Skip to main content

Liability management: Qeexitaankeeda, istaratijiyadeeda, muhiimadeeda iyo ujeedadeeda?

 


 Deynta  marka loo fiiriyo dhinaca maaliyadda iyo xisaabaadka waa tixraac waajibaadka ama deymaha  oo uu urur ama qof ku leeyahay dhinac kale.  Iyada ay saa  tahay Maarayta daynta waa arrin muhiim  ah taas oo ku leg leh maareynta isatartijiyada ee deynta shirkadda, iyo waajibaadka maaliyeed ee kale. Hadaba  :

      -        Waa maxay maaraynta Deynta?

      -        Waa maxay isratjiyada la istcimaasho si deynta loo maareeyo ?

      -        Waa maxay muhiimada ay ganacsiga u leedahay?

      -        Waa maxay ujeedada ama hadafka loo maareeyo Deynta ?


Waa maxay Maaraynta Deynta?

Maaraynta deyntu waa istaratijiyad maareyn maaliyeed oo diirada saarta in si wax ku ool ah loo maareeyo deynta shirkadda iyo waajibaadka kale ee maaliyeed. Waxa ay ku lug leedahay qaabaynta taxaddarka leh iyo la socodka deymaha si loo yareeyo khataraha la xiriira. Korna loo qaado la socodka lacagta caddanka, loona hagaajiyo guud ahaan xasillonida maaliyeed.

Maaraynta daynta waa hab lagu maareeyo isticmaalka hantida iyo la socodka lacagaha caddaanka si loo yareeyo khataraha shirkadda ee khasaaraha ka yimaada bixinta daynta waqtigeeda.


Istartijiyad waxa ay leedahay ama ka kooban tahay farsamooyin iyo xeelado kala duwan oo lagu talagalay in loo isticmaalo maamulida khatarha ka dhalan karta deymaha ay shirkadu leedahay ama lagu yeelan doono.

Dabcan haddii aad maarynta deymaha aad aragto waxaa muhiim ah in ay maxkaxdaado ku jirto in ay Hantida iyo  Maaraynteeda ay soo kalayso, sababtna hantidu waa lidka deynta.

 

Asal ahaan maaraynta deyntu waxa ay diirada saartaa qaabaynta socodka deymaha shirkadda si waafaqsan yoolalka iyo ujeedooyinka maaliyeed. Tani waxa ay lug ku leedahay in si taxadar ah loo qiimeeyo culeyska deynta shirkadda, heerarka dulsaarka iyo waajibaadka kale ee maaliyadda si loo hubiyo in si hufan loo mareeyo.

Deymaha si wanaagsan loo maareeyo waxa ay ku lug leeyihiin hab-is- waafajin oo kordhin kara faa’idada ganacsiga.

Waa maxay isratjiyada la istcimaalo si deynta loo maareeyo ?

Istaratiijyada loo isticmaalo in lagu maareeyo daynta shirkadda/ururka waxa ay ku lug leedahay isku darka tallaabooyinka firfircoonida ah si loo yareeyo khataraha, iyo si wax loogu qabto deynkasta ee shirkadda kusoo cusboonaata. Waxaana ka mid ah istartijyadaha muhiimka ah oo loo isticmaalo maaraynta deynta :

 

       1.   Qiimaynta Khataraha: samee qiimayn dhamaystiran si loo ogaado deymaha imaankara lana qiimeeyo saamaynta ay ku yeelan karaan uruka. Waxa ayna kaa caawinaysaa istartijiyadan aqoonsiga iyo falaqaynta khataraha la xiriira dhinaca sharciga, dhaqaalaha, shaqada iyo sumcada.

       2.   Dhimista ama yaraynta Deymaha : istaraatijiyadan waxa ay lug ku leedahay ka shaqaynta firfircoonida si loo yareeyo heerka guud ee deymaha. Waxa ayna ku surtala-gali kartaa fullinta tallaabooyinka lagu badbaadinayo kharashka iyo loo samaynayo lacag caddaan ah oo deeraad ah si deynta loo bixiyo.

