Skip to main content

Sidee maareynta financial planning ka qayb-qaadataa horumarka ganacsiga ?

 


Haddii aad rabto inaad maamusho  maaliyadaada mid  shakhsi ama ganacsi ahaaneed ba, waa inaad fahamtaa xogta aan hadda kuu sheegayo.

Sababta oo ah waxa ay kaa caawinaysaa inaad maareyso maaliyadaada habka ugu fiican, una tayo-wanaagsan iyo ugu macquulsan.

Xogta aan ku siindoono maaha xog iska hadal ah laakin, waa xog ay shirkadu sida [apple,micro-soft, amazon] ay isticmaalaan si ay ganacsigooda u mareeyaan.

Ka hor inta aan ka hadlin maareynta financial planning, marka kowaad waa inaan is waydiina 2 su’aalood, oo gaashaan u ah fahmida xogta aan kuu sheegi doono.

 Waana sidatan:

 

Q1: Waa maxay financial planning?

financial planning:waa habka dejinta iyo xaqiijinta yoolalka maaliyadeed, ee shirkadaha ama ururada iyada oo la marayo maaraynta saxda ah ee hantida.

Financial planning Waaa habka hagitaan qorshahaaga maaliyadeed si aad ugu diyaar-garowdo inaad ka soo baxdo waajibaadkaaga iyo ujeedooyinkaaga ganacsi/ shakhsi ahaneed mustaqbalka soo socda. Taas oo   kaa caawinaysa  inaad la socoto horumarkaaga dhaqaale  sannadaha oo dhan .

Sidoo kale financial plannigku waa dukumeenti faahfaahinaya duruufahaaga maaliyadeed ee adiga iyo ganacisgaaga, iyo sidoo kale yoolalka lacageed ee muddada-gaaban iyo kuwa fog. Waxaa ka mid ah dokumentikaas xeeladaha lagu gaaro yoolalkaas si kor loogu qaado firfricoonida gancasigaaga una soo sarto dakhli badan $$$.

Financial planning ku  waa habka aad lacagtaada u maamusho, hab ka wanaagsan ahna majiro Waxay ka caawinysaa dejinta  maaliyadda, samaynta misaaniyada, maaraynta deynta, kaydinta xaaladaha degdegga ah, iyo maalgashiga si caqli gal ah.


 

Hadaba, markaa aad fahamtay macnaha financial planning oo aad nuxur gooban ka heshay, waxaa diyaar u tahay  weydiiyo su’aasha labaad oo ah:

Q2: Waa maxay muhiimada financial planning?

Qorshaynta maaliyadeed waxa muhiimad weyn u-leedahay gaancsigaaga, sababtuna waxaan kugu sheegi doonaa qodobadan hoos ku qoran oo ah:

             i.  inaad gacanta ku dhigto lacagtaada: Qorshaynta maaliyaddu waxa ay ku sahlaysaa ama kuu fududaynaysaa inaad maareyso, ilaaliso, keydsato lacagtaada. Kaana ilaalinaysa inaad ku lumiso meelo aan faa’ido/dakhli ka helin. waxay kaa caawin kartaa inaad gacanta ku dhigto lacagtaada siyaabo badan. Oo ay ka mid tahay, adiga oo abuuraya miisaaniyad,  la socodka kharashkaaga,  dhisida sanduuqa xaaladaha degdegga ah iyo inaad haysato caymis ku filan, Si naftaada uga ilaaliso  dib u dhac dhaqaale.

 

             ii.  samayso go'aamo xog ogaal ah:

              Qorshaynta maaliyaddu waxay ka caawisaa shakhsiyaadka iyo ganacsiyada inay gaaraan go'aamo xog ogaal ah oo macquul ah, taas oo khusasya lacagtaada iyo dhaqaalahaaga. Iyada oo samaynaysa qorshe maaliyadeed, waxa ay u qiimayn kartaa khariidad aad ku gaadhayso yoolalkaaga.. Tani waxay kaa caawin kartaa inaad ka fogaato go'aamo maaliyadeed oo degdeg ah ama aan caqli-gal ahayn oo u horseedi kara dhibaato dhaqaale ama fursado lumis.

