Finance ama sida luqada soomaliga lagu dhaho Maaliyaddu : waa hawlbowlaha
dhaq-dhaqaaqa ee dhaqaalaha ganacsiyada, isaga oo u adeegaya sida
shidaalka dhaqaajiya ganacsiyada ,
shirkadaha, shakhsiyaadka iyo dawladabba.Hadaba
Maqaalkeenu
waxa aan kaga hadli doona oo uu ku-saabsan yahay :
ü Waa maxay
qeexitankiisa Maaliyadda?
ü Waa maxay
muhiimada Maaliyadda?
ü Waa maxay ujeedadeeda Maaliyadda?
ü Waa maxay tusaalaha Maaliyadda?
Waa maxay Qeexitanka
Maaliyadda?
Maaliyadda waxaa loola jeedaa maareynta/
kormeerida/ilaalinta lacagaha iyo hantida
oo uu ganacsigu leeyahay, oo ay ku jiraan amaahda, maalgashiga ,
miisaaniyada. Waxa ayna ka kooban tahay hawlo kala duwan sida bangiyada,
maalagshiga iyo maareynta hantida si loo gaaro yoolalka ama ujeedooyinkooda
maaliyeed. Maaliyaddu waxa ay sidoo kae lug ku leedahay daraasadda
suuqyada maaliyeed, hay’adaha, qalabka iyo sidoo kale falaqaynta xogta
maaliyeed iyo go’aan qaadashada la xidhiidha lacagta iyo raasmaalka.
Laga soo bilaabo miisaaniyad-samaynta iyo
maalgalinta ilaa khataraha, maareynta khataraha iyo qoondaynta raasamaalka,
maaliyadu waxa ay maareysaa dhinac kasta oo nolosheena ah, iyada oo qaabanaysa
ama na baraysa habka kheyraadka loo maamulo.
Maaliyaddu waa erey si ballaadhan u qeexaya daraasadda
iyo nidaamka lacagta, maalgashiga, iyo agabka maaliyadeed ee kale. Maaliyadda
waxa loo qaybin karaa saddex qaybood oo kala duwan: maaliyadda guud,
maaliyadda shirkadaha, iyo maaliyadda gaarka ah.
Qayb-hoosaadyadii
dhowaa ee maaliyadda waxaa ka mid ah maaliyadda bulshada iyo maaliyadda
dabeecadda. Taariikhda dhaq-dhaqaaqa maaliyadda iyo maaliyadda waxay soo
taxnayd ilaa waagii ilbaxnimada. In kasta oo ay xidid ku leedahay qaybaha
sayniska, sida tirakoobka, dhaqaalaha, iyo xisaabta, maaliyadda waxa kale oo ku
jira waxyaabo aan saynis ahayn oo la mid ah farshaxanka.
Waa maxay muhiimadeeda Maaliyadda ?
Maaliyaddu waxa ay dawr muhiim ah
ka ciyaartaa labada dhinac ee shakhsi
iyo ganacsi ahaaneedka ah, muhiimadeedana lama yaraynsankaro.
Waana kuwan qaar ka mid ah
sababaha muhiimka ah oo cadeenaya muhiimadda ay maaliyaddu leedahay :
1.
Qoondaynta kheyraadka: maaliyaddu waxa ay ka caawisaa in
si hufan loo qoondeeyo agabka. Waxa ayna gacan ka geysataa go’aaminta habka lacagaha
loogu qaybin doono arimaha shirkadda, sida
Mashruucyada, ama maalgashi kala duwan. Waxa ayna hubisaa in lacagta loo
isticmaalo si kro loogu qaado qiimaha iyo yaraynta khataraha.
2.
Go’aan qaadashada: macluumaadka maaliyeed iyo
falaqaynta ayaa laga maarmaan u ah samaynta go’aamo xog ogaal ah, taasna waxaa
ka gacan ka geysta maaliyadda. marka la falaqeeyo xisaabaadka, miisaaniyada,
iyo odoroska shakhsiyaadka iyo ururada, waxa ayna qiimayn karaan
suurtagalinimada, faa’idada iyo khataraha la xidhiidha doorashooyinka kala
duwan.
3.
Kobaca ganacsiga: helitaanka iyo maamulida
maaliyadda ayaa muhiim u ah kobaca iyo balladhitaanka gancsiga, haddii ay tahay
ilaha gudaha{ dakhliga la hayo}, ama ilo dibadeed{deymo, maalgashi}, maaliyaddu
waxa ay awood u siinaysaa ganacsiyada inay maalgashdaan cilmi-baarista iyo
horumarinta, suuq-geynta, kaabayaasha iyo dalaalakasta oo kobcinkarta
dhaqaalaha ganacsiga.
4.
