Skip to main content

Noocyada Suuqgeynta Affiliate

    Suuqgeynta affiliate waa istaraatijiyad waxqabad ku salaysan halkaas oo shakhsiyaadka (xubnaha) ay kor u qaadaan badeecadaha ama adeegyada ganacsadaha oo ay kasbadaan komishan iib kasta ama ficil kasta oo ay ku abuurmaan dadaalkooda.  Waxaa jira dhowr nooc oo suuqgeyn xiriir la leh, mid walbana leh astaamo iyo habab gaar ah. Qaybaha affilaite marketing   1. Pay-per- Sale (PPS): Kani waa nooca ugu caansan.  Xiriiriyayaashu waxay kasbadaan komishan marka macaamilku wax ku iibsado isku xirka tixraacooda.  Tusaale ahaan, kuwa ku xidhan xayaysiinta tafaariiqle moodada ayaa heli doona boqolkiiba iibka marka macaamiishu iibsadaan shay kadib marka uu gujiyo xidhiidhkooda.   2. Pay-per-click (PPC): Qaabkan, kuwa raacsani waxay kasbadaan lacag gujis kasta oo lagu sameeyo xiriirkooda, iyadoon loo eegin haddii iibku dhaco.  Habkani waa mid caan ka dhex ah kuwa xidhiidhka la leh ee isticmaala xayaysiis lacag leh si ay ugu wadaan taraafikada goobaha gana...

Finance: Waa maxay Qeexitaankiisa, Muhiimadiisa, ujeedadiisa iyo tusaalihiisa?

 


Finance ama sida luqada soomaliga lagu dhaho Maaliyaddu : waa hawlbowlaha dhaq-dhaqaaqa ee dhaqaalaha ganacsiyada, isaga oo u adeegaya sida shidaalka  dhaqaajiya ganacsiyada , shirkadaha, shakhsiyaadka iyo dawladabba.Hadaba

Maqaalkeenu waxa aan kaga hadli doona oo uu ku-saabsan yahay :

  ü Waa maxay qeexitankiisa Maaliyadda?

  ü Waa maxay muhiimada Maaliyadda?

  ü Waa maxay  ujeedadeeda  Maaliyadda?

  ü Waa maxay tusaalaha Maaliyadda?

Waa maxay Qeexitanka Maaliyadda?

Maaliyadda waxaa loola jeedaa maareynta/ kormeerida/ilaalinta lacagaha iyo hantida  oo uu ganacsigu leeyahay, oo ay ku jiraan amaahda, maalgashiga , miisaaniyada. Waxa ayna ka kooban tahay hawlo kala duwan sida bangiyada, maalagshiga iyo maareynta hantida si loo gaaro yoolalka ama ujeedooyinkooda maaliyeed. Maaliyaddu waxa ay sidoo kae lug ku leedahay daraasadda suuqyada maaliyeed, hay’adaha, qalabka iyo sidoo kale falaqaynta xogta maaliyeed iyo go’aan qaadashada la xidhiidha lacagta iyo raasmaalka.


 Laga soo bilaabo miisaaniyad-samaynta iyo maalgalinta ilaa khataraha, maareynta khataraha iyo qoondaynta raasamaalka, maaliyadu waxa ay maareysaa dhinac kasta oo nolosheena ah, iyada oo qaabanaysa ama na baraysa habka kheyraadka loo maamulo.

Maaliyaddu waa erey si ballaadhan u qeexaya daraasadda iyo nidaamka lacagta, maalgashiga, iyo agabka maaliyadeed ee kale. Maaliyadda waxa loo qaybin karaa saddex qaybood oo kala duwan: maaliyadda guud, maaliyadda shirkadaha, iyo maaliyadda gaarka ah.

