Skip to main content

Noocyada Suuqgeynta Affiliate

    Suuqgeynta affiliate waa istaraatijiyad waxqabad ku salaysan halkaas oo shakhsiyaadka (xubnaha) ay kor u qaadaan badeecadaha ama adeegyada ganacsadaha oo ay kasbadaan komishan iib kasta ama ficil kasta oo ay ku abuurmaan dadaalkooda.  Waxaa jira dhowr nooc oo suuqgeyn xiriir la leh, mid walbana leh astaamo iyo habab gaar ah. Qaybaha affilaite marketing   1. Pay-per- Sale (PPS): Kani waa nooca ugu caansan.  Xiriiriyayaashu waxay kasbadaan komishan marka macaamilku wax ku iibsado isku xirka tixraacooda.  Tusaale ahaan, kuwa ku xidhan xayaysiinta tafaariiqle moodada ayaa heli doona boqolkiiba iibka marka macaamiishu iibsadaan shay kadib marka uu gujiyo xidhiidhkooda.   2. Pay-per-click (PPC): Qaabkan, kuwa raacsani waxay kasbadaan lacag gujis kasta oo lagu sameeyo xiriirkooda, iyadoon loo eegin haddii iibku dhaco.  Habkani waa mid caan ka dhex ah kuwa xidhiidhka la leh ee isticmaala xayaysiis lacag leh si ay ugu wadaan taraafikada goobaha gana...

Waa maxay strategic management; qaybihiisa, shaqadiisa iyo muhiimadiisa?

 

Introduction.

Xeelad la’aan waa dariiqa u gaaban ee guusha, Qorshaaha aan xeelada lahayn waa buuqa yeeraya ka hoor guuldarrada. ~ Sun tzu 771-256 BC.

Maqaalkeenu wuxuu ka hadli doona {Strategic maangement} oo  soomali ahaan ah maamulka istraatijiyeed wuxuuna ka mid yahay qaybaha  ay shirkadu u baahantahay, lagana maarmin in la maamulo kuna xiran mustaqbaka iyo horumarka shirkada.

Strategic management

Maamulka istraatijiyeed waa qorshyanta, kormeerinta, falqaynta socota iyo qiimaynta dhamaan baahida ay shirkadu rabto si ay ugaarto yoolkeeda iyo ujeedadeeda. Isbadalada ku dhacay ganacsiga waxa ay u baanhatahay in si joogta loo qiimeyo istratijiyada shirkada si ay u guulaysato.

Maamulka istaratijiyed waxa uu   qorsheeyaa wadda ay shirkadu ku gaar lahayd hadafkeeda isagoo qiimeenaya ama qiyaasaya inta sanno ama waxa looga baahanyahay shirkada inay samayso.

Maamulka istratijiyeed waxa uu ka mid yahay ilaha ay shirkadu ku tiirsaantahay kagan jiraa xagga ahmiyadda kaalinta 2, waxaana ka saraysa capital oo xubinta gancsiga ah .

Maamulka istaratijiyeed waxa uu la mid yahay ciyaarta chess ka  oo kale waa inaad odorasaa ama saadaadisaa xarakada uu samayn doono cadawkaaga ka hor intaa aadan taada qaadi.


Isticmaalka maamulka istaraatijiyeed waxa uu kuu khasbayaa inaad mustaqabalka shirkadada si qorshayso adigoo; ujeedadaada qiimeenaya, falaqaynta tartamayaashada, falaqaynta ururaha gudaha, qiimanyta qorshaha iyo hubinta in dhamaan faracyada shirkada in qorshaha loo dajiyey  ay raacaan iyo mudada lagu talagaley aysan ka dhibdhicin.