Maareynta khataraha: maaliyaddu waxa ay ka caawisaa
ganacsiyada inay maareeyaan khatarha iyadoo siinayso aqabka iyo allaabta loo
xandaabayo iyo caymisyada hubin la’aanta. Maareynta maaliyadu waxa ay u
dhaqantaa sida kaladuwanaanshaha, caymiska,iyo xeeladaha xandaabyada, waxa ayna
ka ilaaliyaan shakhsiyaadka iyo ururada khasaaraha maaliyeed ee imaan kara.
5.
Raasamaal dhalinta: maaliyaddu waxa ay sahashaa
dahlinta raasamaalka loogu baahnayahay in la bilaabo mashruuc ama ganacsi
cusub. Waxa ayna awood siinaysaa ganacsiyada inay lacag uruuriyaan iyagoo isticmaalaya habka
maalgelin sinaanta ama maalgalin deynta. Raasamaal faleebo ah oo ku filan ayaa
muhiim u ah jiritaanka ganacsiga.
6.
Degnaansho dhaqaale: nidaam maaliyeed oo hufan ayaa
gacan ka geysta xassiloonida guud ee dhaqaalaha. Nidaaminta wax ku-oolka ah,
kormeerida , maareynta hay’adaha maaliyeed waxa ay gacan ka geysataan ilaalinta
xasillonida maaliyeed, iyo hubinta
qoondaynta wax ku-oolka ah ee raasamaalka.
7.
Maareynta maaliyadda shakhsiyeed: maaliyaddu waxa ay lama huraan u tahay shakhsiyaadka ina y si lama huraan
ah u maareeyaan maaliyadooda shkhsi. Waxa ayna lug ku leedahay
miisaaniyad-samaynta, kaydinta, maalgashiga, iyo qorshyanta yoolalka maaliyeed
ee muddada dheer.
8.
Suuqyada caalmaiga ah iyo maalgalinta: maaliyaddu waxa ay dawr muhiim ah ka ciyaarta suuqyada caalamiga ah iyo
hawlaha maalgashi. Waxa ayna u sahalaysaa wadamada, shirkadaha caalamiga ah
inay sameeyaan wax kala iibsi xuduudaha ah, maaulaan khatarha sarifka lacagaha
qallaad iyo kala-duwaanshaha faylasha.
Maaliyaddu waxa ay muhiim u atahy qoondaynta kheryaadka go’aan qaadashada, kobaca
dhaqaale maareynta khataraha, abuurista raasamaalka, maareynta maaliyeed ee
shaqada iyo ganacsiyada caalamga ah. waxa ayna siisaa asaaska u shaqaynta hufan
ee qofka iyo qaybaha gancasiga labadaba, taas oo gacan ka geysata barwaaqada
guud ee ganacsiga.
Waa maxay ujeedada maaliyadda
Doorarka ama ujeedada maaliyeed waa ay kala duwanyihiin,
waxa ay ka koobanyihiin hawlo kala duwan ee ganacsiyo ah. waaxda maaliyadda
ayaa mas’uul ka ah qoorshynta maaliyeed, warbixinta maaliyeed, falaqaynta
fursadaha maalgashiga, maareynta socodka lacagta, iyo maareynta khatarha
maaliyeed.
Ujeedada maaliyadu waa in la mreeyo oo la wanaajiyo qoondaynta ilaha dhaqaale si loo gaaro yoolka iyo yoolalka gaarka ah. Waxaana kamid ah inay ka taxadarto Qalalaasaha maaliyeed ee shirkadda/ururka
waxaana
ka mid ah dawr ay maaliyaddu leedahay oo aan soo qaadandoono seddexdaan tusaale
ee soo socda:
I. Fududaynta maalgashiga: maaliyaddu waxa ay siisaa dhaqaalaha lag
maarmaanka u ah shakhsiyaadka, ganacsatada, iyo dawladaha si u maalgashadaan
mashaariicda, hantida iyo hawl-qabyada kuwaas oo soo celin kara waxna ka geysan
kara kobaca dhaqaale.
II. Qorshaynta maaliyadda: maaliyaddu waxa ay awood u siinaysaa
shakhsiyaadka in ay qorsheeyaan baahidooda maaliyeed ee mustaqbalka, s iyo
xaaladaha degdeg ah taas oo u baahan in loo smaeeyo miisaaniyad aa kaydin ama
maalgalin si loo xalliyo xaaladahaas.
III. Taaageerida go’aan qaadashada: maaliyaddu waxa ay bixisaa aqabka iyo
falaqaynta si loo sameeyo go’aamo maaliyeed oo xog-ogaal ah, waxa ayna sidoo
kale qiimaysaa fursadaha maalagashi, maareynta deynta iyo hagaajinta
qaab-dhismeedka raasmaalka.