 

             iii.  sare ugu qaaddo ilahaaga dhaqaale: Qorshaynta maaliyadeed waxa ay muhim u tahay sare-u-qaadida ilahaaga dhaqaale ee ganacsiga, sababtuna waxa ay  ku siinaysaa sawir cad oo ku saabsan dhaqaalahaaga. Iyada oo ku siinaysa xog ku saabsan meelaha aad kharashaadka ka yarayn-karto,ka  kordhin karto kaydkaaga, iyo meelaha aad  maalgashan karto si aad u kobciso- dhaqaalahaaga. Waxayna sidoo kale  kaa caawinayaa inaad qorshaahaga saxda ah ku sii socoto, oo aad iska ilaaliso khadadka xad-dhaafka ah, deynta, iyo khasaaro maaliyadeed.

 

             iv.  Inaad hesho Badbaadada Maaliyadda: Qorshaynta maaliyaddu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa samaynta badbaado maaliyadeed. Taas oo ah inaad samaysato sanduuqyo lagu talagelay xaaladaha degdegga ah, iyo hirgelinta xeeladaha maaraynta khatarta la socda xaaladaas  sida lacagta caymiska , deynta ay ku leeyihiin shakhsiyaad iyo ganacsiyo. Waxa ayna noqon-kartaa wax aad naftaada iyo ganacsigaaga kaga ilaalin karto dib u dhac dhaqaale ee lama filaan ah. Tani waxay ku siinaysaa xasilloonida maskaxda iyo xasilloonida waqtiyada adag.

 

               v.  Dhalinta  Maal iyo Ilaalinteeda:

Qorshaynta Maaliyadeed waxa ay caawisaa in aad dhalinkartid oo aad ilaalin kartid hantidaada, iyada oo wanaajinaysa dakhlikaaga, maaraynayso kharashkaaga, iyo samaynayso go'aamo maalgashi oo istiraatiiji ah. Waxay awood ku siinaysaa in aad kobcisid hantidaada waqti ka dib, . Iyadoo la tixgelinayo arrimo ay ka mid yihiin dulqaadka khatarta, wakhtiga fog, iyo xaaladaha suuqa , taas oo kuu sahlaysa inaad ilaasahato  maalkaaga jiilasha mustaqbalkaaga.

 

Hadaba, marka aan isla fahamnay sababta 2 su’aalood ay asaas u yihiin mareynta finacial planning, waxaa hadda diyaar u tahay inaad ku siiyo xogta ay shirkadaha aduunka ugu waaweyn sida{apple, amazon, microsoft} ay isticmalaan si ganacsigooda u mareeyaan.

Fg: waxaa muhiim ah inaad  si taxadar leh u akhriso xogta, adiga oo aan ka boodin qaybo ka mid ah si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

 

Sidee ayay financial planning gacan uga geysataa horumarinta ganacsiyada?

Qorshaynta maaliyaddu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa horumarinta ganacsiga maadaama ay ka caawiso ganacsiyada inay gaadhaan yoolalkooda maaliyadeed iyo ujeedooyinkooda. Iyada oo u  abuuraysa qorshayaal maaliyadeed, ganacsiyadu waxay saadaalin karaan oo la socon karaan lacagta caddaanka ah, dakhligiida, iyo kharashyadooda.

waxayna sidoo kale qoondeyaan ilaha ganacsi ee shirkadaha si waafaqsan xeerarka ganacsiyada, Tani waxay awood u siinaysaa shirakadahu inay si wax ku ool ah u maareeyaan dhaqaalahooda, iyo inay qaataan go'aano xog ogaal ah oo ku saabsan ganacsigooda.