 

       3.   Ilaalinta Qandaraasyada : dib u eeg oo ugana dood si taxadar leh qandaraasyada si aad u hubiso inay ku jiraan qodobyada ilaalinaya shirkadda deymaheeda imaan kara. Waxa ayna lug ku yeelan kartaa qeexida shuruudo cad, xaddidyada, iyo qoddobada magdhawda si loo yareeyo loona qoondeeyo khataraha u dhaxaysa dhinacyada.

 

        4.   Xandaabyada deynta: istaratijyadan waxa ay lug ku leedahay adeegsiga aqabka maaliyeed sida isdhaafsiga heerarka dulsaarka iyo beddelida lacagta si loo yareeyo oo looga hortago khataraha imaan kara ee la xidhiidha deynta.

 

        5.   Hawlgelinta daneenayaasha : la xidhiidhka dadka ay khusayso shirkadaada sida shaqaalaha, macaamiisha, bulshada, iwm si loo kobciyo dhaqanka mas’uuliyadda iyo waxka qabashada tabashooyinka si degdeg ah. Isgaarsiin wax ku ool ah oo daahfuran ayaa kaa caawin kara yareynta suurtagalnimada iyo saameynta deymaha.

 

        6.   Hanti-dhawgarka iyo dabagalka: si joogta ah u samee hanti-dhawr gudaha ah si loo ogaado daladlooyinka ku jira u hoggaansanaanta iyo meelaha laga hagaajin karo. Hiirgalinta nidaamyada si loola socdo deymaha wakhtiga dhabta a, waxa ay awood u siinayaa shirkadda jawaabaha degdega ah iyo qaadida tallaabooyinka saxda ah.

Waa maxay muhiimada ay maaraynta Deyntu ganacsiga u leedahay?

Maareynta deyntu waxa ay muhiim u tahay ganacsiyada iyo ururaha sababo badan daraadeed, iyada oo ka caawinysa shirkadaha ama ururada inay si hufan oo tayo leh u maareeyaan deynta waxaana ka mid muhiimada ay maareyntu deynta leedahay :

              I.   Yareenta khataraha maaliyeed: maareynta deyntu waxa ay ka caawisaa shirkaduhu inay yareeyaan u nuglaanshaha khataraha maaliyeed. Markay si firfircoon u  maareeyaan deynta iyo waajibaadkeeda waxa ay u diyaar garoobi karaan khatarha imaanaya si hufan, waxa ayna yareeen karaan saameyntooda. Tusale: xaalada suuqa.

 

             II.   Hagaajinta la socdoka lacagaha shirkadda: marka la maareeyo deymaha shirkadu waxa ay wanaajin karaan la socodka lacagta, waxa ayna hubin karaan inay haystaan lacag ku filan oo dabooli karta waajibaadka maaliyeed ee shirkadda. tani waxa ay ka caawin kartaa shirkaduhu inay ka fugaadaan qulqulka xadhaafka ah ee lacagata.

 

             III.  Ballaadhinta ganacsiga iyo maalgashiga: Maareynta deynta ee waxtarka leh waxa ay siisaa gaancsiyada helitaanka raasmaal kobcaya ama ballaaranaya iyo fursado maalgashi. Iyaga oo si xeeladaysan u maareenaya deymaha shirkaduhu waxaa ay soo bandhigi karaan awood dhaqaale iyo dayn mudan, taasoo usahlaysa inay soo jiitaan ilo maalgalin dibadeed.

 

               IV.   U hoggaansanaanta iyo maamulka: maareynta deynta ayaa dawr muhiim ah ka ciyaarta buuxinta shuruudaha sharciyeed iyo kuwa sharciga ah. ganacsiyadu waa inay u hoggaansanaadaan xeerarka kala duwan ee xakuma deymaha sida xeerka xisbaadka, xeerka caashuuraha, shuruuda shaacida, iyo ilaalinta daah-furnaanta hawlaha maaliyeed.

