Skip to main content

Waa maxay Liability, qeexitaankeeda, qaybeheeda iyo Tusaalaheeda?

 

Hordhac

Maqaalkeenu waxa uu ka hadli doona liability oo luqada somaliga lagu dhaho {deynta}. waxaana inta aan kuguda jirno maqaalkeena kaga hadli doonaa:

- Waa maxay qeexitaanka liabililty{deynta}.

-  Intee  qeybood ayey ukala baxdaa deyntu.

-  Iyo waa maxay tusaalayaasheeda.


Qeexitaanka liability{deynta}

Deyntu marka loo fiiriyo dhinaca maaliyadda iyo xisaabaadka waa tixraac waajibaadka ama deymaha  oo uu urur ama qof ku leeyahay dhinac kale.

Deyntu waxa ay ka imaan karaan wax kala iibsiga ama dhacdooyin hore. Waxaana la filayaa in dejintooda ama iskabixindoontooda ay ku lug leedahay wareejinta hantida, ama iibinta alaabyada iyo adeegyada. Deyntu waa waxkasta ama sheywalba oo qof ama shirkad lagu leeyahay. badanaa  waaxa ay noqotaa lacag.

Deynta waxaa lagu xaliyaa waqti ka dib iyadoo loo bixinayo qaybo ahaan, iyadoo oo loo marayo ama laga bixinayo faa’diooyinka dhaqaale ee ay shirkadu ka hesho lacagta ay maalagaliso,ama alaabta iyo adeegyada ay iibiso.

Deyntu waa  mas’uuliyad sharci ama qaraaraad maaliyeed oo qofku ama shirkadu khasab ku tahay inay fuliyaan musataqbalka, waxa ayna badanaa ka dhalataa natiijada hashiisyada qandaraaseed, waajibaadka ganacsi, ama xitaa hawlaha ganacsi ee caadiga ah. Asal ahaan deyntu waxa ay ka dhigan tahay sheegashooyin hantida taas oo ay noqon karto labo qaybood  deynta muddada gaaban{short term} iyo deynta muddada fog{long term}

Deytu waxaa lagu barbardhigaa lidkeeda oohantida{asset} ah. waxa ayna isku yihiin cagsi. Deyntu waxaa loola jeeda alaabta ama lacagta lagugu leeyahay ama lagu amaahay, halka hantidu ay tahay lacagta ama  alaabta aad  adiga ama shirkadaadu leedahay.

Fg: deyntu  qeexitaan fudud aan kugu sheegi karo waa in uu qofku ama shirkadu ee alaab ama lacag kasoo qaadato shirkad ama urur kale iyadoo u abalan qaadaysa inay kusoo bixindoonta deyntaas muddada loo jaangooyey.

Qeybaha Deynta {liability}

Shirkadu waxa ay ukala qaybiyaan deymahooda labo qaybood, waxa ayna la xiriiriyaan deymaha ay soo qaadataan labada qaybood iyagoo u eegaya calaamadaha ay la wadaagan, waxa ayna kala yihiin

1. deyn muddo dheer{long term/ non-current laibilities}.

2. deyn muddo gaaban {short term/ current liabilities}.

3. deymaha ku jirka ah {contingent liabilities}.

Deymaha muddada fog waa deymaha wixii 1 sanno ka badan  ku dahood lagu bixin doono, deymaha muddada gaaban waa wixii 1 saano ka yar lagu bixin doono. Kadibna waxaa ka sin doona  fahfaahin intaa ka  badan waa sidatan

1. Deynta muddada gaaban{short term liability}:

Deymaha mudda gaaban waxaa loola jeeda waa deymaha ee ay shirkadu ama ururku soo qaato iyadoo  la rabo in lagu xalliyo ama ku bixiso 1 sanno ama ka-yar ku dahood. Deymahaan waxa ay qayb muhiim ah ka yihiin waajibaadka maaliyeed ee shirkadda, waxaana lagu qoraa dhinaca bidix ee buuga shirkadda. Short term liability waxaa sidoo kale loo yaqaan current liability sababta oo ah {waxa ay ka timaaday hawlo ganacsi oo hore oo leh lacag bixin hadda ah ama lacag bixin muddo ka yar sannad gudaheed ah}.