Qorshaynta maaliyadeed waxay ka caawisaa horumarinta guusha ganacsiga siyaabo dhowr ah sida:

 

1. Abuurida fursado ganacsi: Qorshaynta Maaliyadeed waxay siisaa ganacsiyada qaab-dhismeed suuq-geyn ah ee xog-ogaalnimo iyo go'aanno istiraatijiyadeed ku tiirsan. Waxayna sidoo kale  ku lug leedahay falanqaynta xogta maaliyadeed, samaynta saadaalinta, iyo qiimaynta xaalado ganacsi aan la falin si dakhli ama fursad loo abuuro. Iyagoo si cad u fahmaya xaaladooda maaliyadeed iyo odoroska mustaqbalka, ganacsiyadu waxay gaadhi fursado shaqo oo wanagsan oo sare u-kicinaysa maalgashiga, qiimaha, maaraynaysa kharashkaag, iyo qoondaynta khayraadka.

 

2. Maareynta Khayraadka Waxtarka leh: Qorshayn maaliyadeed oo waxtar leh waxa ay  ka caawisa ganacsiyada inay wanaajiyaan qoondaynta agabkooda. Iyadoo oo rac-raacaysa miisaaniyada, maaraynaysa la socodka lacagta caddaanka ah, iyo la socodka kharashyada. Taas oo la waafaqsan ilaha dhaqaalaha iyo mudnaanta ganacsiga, qorsheynta maaliyadeed waxay hubisaa in lacagaha si hufan looga faa'iidaysto, yaraynta qashinka iyo kordhinta soo celinta.

 

3. Yaraynta Khatarta: Qorshaynta maaliyadeed waxa ay caawisaa garashada iyo yaraynta khataraha saamayn kara guusha ganacsiga. Waxay sidoo kale ku lug leedahay qiimaynta dayactirka maaliyadeed, iyo samaynta qorshayaasha lama filaanka ah, iyo sidoo kale fulinta xeeladaha maaraynta khatarta. Ganacsigu waxa uu yarayn karaa khatarahooda, oo waxa uu ilaalin karaa xasiloonida maaliyadeed isaga oo si firfircoon wax uga qabta khataraha iman kara, sida isbedbeddelka suuqa, tartanka, ama isbeddelada sharciyeed, ganacsiyadu waxa ay yareeyaan saamayntooda oo ay ilaaliyaan xasiloonida maaliyadeed.

 

4. Kordhinta Faa'iidada: Qorshaynta maaliyadeed waxay ujeedadeedu tahay in ay horumariyaan ama badiyaan faa'iidada ganacsi, iyada oo  aqoonsanaysa fursadaha kobacin kara dakhlikaaga iyo xeeladaha sababa sare u kaca kharashkaaga. Waxay ku lug leedahay falanqaynta qaab-dhismeedka qiimaha, xad-dhaafka faa'iidada, iyo kharashyada hawlgalka. Iyadoo la aqoonsanayo meelaha dakhliga lagu kobcinayo iyo dhimista kharashka, ganacsiyadu waxay kordhin karaan faa'iidadooda iyo waxqabadkooda maaliyadeed.

 

5. Xasilooni Maaliyadeed oo La Wanaajiyey: Qorshaynta Maaliyadeed waxay kor u qaadaa xasilloonida maaliyadeed iyadoo la samaynayo aasaas maaliyadeed oo adag. Waxay ku lug leedahay abuurista lacag degdeg ah, maaraynta deynta, iyo hubinta kayd lacageed oo ku filan. Iyadoo la ilaalinayo xasilloonida maaliyadeed, ganacsiyadu waxay u adkeysan karaan isbeddellada dhaqaalaha, kharashyada lama filaanka ah, ama xaaladaha suuqa oo adag, awood u siinaya korriin waara iyo guul mustaqbalka fog ah.

 

Tusaalayaal Run ah ee financial planning-ka ku saabsan.