 

               V.    Sameynta aasaas adag oo kordha: maareynta deyntu waxa ay shirkadda ka caawinaysaa inay hal-abuuri karaan aasaas adag oo kobcaya oo waara. Tani waxa ay u oggalaanaysaa shirkaduhu inay maalagshadaan mashaaariic cusub, ballaadhiyaan hawlahooda, iyo inay si kalsooni leh u raadsadaan fursado cusub.

 

               VI.    Hagaajinta ilaha dhaqaale: maareynta deyntu waxa ay u fududaynaysaa shirkaduhu inay wanaajiyaan ilahooda maaliyeed iyagoo yareenaya kharashka guud ee deynta, hagaajinta socodka lacagaha iyo xoraynta ilaha hawlkalka leh ee shirkadda.

 Isku soo wada duub maareynta deynta waxa ay muhiim u tahay ganacsiyada iyo ururada maadaama ay ka caawinayso yaraynta khataraha, xqiijinta xasilloonida, iyo dhimista kharashaadka, u hogsanaanta xeerarka, fududaynta korrinka, iyo ilaalinta sumcad togan.

waxaana muhiim ah inaad xasuusnaatid inay sababahaan inay ka qaybqaataan horumarka iyo billicda shirkadda haddii sida saxda ah loo isticmaalo, burburna keeni karto haddii si khaldan loo isticmaalo. waxa ayna taas kuu cadaynaysaa ahmiyada ay u leedahay shirkadda sababta oo ah waxa ay hal-abuuri kartaa asaas adag oo lagu gaaro guulo waara.

Waa maxay ujeedada ama hadafka loo maareeyo Deynta?

Ujeedada maareynta deynta waa in si wax ku ool ah loo maareeyo loona xakameeyo waajibaadka maaliyadeed ee ganacsiga. Tan waxaa ka mid ah ogaanshaha, dabagalka iyo la socodka deymaha, iyo sidoo kale hirgelinta xeeladaha lagu yareynayo saameynta deymahaas ku yeelanayaan booska maaliyadeed ee ururka. 


Hadafka kama dambaysta ah ee maaraynta deynta waa in la yareeyo khatarta guud iyo kharashka ganacsiga iyada oo la bixinayo hab lagu cabbiro waajibaadka dib u bixinta mustaqbalka.

 Maareynta deyntu waxa ay noqon kartaa waxkale mooye in  si xeeladaysan loo maareeyo deynta shirkadda iyo waajibaadyada maaliyeed ee kale , si waafaqsan yoolalka iyo ujeedooyinka maaliyeed ee shirkadda ama uruka.

 

Gunaanad.

Gabgabdii waxaan dhihi lahaa maaraynta Deynta waa arrin muhiim u ah maamulka maaliyeed ee ganacsiga. Waaxa ayna ku lug leedahay in si istaraatjiyad ah loo maareeyo deynta iyo waajibaadka kale si loo yareeyo khataraha, kro loo qaado socodka lacagata, loona hagaajiyo guudahaan xasilloonida maaliyeed.

Waxaa jira dhawr nooc ee istaratijyada maaraynta Deynta oo ay shirkaduhu isticmaalaan, sida dib u maalgalinta deynta, xoojinta deynta, xandaabka deynta, dhimista deynta,iwm. Istaratijyad kasta waxa ay u adeegta u jedo gaar ah waxaana lagu habayn karaa si ay ula kulanto yoolalka maaliyeed iyo duruufaha gaarka ah ee shirkadda.

Muhiimada maaraynta deyntu waa ogalaanshaha ay u ogalaanasyo shirkadda inay yareyso khataraha  maaliyeed iyagoo si firfircoon u maareenata deynta.

Maareynta deynta waxa ay wanaajisa socodka lacagta, iyadoo hubinaysa in shirkaduhu heystaan lacag ku filan si au u gutaan waajibaadkooda maaliyeed, waxa ayna gacan ja geysataa wanaajinta ilaha maaliyeed iyadoo la dhimayo guud ahaan kharashka deynta iyo u xoreynta kheyraad hawlaha kale ee ganacsiga.