Qaybaha maamulka istartijiyeed

Maamulka istartijiyeed waxa uu u kala baxaa qaybo badhan waxayna qayb walba laku talagaley hadba nooca ay shirkadu ama ururkaagu yahay,waxaana qaybihiisa ugu muhiimsan 5 tan soo socota;


1) linear strategy{ istaratijiyada toosan}: istaratijiyada toosan waa isratatijiyada tan ugu caansan uguna macquulsan shanta qaybood, waxayna maamushaa  habka qaraar qaadashada shirkadda taas oo ku salaysan si macquul  iyo caqli-gal ah, una saamaaxaysa shirkada inay la tacaamusho carqaldooyinka iyo isbedeladda aan la filayn ee soo waajihi doona mustaqbalka shirkadda.


2) adaptive strategy{ istaratijiyada la qabsiga} :

Waxaan dhihi gartaa waxa ay tusaale nool u tahay maamulka istaratijiyadeed sababta oo ah , waxa ay ujeedadeedu tahay inay  gacan ka siiso/u tilmaamto shirkada awooda ay uga jawaabi lahayd ama la qabsanlahayd isbedeladda ku dhacaya suuqa iyo deegankeeda si hufan oo waxtar leh.

Istaratijiyada la qabsigu: waxa ay ku xiran tahay fulinta, fiirinta, iyo la socodka shirkada qorsheheeda iyadoo si joogta loo cusboonsiinyo ama loo horumariyo habka ay shirkadu ugu jawaab celin lahayd xaaldaha emergency ka ah

Istaratijiyada la qabsiga waxa ay isha saarta inay u shaqeeyan si firfircawni ah, iyadoo si joogta ah u fulinaya shirkada yoolkeeda fog{long term goal} si dhakhsana u habeenaya yoolka si ay u la qabsto isbeedellada dhicidoona marka loo baahnaado .


3) intrepretive strategy{ istaratijiyada tafsiir ah}:

Istartijiyadan sidaa caan uma ah sabata oo ah waxa ay shaqaydeedu tahay inay indha-indheeso si ay u socdaan habka qaraar qaadashada shirkada iyo fulintooda. Waxay kobcisaa ama abuurta jawi cusub iyadoo ka dhigaysa qaraar qaadashadu inay tahay hawl socota meesha ay ka ahaanlahyd mid adag.

Isatartijadan waxa ay isha saarta inay fahamto shirkada yoolkeeda iyo fulinta hadafyadeeda kuwa dhow iyo kuwa fogba {short and long terms}.

 

4) experessive strategy{ istaratijiyada muujinta}:

Istaratijiyadan waxaa dhihi kartaa waxa ay isku jirtaa tafsiirinta iyo  la qabsiga istaratijayadeed sababta oo ah labada qaybood oo la isku daray shaqada ay qabteen bay soo muujisaa.

Istaratijiyadan waxa ay muhiimada saartaa inay si firfircawni ah u qabato/maamusho isbedellada ku dhaca quduha ama debedda ee shirkadda, iyadoo aan ka leexaneyn yoolka ay shirkadu leeedahay.

Maamulka istaratijiyadan waxa ay noqon kartaa mid challenge leh, laakin shirkada ku kuulaysata inay maamusho waxa ay u saamaxaysa inay ka faaido isbedeladda dhacaya, iyadoo aan ka leexanayn yoolkii ay shirkadu ku taagantahay inay gaarto.

 

 

5) transcendent strategy {istaratijiyada gudubta}

Waa heerka ugu sareeya ee maamulka istaratijiyeed. waxaana la fulin karaa marka afarta kale si dhamaystiran oo guul leh loo hirgaliyo .

Istaratijiyada gudubta waxa ay muhiimada saarta maamulka gudaha{internal} shirkada halkii ay maamule lahyd banaanka{external}.

Ururku ama shirkadu waxa ay fulinkaraan istartijiyada gudubta marka ay fahmaan faaidada iyo khasaarada ka dhalan kara fulinta afarta kale, markaaas kadib waxa ay samayn karaan istaratijiyad khaas oo u hiilan inay si dhamaysiran u fuliso 4 kale shaqooyinkooda iyo sida ay isku xiri lahayd.