Hadaba, madaama aan is la fahamnay sababta  ay mareynta financial planning muhiim u atahay, waxaan rabaa inaan ku siiyo tusalayaal dhab ee shirkado caalami ah oo caan xogta ayisticmalaan si ay ganacsigooda u mareyaan. Waana kuwan:

 

1.   Apple: Shirkadda apple waa shirkadda caanka ee soo saarta mobileka iphone. Hadaba, Guusha Apple waxa loo nisbayn karaa qayb ahaan qorshaheeda maaliyadeed ee fican.  apple  diiradda saartaa kala-duwanaanshaha alaabteeda, hal-abuurkeeda, iyo maalgashiyadeeda istiratijika ah. Qorshaha maaliyadeed ee apple waxa uu Saadalaa isbeddelada suuqa iyo dalabaadka macaamiisheeda, markaasna  ay soo bandhigto alaabo soo jiidasho leh sida iPhone, iPad, iyo Apple Watch.

2.   Amazon: Qorshaynta maaliyadeed ee shirkadda Amazon waxa ay door ka qaadatay isu beddelka shirkad weyn oo e-ganacsi caalami ah. Iyada oo  maraytay falanqayn dhaqaale iyo saadaalin taxaddar leh, Amazon waxay samaysay maalgashi istiraatiiji ah dhinacyada saadka, kaabayaasha, iyo tignoolajiyada. Qorshaha maaliyadeed ee amazon waxa uu  siiyey macaamiisheeda badeeco fiican iyo qiimo tartan leh. Waxaa intaa dheer, Amazon waxa ay taageertay balaadhinteeda suuqyo cusub, sida xisaabinta daruuraha ee Amazon Web Services (AWS), taas oo noqotay dakhli-abuure weyn oo shirkadda ah.

3.   Microsoft: Guusha Microsoft waxa loo aanayn karaa qorshaheeda maaliyadeed ee waxtarka leh iyo maamulkeeda. Sanadihii la soo dhaafay, Microsoft waxa ay kala duwanaatay wax-soo-saarkeeda, waxayna si guul leh ugu gudubtay qaab ganacsi oo diiradda saaraya daruuraha. Qorshaheeda maaliyadeed waxa ay door muhiim ah ka ciyaareen qoondaynta agabka dhinaca cilmi-baadhista iyo horumarinta, gaar ahaan meelaha ay ka midka yihiin artificial intelligence { AI} and cloud computing.. Qorshaha maaliyadeed ee Microsoft ayaa u suurtageliyay inay sameeyaan iibsiyo istaraatiiji ah, sida LinkedIn, si ay kor ugu qaadaan faylalka wax soo saarka iyo ballaarinta suuqgeynta suuqa.

 

 

 

GUNAANAD.

Tusaalooyinkan oo dhan, qorshaynta maaliyadeed ayaa qayb muhiim ah ka ahayd guusha shirkadahan. Waxa ay fududaysay qoondaynta kheyraadka wax ku ool ah, taageertay hal-abuurnimada iyo horumarinta wax soo saarka, waxa ay suurtogelisaa balaadhinta suuqyo cusub, waxa ayna sidoo kale bixisaa xasillooni maaliyadeed xilliyadii adag. ................................................. MAHADSANID

FG:  haddii aad wax suaal ah qabto commentka ku qor 👇👇 


Comments

Anonymous said…
hey how about topic talking about marketing?
Anonymous said…
and great topic by the way I give it 8/10
max37 said…
i am following you

Popular posts from this blog

Liability management: Qeexitaankeeda, istaratijiyadeeda, muhiimadeeda iyo ujeedadeeda?