Ujeedada maamulka deynta waa in  si xeeladaysan loo maareeyo deynta iyo waajibaadka maaliyeed ee shirkadda si waafaqsan yoolalka maaliyeed. Markaas sidaas la sameeyo shirkaduhu waxa ay yareen karaan khataraha, kor u qaadida qiimaynta iyo hal-abuurista asaas adag oo kordhaya. Markaas ayaa imaan kara qalabka iyo xeeladaha lgu maaryn karo deynta.

Gabagadii waxaan dhihi lahaa maaraynta deynta waa arrin muhiim ah oo ka mid ah maaraynta maaliyeed taas oo aan la hilmaami karin, waxa ay awood  u siinaysaa shirkaduhu inay si wax-ku ool ah u maareeyaan deymankooda, iyadoo loo adeegsanayo xeeladaha maareynta deynta habboon, shirkaduhu waxa ay ka takhalusi karaan caqabadaha maareynta deynta waxa ay kaari karaan xasillooni maaliyeed.

.....................................................MAHADSANID





Comments

Popular posts from this blog

Finance: Waa maxay Qeexitaankiisa, Muhiimadiisa, ujeedadiisa iyo tusaalihiisa?

  Finance ama sida luqada soomaliga lagu dhaho Maaliyaddu : waa hawlbowlaha dhaq-dhaqaaqa ee dhaqaalaha ganacsiyada, isaga oo u adeegaya sida shidaalka  dhaqaajiya ganacsiyada , shirkadaha, shakhsiyaadka iyo dawladabba.Hadaba Maqaalkeenu waxa aan kaga hadli doona oo uu ku-saabsan yahay :   ü Waa maxay qeexitankiisa Maaliyadda?   ü Waa maxay muhiimada Maaliyadda?   ü Waa maxay  ujeedadeeda  Maaliyadda?   ü Waa maxay tusaalaha Maaliyadda? Waa maxay Qeexitanka Maaliyadda? Maaliyadda waxaa loola jeedaa maareynta/ kormeerida/ilaalinta lacagaha iyo hantida  oo uu ganacsigu leeyahay, oo ay ku jiraan amaahda, maalgashiga , miisaaniyada. Waxa ayna ka kooban tahay hawlo kala duwan sida bangiyada, maalagshiga iyo maareynta hantida si loo gaaro yoolalka ama ujeedooyinkooda maaliyeed. Maaliyaddu waxa ay sidoo kae lug ku leedahay daraasadda suuqyada maaliyeed, hay’adaha, qalabka iyo sidoo kale falaqaynta xogta maaliyeed iyo go’aan qaadashada la xidhiidha lacagta iyo raasmaalka.

Waa maxay assets ? Qeexitaankiisa, Qaybihiisa , Muhiimadiisa iyo Tusaalayaashiisa.

   Hordhac Maalqabeedanu waxa ay iibsadaan hantida{usuusha}, faqiirku  kharash kaliya ayuu haysta, dadka dabaqada dhexana waxa ay iibasadaan dayn iyagoo hanti  u maleenaya.   {Robert kiyosaki}. Dad badan marka ay ereyga hanti{asset} maqlaan waxaa isla markiiba maskaxdooda ku soo dhacda hantida ay iyagu leeyihiin ama  ay kharash badan ku bixiyeen helitaankeeda iyo isticmaalkeeda. laakin  hantidu intaa kaliya kuma koobna waxa ay kaa caawin kartaa inaad dhaqaale samayso. waxaa maqaalkan faham guud kaa sii doona asset{hanti}, qaybihiisa iyo tusaaalihiisa. Waa maxay asset? asset: ku  ama sida luqada soomaliga laku dhaho Hanti/ usuul   waa walxo asaas u ah oo lama huraan ah, oo gacan ka geysata kobaca iyo guusha ururada ka jira warshadaha kala duwan. Hadday yihiin kuwo jireed, maaliyeed ama maskaxeed, hantidu waxa ay ka ciyaartaa door muhiim ah soo saarista qiimaha, wadista hal abuurka, iyo hubinta tartanka. Usuushu ama hantidu waa khayraad qiimo dhaqaale   leh shakhsi ,shirkad ama wadan uu