 

Muhiimadda ay leedahay maamulka istaraatijiyeed

Maamulka istaratijiyeed waxa ay noo soo bandhigaan xog dhamaystiran iyagoo hormarinaya qorshaynta{plan} ama dejinta xeerka{policies} kuwaas oo lagu talagaley in lagu gaaro hadafka shirkadda iyo maamulida ilaheeda dhaqaaleed si loo fuliyo qorshayaa shirkadda. Guud ahaan maamulka istaratijiyeed waxa lagu talagaley inay shirkadaadu tartan culus siiso tartamayaashaada oo ayna kaga hormarto xagga macaamiisha{ customer} iyo badeecada{ product}

Maamulka istaratijiyeed sida qaybaha oo kale ee shirkada waxa maamulo madaxa sare ee shirkada/ ururka, waxaana u jaangooyaa shaqoyin khaas oo uu kaligiis qabto lakin guuda ahaan waxa ay ka wada simanyihiin 5 marxalood oo ah asaaska maamulka istaratijiyeed waana sida tan

5 marxalood ee maamulka istaratijiyeed

t Qiimaynta jihada istaratijiyadeed ee ay shirkadu hadda marayso.

t Qeexida ama falaqaynta meelaha  awoodda ama daciifka ah hadday tahay gudaha ama dibadda shirkadda.

t Samaynta qorshe hawlgalikara ee lagu shaqaynkaro.

t Fulinta qorshihii la hirgaliyey.

t Qiimaynta intee qorshihii la hirgaliyey lagu guulaysatay iyo sameenta is badel haddi ay soo baxdo natiijo aan loo baahneen.


Sawirkaan waxa uu noosoo goobayaa ahmiyadda ay istaratijiyadu leedahay iyo sida lagu shaqaynlahaa waxaana muhiima ah inaad xasuusnaato urur/shirkad walba khasab maaha inay isku istaratijiyad noqdaan mana noqon karaan sababta oo ah mid walba yool ama hadaf buu usocdaa inuu ku guulaysto waxa uuna dajisanayaa istaratijiyada ugu haboon oo uu yoolkiisa ku gaari lahaa.

Shaqada ay qabato maamulka istaratijiyeed

Maamulka istaratijiyeed waxa uu qabtaa shaqooyin aasaas u ah horumarka iyo ilbaxnimada shirkada, waxaana dhihi karnaa waa tiirka ay shirkadaadu ku taagantahay sabata oo ah qorshaha la’aan shaqo majirto, qorshahana haddii aan la maamulin horumar majiri doono.

Laakin shaqada uu qabto maamulka istaraatijiyeed taa kaliya laguma soo koobi karo waxaa kamid ah:

1) Qorshaynta, maamulida ,xakamida, hogaaminta arimaha shirkadda

2) dhisida iyo joogtanta iskuduubnida shirkadda.

3) falaqaynta arimaha dhaqaalaha ee shirkadda

4) qiimaynta khataraha iyo degnaan la’aanta ka dhalan karta isbedelka suuqa.

 

Over view{dulmar}

Maamulka istaratijiyeed waxa uu ka mid yahay shaqooyinka aadan ka maarmi karin marka aad rabto inaad horumariso mustaqbalka shirkadaada iyo  gaadhitaanka yoolkaaga, waxa ayna hoostagtaa shaqadan maamulaha guud ee shirkada iyo maalgaliyaasha, iyagana go’aamiya sida istaratijiyada lo isticmaalayo,talaabada la qaadi doono kadibna waxay ay usoo bandhigaan shaqaalaha shirkadda shaqadda ay qabanlahaayeen, sida ay uqaban lahaayeen, inta laga rabo inay qabtaan iyo sixidda khaladaadka dhacaya.

 

Intaa bu ku eegyahayey mqaalkeena ka hadlayey maamulka istaratijiyeed iyo xogihiisa ;haddi ay jirto su’aal ku saabsan maqaalkan oo aad qabto {you are welcome to ask}..........MAHADSANID.

Comments

Anonymous said…
mahdsanid zxb laakin suaal baan qabaa haddii aad faahfaahin ka bixin lahayd qaybaheeda

Popular posts from this blog

Muhiimada ay Suuq-Geyntu U leedahay ganacsiyada?