Qayb-hoosaadyadii dhowaa ee maaliyadda waxaa ka mid ah maaliyadda bulshada iyo maaliyadda dabeecadda. Taariikhda dhaq-dhaqaaqa maaliyadda iyo maaliyadda waxay soo taxnayd ilaa waagii ilbaxnimada. In kasta oo ay xidid ku leedahay qaybaha sayniska, sida tirakoobka, dhaqaalaha, iyo xisaabta, maaliyadda waxa kale oo ku jira waxyaabo aan saynis ahayn oo la mid ah farshaxanka.

Waa maxay muhiimadeeda Maaliyadda ?

Maaliyaddu waxa ay dawr muhiim ah ka ciyaartaa  labada dhinac ee shakhsi iyo ganacsi ahaaneedka ah, muhiimadeedana lama yaraynsankaro.

Waana kuwan qaar ka mid ah sababaha muhiimka ah oo cadeenaya muhiimadda ay maaliyaddu leedahay :

     1.   Qoondaynta kheyraadka: maaliyaddu waxa ay ka caawisaa in si hufan loo qoondeeyo agabka. Waxa ayna gacan ka geysataa go’aaminta habka lacagaha loogu qaybin doono arimaha shirkadda,  sida Mashruucyada, ama maalgashi kala duwan. Waxa ayna hubisaa in lacagta loo isticmaalo si kro loogu qaado qiimaha iyo yaraynta khataraha.

     2.   Go’aan qaadashada: macluumaadka maaliyeed iyo falaqaynta ayaa laga maarmaan u ah samaynta go’aamo xog ogaal ah, taasna waxaa ka gacan ka geysta maaliyadda. marka la falaqeeyo xisaabaadka, miisaaniyada, iyo odoroska shakhsiyaadka iyo ururada, waxa ayna qiimayn karaan suurtagalinimada, faa’idada iyo khataraha la xidhiidha doorashooyinka kala duwan.

     3.   Kobaca ganacsiga: helitaanka iyo maamulida maaliyadda ayaa muhiim u ah kobaca iyo balladhitaanka gancsiga, haddii ay tahay ilaha gudaha{ dakhliga la hayo}, ama ilo dibadeed{deymo, maalgashi}, maaliyaddu waxa ay awood u siinaysaa ganacsiyada inay maalgashdaan cilmi-baarista iyo horumarinta, suuq-geynta, kaabayaasha iyo dalaalakasta oo kobcinkarta dhaqaalaha ganacsiga.

     4.   Maareynta khataraha: maaliyaddu waxa ay ka caawisaa ganacsiyada inay maareeyaan khatarha iyadoo siinayso aqabka iyo allaabta loo xandaabayo iyo caymisyada hubin la’aanta. Maareynta maaliyadu waxa ay u dhaqantaa sida kaladuwanaanshaha, caymiska,iyo xeeladaha xandaabyada, waxa ayna ka ilaaliyaan shakhsiyaadka iyo ururada khasaaraha maaliyeed ee imaan kara.

      5.   Raasamaal dhalinta: maaliyaddu waxa ay sahashaa dahlinta raasamaalka loogu baahnayahay in la bilaabo mashruuc ama ganacsi cusub. Waxa ayna awood siinaysaa ganacsiyada inay lacag  uruuriyaan iyagoo isticmaalaya habka maalgelin sinaanta ama maalgalin deynta. Raasamaal faleebo ah oo ku filan ayaa muhiim u ah jiritaanka ganacsiga.

      6.   Degnaansho dhaqaale: nidaam maaliyeed oo hufan ayaa gacan ka geysta xassiloonida guud ee dhaqaalaha. Nidaaminta wax ku-oolka ah, kormeerida , maareynta hay’adaha maaliyeed waxa ay gacan ka geysataan ilaalinta xasillonida maaliyeed,  iyo hubinta qoondaynta wax ku-oolka ah ee raasamaalka.

      7.   Maareynta maaliyadda shakhsiyeed: maaliyaddu waxa ay lama huraan u tahay shakhsiyaadka ina y si lama huraan ah u maareeyaan maaliyadooda shkhsi. Waxa ayna lug ku leedahay miisaaniyad-samaynta, kaydinta, maalgashiga, iyo qorshyanta yoolalka maaliyeed ee muddada dheer.