    Deynta   marka loo fiiriyo dhinaca maaliyadda iyo xisaabaadka waa tixraac waajibaadka ama deymaha  oo uu urur ama qof ku leeyahay dhinac kale.  Iyada ay saa  tahay Maarayta daynta waa arrin muhiim  ah taas oo ku leg leh maareynta isatartijiyada ee deynta shirkadda, iyo waajibaadka maaliyeed ee kale. Hadaba  :       -         Waa maxay maaraynta Deynta?       -         Waa maxay isratjiyada la istcimaasho si deynta loo maareeyo ?       -         Waa maxay muhiimada ay ganacsiga u leedahay?       -         Waa maxay ujeedada ama hadafka loo maareeyo Deynta ? Waa maxay Maaraynta Deynta? Maaraynta deyntu waa istaratijiyad maareyn maaliyeed oo diirada saarta in si wax ku ool ah loo maareeyo deynta shirkadda iyo waajibaadka kale ee maaliyeed. Waxa ay ku lug leedahay qaabaynta taxaddarka leh iyo la socodka deymaha si loo yareeyo khataraha la xiriira. Korna loo qaado la socodka lacagta caddanka, loona hagaajiyo guud ahaan xasillonida maaliyeed. Maaraynta daynta waa hab lagu maare

Finance: Waa maxay Qeexitaankiisa, Muhiimadiisa, ujeedadiisa iyo tusaalihiisa?

  Finance ama sida luqada soomaliga lagu dhaho Maaliyaddu : waa hawlbowlaha dhaq-dhaqaaqa ee dhaqaalaha ganacsiyada, isaga oo u adeegaya sida shidaalka  dhaqaajiya ganacsiyada , shirkadaha, shakhsiyaadka iyo dawladabba.Hadaba Maqaalkeenu waxa aan kaga hadli doona oo uu ku-saabsan yahay :   ü Waa maxay qeexitankiisa Maaliyadda?   ü Waa maxay muhiimada Maaliyadda?   ü Waa maxay  ujeedadeeda  Maaliyadda?   ü Waa maxay tusaalaha Maaliyadda? Waa maxay Qeexitanka Maaliyadda? Maaliyadda waxaa loola jeedaa maareynta/ kormeerida/ilaalinta lacagaha iyo hantida  oo uu ganacsigu leeyahay, oo ay ku jiraan amaahda, maalgashiga , miisaaniyada. Waxa ayna ka kooban tahay hawlo kala duwan sida bangiyada, maalagshiga iyo maareynta hantida si loo gaaro yoolalka ama ujeedooyinkooda maaliyeed. Maaliyaddu waxa ay sidoo kae lug ku leedahay daraasadda suuqyada maaliyeed, hay’adaha, qalabka iyo sidoo kale falaqaynta xogta maaliyeed iyo go’aan qaadashada la xidhiidha lacagta iyo raasmaalka.

Waa maxay assets ? Qeexitaankiisa, Qaybihiisa , Muhiimadiisa iyo Tusaalayaashiisa.

   Hordhac Maalqabeedanu waxa ay iibsadaan hantida{usuusha}, faqiirku  kharash kaliya ayuu haysta, dadka dabaqada dhexana waxa ay iibasadaan dayn iyagoo hanti  u maleenaya.   {Robert kiyosaki}. Dad badan marka ay ereyga hanti{asset} maqlaan waxaa isla markiiba maskaxdooda ku soo dhacda hantida ay iyagu leeyihiin ama  ay kharash badan ku bixiyeen helitaankeeda iyo isticmaalkeeda. laakin  hantidu intaa kaliya kuma koobna waxa ay kaa caawin kartaa inaad dhaqaale samayso. waxaa maqaalkan faham guud kaa sii doona asset{hanti}, qaybihiisa iyo tusaaalihiisa. Waa maxay asset? asset: ku  ama sida luqada soomaliga laku dhaho Hanti/ usuul   waa walxo asaas u ah oo lama huraan ah, oo gacan ka geysata kobaca iyo guusha ururada ka jira warshadaha kala duwan. Hadday yihiin kuwo jireed, maaliyeed ama maskaxeed, hantidu waxa ay ka ciyaartaa door muhiim ah soo saarista qiimaha, wadista hal abuurka, iyo hubinta tartanka. Usuushu ama hantidu waa khayraad qiimo dhaqaale   leh shakhsi ,shirkad ama wadan uu