli badan usoo xareeya shirkadaada, sidaas darteed waxaa laga maarmaan ah inaad leedahay hanti saldhigeedu adag yahay. Hantidu waa tiirarka dhismaha ee guusha shirkadaada. Hantida si wanaagsan loo maareeyey waxa ay kor u qaadi kartaa wax soo saarka shirkadda, yaraynta kharashaadka iyo waxay shidaal u noqon kartaa hal- abuurka.

Hantidu waxa ay u kala baxdaa qaybo  oo kala duwan waxa ayna ku xirantahay nooca shirkadda. Waxaana kamid ah

current asset oo looyaqaan ; {hantida hadda jirta oo aad hal sanno gudaheed ku isticmaali karto, b/c way dugoowaysaa. }

fixed asset oo loo yaqaan {hantida go’an oo hal sanno ka badan la isticmaali karo sida gaariga, dhismaha}.

financial asset oo loo yaqaan {hantida maaliyeed waxa ayna maamushaa arimaha maaliyeed ee shirkadda waxa ayna u dhax dhaxaasiye utahay  qay baha assetka}.

intanginle asset oo loo yaqaan {hantida aan la taaban karin waana hanti digital ah oo maqal ama muqaal midna aan lahayn}.

Ugu dambayntii shirkadii garata muhiimada hantida. oo hirgalisa maarayn hanti oo adag, waxa ay si fiican u meel dhigi-doontaa inay ku hormarto goob gasta ay ganacsigeedu lug ku leeyahay.

 







Comments

jay xed said…
can you make it white its hard to read in dark.
Anonymous said…
can you make it white its hard to read in dark

Popular posts from this blog

Liability management: Qeexitaankeeda, istaratijiyadeeda, muhiimadeeda iyo ujeedadeeda?

    Deynta   marka loo fiiriyo dhinaca maaliyadda iyo xisaabaadka waa tixraac waajibaadka ama deymaha  oo uu urur ama qof ku leeyahay dhinac kale.  Iyada ay saa  tahay Maarayta daynta waa arrin muhiim  ah taas oo ku leg leh maareynta isatartijiyada ee deynta shirkadda, iyo waajibaadka maaliyeed ee kale. Hadaba  :       -         Waa maxay maaraynta Deynta?       -         Waa maxay isratjiyada la istcimaasho si deynta loo maareeyo ?       -         Waa maxay muhiimada ay ganacsiga u leedahay?       -         Waa maxay ujeedada ama hadafka loo maareeyo Deynta ? Waa maxay Maaraynta Deynta? Maaraynta deyntu waa istaratijiyad maareyn maaliyeed oo diirada saarta in si wax ku ool ah loo maareeyo deynta shirkadda iyo waajibaadka kale ee maaliyeed. Waxa ay ku lug leedahay qaabaynta taxaddarka leh iyo la socodka deymaha si loo yareeyo khataraha la xiriira. Korna loo qaado la socodka lacagta caddanka, loona hagaajiyo guud ahaan xasillonida maaliyeed. Maaraynta daynta waa hab lagu maare

Finance: Waa maxay Qeexitaankiisa, Muhiimadiisa, ujeedadiisa iyo tusaalihiisa?

  Finance ama sida luqada soomaliga lagu dhaho Maaliyaddu : waa hawlbowlaha dhaq-dhaqaaqa ee dhaqaalaha ganacsiyada, isaga oo u adeegaya sida shidaalka  dhaqaajiya ganacsiyada , shirkadaha, shakhsiyaadka iyo dawladabba.Hadaba Maqaalkeenu waxa aan kaga hadli doona oo uu ku-saabsan yahay :   ü Waa maxay qeexitankiisa Maaliyadda?   ü Waa maxay muhiimada Maaliyadda?   ü Waa maxay  ujeedadeeda  Maaliyadda?   ü Waa maxay tusaalaha Maaliyadda? Waa maxay Qeexitanka Maaliyadda? Maaliyadda waxaa loola jeedaa maareynta/ kormeerida/ilaalinta lacagaha iyo hantida  oo uu ganacsigu leeyahay, oo ay ku jiraan amaahda, maalgashiga , miisaaniyada. Waxa ayna ka kooban tahay hawlo kala duwan sida bangiyada, maalagshiga iyo maareynta hantida si loo gaaro yoolalka ama ujeedooyinkooda maaliyeed. Maaliyaddu waxa ay sidoo kae lug ku leedahay daraasadda suuqyada maaliyeed, hay’adaha, qalabka iyo sidoo kale falaqaynta xogta maaliyeed iyo go’aan qaadashada la xidhiidha lacagta iyo raasmaalka.