       8.   Suuqyada caalmaiga ah iyo maalgalinta: maaliyaddu waxa ay dawr muhiim ah ka ciyaarta suuqyada caalamiga ah iyo hawlaha maalgashi. Waxa ayna u sahalaysaa wadamada, shirkadaha caalamiga ah inay sameeyaan wax kala iibsi xuduudaha ah, maaulaan khatarha sarifka lacagaha qallaad iyo kala-duwaanshaha faylasha.

Maaliyaddu waxa ay muhiim u atahy qoondaynta kheryaadka go’aan qaadashada, kobaca dhaqaale maareynta khataraha, abuurista raasamaalka, maareynta maaliyeed ee shaqada iyo ganacsiyada caalamga ah. waxa ayna siisaa asaaska u shaqaynta hufan ee qofka iyo qaybaha gancasiga labadaba, taas oo gacan ka geysata barwaaqada guud ee ganacsiga.

Waa maxay ujeedada maaliyadda

Doorarka ama ujeedada maaliyeed waa ay kala duwanyihiin, waxa ay ka koobanyihiin hawlo kala duwan ee ganacsiyo ah. waaxda maaliyadda ayaa mas’uul ka ah qoorshynta maaliyeed, warbixinta maaliyeed, falaqaynta fursadaha maalgashiga, maareynta socodka lacagta, iyo maareynta khatarha maaliyeed.

Ujeedada maaliyadu waa in la mreeyo oo la wanaajiyo qoondaynta ilaha dhaqaale si loo gaaro yoolka iyo yoolalka gaarka ah. Waxaana kamid ah inay ka taxadarto Qalalaasaha maaliyeed ee shirkadda/ururka

 waxaana ka mid ah dawr ay maaliyaddu leedahay oo aan soo qaadandoono seddexdaan tusaale ee soo socda:

                    I.  Fududaynta maalgashiga: maaliyaddu waxa ay siisaa dhaqaalaha lag maarmaanka u ah shakhsiyaadka, ganacsatada, iyo dawladaha si u maalgashadaan mashaariicda, hantida iyo hawl-qabyada kuwaas oo soo celin kara waxna ka geysan kara kobaca dhaqaale.

           II.   Qorshaynta maaliyadda: maaliyaddu waxa ay awood u siinaysaa shakhsiyaadka in ay qorsheeyaan baahidooda maaliyeed ee mustaqbalka, s iyo xaaladaha degdeg ah taas oo u baahan in loo smaeeyo miisaaniyad aa kaydin ama maalgalin si loo xalliyo xaaladahaas.

           III.  Taaageerida go’aan qaadashada: maaliyaddu waxa ay bixisaa aqabka iyo falaqaynta si loo sameeyo go’aamo maaliyeed oo xog-ogaal ah, waxa ayna sidoo kale qiimaysaa fursadaha maalagashi, maareynta deynta iyo hagaajinta qaab-dhismeedka raasmaalka.

Ujeedada maaliyaddu waa in la hubiyo in si hufan oo  wax ku ool ah loo maareeyo ialaha dhaqaalaha si loo taageero kobaca dhaqaalaha, loo maareeyo khataraha, loona gaaro yoolalka maaliyeed ee mustaqabalka dhow iyo kan fog ba.

 

Waa maxay tusaalayaasha maaliyadda?

Waxaa jira  dhawr tusaale oo maaliyadeed oo ka kooban  meelo kala duwan iyo dhinacyada goobta. Waana kuwan qaar kamid ah tusaalooyinka caanka ah ee maaliyadda:

  t Personal finance{ maliyadda shakhsiyeed} : tani waxa ay tilmaamaysaa maareynta oo uu qofku maareenayo dhaqaalihisa, oo ay ku jiraan xisaabinta, kaydinta, maalgashiga,IWM. Waxaana kamid ah shaqadeeda samanyta miisaniyad iyo sanduuq loo istcimaalo xaaldaha deg-degga ah iyo qorshaynta hawlqabka ah.

  t  Corporate finance{ maaliyadda shirkadda} :  waxa ayna lug ku leedahay hawlaha maaliyeed ee shirkadda dhexdheeda, sida maareynta raasamaalka, falaqaynta fursadaha maalagashi, yaraynta khataraha, IWM. Waxa ayna sidoo kale ka qayb qaadataa go’aamo maaliyeed oo istaratijiyad leh si kor loogu qaado qiimaha saamilayda shirkadda.