Ujeedada maaliyaddu waa in la hubiyo in si hufan
oo wax ku ool ah loo maareeyo ialaha
dhaqaalaha si loo taageero kobaca dhaqaalaha, loo maareeyo khataraha, loona
gaaro yoolalka maaliyeed ee mustaqabalka dhow iyo kan fog ba.
Waa maxay tusaalayaasha maaliyadda?
Waxaa jira dhawr tusaale oo maaliyadeed oo ka
kooban meelo kala duwan iyo dhinacyada
goobta. Waana kuwan qaar kamid ah tusaalooyinka caanka ah ee maaliyadda:
t Personal finance{ maliyadda shakhsiyeed} : tani waxa ay tilmaamaysaa maareynta oo uu qofku maareenayo dhaqaalihisa, oo
ay ku jiraan xisaabinta, kaydinta, maalgashiga,IWM. Waxaana kamid ah shaqadeeda
samanyta miisaniyad iyo sanduuq loo istcimaalo xaaldaha deg-degga ah iyo
qorshaynta hawlqabka ah.
t Corporate finance{ maaliyadda shirkadda} : waxa ayna lug ku leedahay hawlaha
maaliyeed ee shirkadda dhexdheeda, sida maareynta raasamaalka, falaqaynta
fursadaha maalagashi, yaraynta khataraha, IWM. Waxa ayna sidoo kale ka qayb
qaadataa go’aamo maaliyeed oo istaratijiyad leh si kor loogu qaado qiimaha
saamilayda shirkadda.
t Investment Banking{bankiyada maalgashiga}: qaybtani waxa ay lug ku leedahay ka caawinta shirkadda iyo dawladaba kor u
qaadida raasmaalka iyaga oo la marayo hab oo ay kamid yihiin hubinta qoraalka,
soo saarista curaarta, iyo bixnta adeegyada la tallinta, iwm. Iyo sidoo kale
waxa ay ka qaybqaataa maalgelinta deynta iyo cilmi baarisat sinaanta iyo dib-u-
qaabaynta maaliyadeed.
t Insurance{caymiska}: caymisku waa tusaalaha maaliyadda waxa ayna ku lug leedahay ilaalinta khataraha
maaliyadeed, iyada oo la marayo siyaasado daboolaya waxyaalaha lama filaanka ah
sida nolosha, caafimaadka, hantida iyo mas’uuliyadda, iwm.
t Financial market{suuqyada maaliyeed}: suuqyadu waa qoobta ay labada dhinac ee kal-ganacsigu {iibsade iyo laga
iibsade} ay ku kala ganacsadaan aqabka maaliyadeed sida keydka, curaarta,
badeecadaha, lacagaha, iwm. Waxaa uuna midwalba la xiriira maaliyadda iyada ay
shirkadu isticmaalayso si ay u maareyso
suuqa.
t Public finance{ maaliyadda guud} : maaliyadda guud waxa ay lug ku leedahay maareynta iyo falaqaynta arimaha
maaliyadeed ee dawladda iyo hay’adaha dawladda, waxaana ka mid ah tusaalaheeda:
qiimeynta caashuuraha, maareynta deynta dadweynaha, xisaabinta khasaaraha
dawladda, iyo hirgalinta siyaasado maaliyadeed.
Kuwani waa qaar ka mid ah tusaalooyinka kala duwan ee maaliyadda, waxa ayn
si joogta ah u kobcaan oo la qabsadaan xaaladaha suuqa ku cusub iyo isbeddelada
warshadaha.
Gunaanad
Maaliyaddu waa qoob ballaadan oo ka kooban fikrado iyo dhaqamo
kala duwan oo la xidhiidha maaraynta lacagta, maalgashiga, iyo ilaha
dhaqaalaha. Maaliyaddu waxa ay dawr ka ciyaarta door muhiim ah labada shakhsi
iyo ganacsi ahaanba, heer shakhsi maaliyaddu waxa ay ka kooban tahay maareynta
dakhliga, miisaniyad samaynta, maalgelinta iyo samaynta go’aamo maaliyeed.
Dhinac gaancsigana waxa ay u adeegta si laf dhabarta hawlaha iyo kobaca
ururada.
Maaliyaddu waxa ay lug ku leedahay oo la xidhiidhaa
arrimaha dhaqaalaha iyo guud ahaan xaaladaha suuqa. Waxa ayna samaysaa kobaca
dhaqaalaha, heerka dulsaarka, sicir-bararka, iyo wax-qabadka suuqa maaliyadeed.
Gegebadii maaliyaddu waa nidaam dhinacyo badan leh oo
daboolaya mawduucyo iyo codsiyo badan oo kala duwan. Fahamka maaliyadda ayaa
laga maarmaan u ah in si wax ku ool ah loo maareeyo maaliyadda gaarka iyo tan
ganacsiga, iyo in lagu guulaysto dhaqaalaha heerka shaqsi iyo mid urur ba.
........................................................MAHADSANID
Comments