  Marka laga hadlo ama lasoo qaado  shirkad ganacsiyeed oo kor u kacday ama hoos u dhacday, waxaan is-weydiinaa 1 shey oo sababi kara hoos ama kor ukaca oo ah badeecada oo ah : Q1.  Shirkaddu Suuq-Geyn fiican maleh miyaa ? Hadaba:   ü Waa maxay Suuq-Geyntu?   ü  waa maxay muhiimada ay suuq-geyntu ganacsiga u leeyahay.     ü sidee  uga qayb-qaadataa kor/ hoos u kicida ganacsiyada ?     Qeexitaanka Suuqgeynta. Suuq-geyn waxaa lagu qeexi karaa habka aqoonsiga, odoroska, iyo qancinta baahiyaha macaamiisha iyo rabitaanka iyada oo loo marayo abuurista, isgaarsiinta, iyo bixinta qiimaha. Waxay ku lug leedahay hawlo dhammaystiran, sida cilmi-baarista suuqa, horumarinta alaabta, qiimaha, qaybinta, horumarinta, iyo maamulka xiriirka macaamiisha. Xeeladaha suuqgeyntu waxaa loo qorsheeyay in-ay saameeyaan hab-dhaqanka macaamilka, abuuraan wacyi-gelin sumcadda, iyo ugu dambayntii ay kiciyaan iibka iyo faa'iidada. Suuqgeyntu waxa ay ka mid t...

Waa maxay principle of management{xeerka maamulka}?

  introduction {hordhac}  Haddii uu hamigaagu yahay inaad shirkad ama urur maamulid oo aan gararin sida wax loo maamulo markaas topickan wuxuu kaa caawindoonaa ama fikir guud kaa siin doona sida wax loo maamulo. Principle of management Waa xeerka maamulida shaqooyinka   aasaasika ah taas oo ah   inaad qorshayso, maamusho, xakamayso, hagto iyo shaqaalayso dadka aad maamulo u tahay. Suaalooyin badan baa kuusoo dhacaya markaad akhhrinayso xeerka maamulida waxaan, iswaydiindoontaa waa maxay xeerka koowaad{ 1 } ee maamulka jawaabtuna waa : Delegation {ergo ama wafdi}. Ergadu{ delegation }: waa inaad qof mas’uuliyad siiso ama inuu meel maamulo adigoo siinaya fasaxa inuu maamuliko meesha ama   siinaya awooda uu ku xambaari lahaa mas’uuliyadaas, waana habka qaybinta shaqada si ay firfircawnidu u badato, shirkadaaduna si fiican u shaqayso, adiguna hogaamiye lagu dayno ama tusaale{ role model} noqoto. xeerarka ee principle of management Ninka loo yaqaano HENRI...

Side loo maareeyaa khataraha Maaliyeed ee Ganacsiga?

Bilaabida ganacsigu waxay noqon kartaa dadaal dhaqaale ahaan mid khataro badan ku keeni kara. Si kastaba ha ahaatee, haddii si taxadar leh loo qorsheeyo oo fuliyo, waxaad yareyn kartaa ama xitaa ka hortagi kartaa  khatarahaas.   Inta kadib,   inta aad maqaalkeena kuguda jirto waxaad ku barandoontaa :       -   Qeexitaanka  khataraha maaliyeed?         -    Waa maxay maareynta khataraha maaliyeed?         -    Sidee loo ogaadaa khataraha maaliyeed?         -    Hababka oo aad ku maareyn-karto khataraha maaliyeed?         -    Iyo 5 tallabo la qaado kahor inta aadan ganacsi bilaabin?   Qeexitaanka    khataraha maaliyeed? khataraha maaliyeed waa xaalad uu nidaamka maaliyadeed ee dal ama deegaan uu la kulmo khalkhal ba’an oo lama filaan ah oo ku yimaada hab-socodka caadiga ah ee suuqyada iyo ...