 

  t Investment Banking{bankiyada maalgashiga}: qaybtani waxa ay lug ku leedahay ka caawinta shirkadda iyo dawladaba kor u qaadida raasmaalka iyaga oo la marayo hab oo ay kamid yihiin hubinta qoraalka, soo saarista curaarta, iyo bixnta adeegyada la tallinta, iwm. Iyo sidoo kale waxa ay ka qaybqaataa maalgelinta deynta iyo cilmi baarisat sinaanta iyo dib-u- qaabaynta maaliyadeed.

 

  t Insurance{caymiska}: caymisku waa tusaalaha maaliyadda waxa ayna ku lug leedahay ilaalinta khataraha maaliyadeed, iyada oo la marayo siyaasado daboolaya waxyaalaha lama filaanka ah sida nolosha, caafimaadka, hantida iyo mas’uuliyadda, iwm.

 

  t Financial market{suuqyada maaliyeed}: suuqyadu waa qoobta ay labada dhinac ee kal-ganacsigu {iibsade iyo laga iibsade} ay ku kala ganacsadaan aqabka maaliyadeed sida keydka, curaarta, badeecadaha, lacagaha, iwm. Waxaa uuna midwalba la xiriira maaliyadda iyada ay shirkadu isticmaalayso si ay  u maareyso suuqa.

 

 

  t Public finance{ maaliyadda guud} : maaliyadda guud waxa ay lug ku leedahay maareynta iyo falaqaynta arimaha maaliyadeed ee dawladda iyo hay’adaha dawladda, waxaana ka mid ah tusaalaheeda: qiimeynta caashuuraha, maareynta deynta dadweynaha, xisaabinta khasaaraha dawladda, iyo hirgalinta siyaasado maaliyadeed.

Kuwani waa qaar ka mid ah tusaalooyinka kala duwan ee maaliyadda, waxa ayn si joogta ah u kobcaan oo la qabsadaan xaaladaha suuqa ku cusub iyo isbeddelada warshadaha.

 

Gunaanad

Maaliyaddu waa qoob ballaadan oo ka kooban fikrado iyo dhaqamo kala duwan oo la xidhiidha maaraynta lacagta, maalgashiga, iyo ilaha dhaqaalaha. Maaliyaddu waxa ay dawr ka ciyaarta door muhiim ah labada shakhsi iyo ganacsi ahaanba, heer shakhsi maaliyaddu waxa ay ka kooban tahay maareynta dakhliga, miisaniyad samaynta, maalgelinta iyo samaynta go’aamo maaliyeed. Dhinac gaancsigana waxa ay u adeegta si laf dhabarta hawlaha iyo kobaca ururada.

Maaliyaddu waxa ay lug ku leedahay oo la xidhiidhaa arrimaha dhaqaalaha iyo guud ahaan xaaladaha suuqa. Waxa ayna samaysaa kobaca dhaqaalaha, heerka dulsaarka, sicir-bararka, iyo wax-qabadka suuqa maaliyadeed.

Gegebadii maaliyaddu waa nidaam dhinacyo badan leh oo daboolaya mawduucyo iyo codsiyo badan oo kala duwan. Fahamka maaliyadda ayaa laga maarmaan u ah in si wax ku ool ah loo maareeyo maaliyadda gaarka iyo tan ganacsiga, iyo in lagu guulaysto dhaqaalaha heerka shaqsi iyo mid urur ba.

........................................................MAHADSANID

 


Comments

Anonymous said…
fiican

Popular posts from this blog

Muhiimada ay Suuq-Geyntu U leedahay ganacsiyada?

  Marka laga hadlo ama lasoo qaado  shirkad ganacsiyeed oo kor u kacday ama hoos u dhacday, waxaan is-weydiinaa 1 shey oo sababi kara hoos ama kor ukaca oo ah badeecada oo ah : Q1.  Shirkaddu Suuq-Geyn fiican maleh miyaa ? Hadaba:   ü Waa maxay Suuq-Geyntu?   ü  waa maxay muhiimada ay suuq-geyntu ganacsiga u leeyahay.     ü sidee  uga qayb-qaadataa kor/ hoos u kicida ganacsiyada ?     Qeexitaanka Suuqgeynta. Suuq-geyn waxaa lagu qeexi karaa habka aqoonsiga, odoroska, iyo qancinta baahiyaha macaamiisha iyo rabitaanka iyada oo loo marayo abuurista, isgaarsiinta, iyo bixinta qiimaha. Waxay ku lug leedahay hawlo dhammaystiran, sida cilmi-baarista suuqa, horumarinta alaabta, qiimaha, qaybinta, horumarinta, iyo maamulka xiriirka macaamiisha. Xeeladaha suuqgeyntu waxaa loo qorsheeyay in-ay saameeyaan hab-dhaqanka macaamilka, abuuraan wacyi-gelin sumcadda, iyo ugu dambayntii ay kiciyaan iibka iyo faa'iidada. Suuqgeyntu waxa ay ka mid t...

Waa maxay principle of management{xeerka maamulka}?

  introduction {hordhac}  Haddii uu hamigaagu yahay inaad shirkad ama urur maamulid oo aan gararin sida wax loo maamulo markaas topickan wuxuu kaa caawindoonaa ama fikir guud kaa siin doona sida wax loo maamulo. Principle of management Waa xeerka maamulida shaqooyinka   aasaasika ah taas oo ah   inaad qorshayso, maamusho, xakamayso, hagto iyo shaqaalayso dadka aad maamulo u tahay. Suaalooyin badan baa kuusoo dhacaya markaad akhhrinayso xeerka maamulida waxaan, iswaydiindoontaa waa maxay xeerka koowaad{ 1 } ee maamulka jawaabtuna waa : Delegation {ergo ama wafdi}. Ergadu{ delegation }: waa inaad qof mas’uuliyad siiso ama inuu meel maamulo adigoo siinaya fasaxa inuu maamuliko meesha ama   siinaya awooda uu ku xambaari lahaa mas’uuliyadaas, waana habka qaybinta shaqada si ay firfircawnidu u badato, shirkadaaduna si fiican u shaqayso, adiguna hogaamiye lagu dayno ama tusaale{ role model} noqoto. xeerarka ee principle of management Ninka loo yaqaano HENRI...

Side loo maareeyaa khataraha Maaliyeed ee Ganacsiga?

Bilaabida ganacsigu waxay noqon kartaa dadaal dhaqaale ahaan mid khataro badan ku keeni kara. Si kastaba ha ahaatee, haddii si taxadar leh loo qorsheeyo oo fuliyo, waxaad yareyn kartaa ama xitaa ka hortagi kartaa  khatarahaas.   Inta kadib,   inta aad maqaalkeena kuguda jirto waxaad ku barandoontaa :       -   Qeexitaanka  khataraha maaliyeed?         -    Waa maxay maareynta khataraha maaliyeed?         -    Sidee loo ogaadaa khataraha maaliyeed?         -    Hababka oo aad ku maareyn-karto khataraha maaliyeed?         -    Iyo 5 tallabo la qaado kahor inta aadan ganacsi bilaabin?   Qeexitaanka    khataraha maaliyeed? khataraha maaliyeed waa xaalad uu nidaamka maaliyadeed ee dal ama deegaan uu la kulmo khalkhal ba’an oo lama filaan ah oo ku yimaada hab-socodka caadiga ah ee suuqyada iyo ...