Dadka faleeqaayasha ah waxa ay hubiyaan inay shirkadu heysato lacag caddan ah oo ku filan inay iskaga bixiso deymaha hadda lagu leeyahay kuwaas oo hal sanno ku eg muddada la bixinayo, deymaha muddada gaaban waxaa kamid ah: 

- KHarashka mushahar bixinta.

- Biilasha tamarta{ korontada, biyaha iyo shidaalka}.

- Xisaabaaadka la bixinayo[ waa supplier lacagta uu nagu leeyihiin].

- Adeegyada billa ah ee shirkadda.

- Caashuurta dakhliga.

- Kharaashaadka soo kordhay.

Fg: fahmida deymaah muddada-gaaban ee shirkadda ayaa muhiim u ah qiiimeynta dhaqdhaqaaqa iyo caafimaadka maaliyeed. Kadib markaas ayey shirkadu  falaqayn ka helaysaa awooda ay leedahay shirkadu inay kasoo baxdo deymaah muddada gaaban oo ay si hufan u maamusho raasamaalka shaqo.

 

2.  deynta muddada dheer{long term liability} :

deynta muddada-dheer Waxaa loola jeedaa waa deymaha maaliyeed ee la filayo in lagu bixiyo muddo ka badan hal sanno. Waxaana dhihi kartaa waa deymo khasab ah in lagu bixiyo qeybo sababta oo ah hal mar lama bixin karo, waxa ay saameenaysaa kharash bixinta ee shirkadda haddi hal mar la bixiyo, sidaas darteed siyaasad dejiyaashu waxa u bixiyaan dufcado iyagoo qiimeenya muddada ay ku qaadanayso inay iska bixiso deyntaas. Lakayaabaa  inay qaaato 1 sanno ilaa 5 sanno wixii la eg.

Long term liability waxaa sidoo kale loo yaqaan non-current liability taas oo u tagan in aan lagu bixin karin denytaan muddo 12 bilood wax ka badan,  waxa ayna  dhalinaysaa inay shirkadu qaaabayso hab ay ku bixin lahayd deyntaas, iyadoo aan saamaynayn raasamaalka shirkadda ama loo baahnayn in hantida shirkadda qaar ka mid ah la iibiyo si deyntaas loo bixiyo.



Deynta mudda dhee waxa ay muhiim u tahay in la ogaado ganacsiyada si  ay u maalgaliyaan hawlahooda , Waxaa kamid ah deynta mudda dheer tusaalayasheeda :

-        Amaahda bangiyeed.

-        Kirada .

-        Curaarta.

-        Caanshuraha dakhliga oo dib loo dhigo.

-        Deymaha mudda dheer.

 

3. deymaha shardi ku jooga ah {contingent liabilities}:

Deymaha joogtada ah waa deymaha imaan kara  mustaqbalka, iyadoo ay ku xiran tahay natiijada dhacdooyinka qaarkood.

note :Dhacdooyin kaas waa dhacdooyin caadi ah oo laga yaabo inay dhacaan ama inaysan dhicin.

Deymaha shardi ku jooga ah waa la diwaangaliyaa oo waa lagu qoraa buuga shirkadda sababta oo ah waxa ay mathalaan deymo maaliyeed oo surtagal ah inay dhacdo oo ay saameyn karaan shaqada maaliyeed ee shirkadda, laakin waa koorma ayey dhacaysaa saameyntaas ? jwb : Waa marka ay noqdaan deymo run ah.

Qabta saddexaad ee deymaha  mid saa U caan  u ah , dadka maaliyada falaqeeyana si aad uma isticmaalaan sababta oo ah, waa deymaha shardi ku jooga ah waxaana laka wadaa waxa ay u baahantahay shuruudu inay dhacaan si loo helo. Laakin taa lakama waddo in faraha laga qaado, maya caksigeeda weeye waa laga sii taxadaraa, waa la isku diyaariyaa marka ay imaan doonto, haddi ay dhacdo diyaar baa utahay waxaana ogtahay saamaynta ay kugu smaynsayso, haddi aysan dhicinna kawasii fiican ba mushkilad  aan dhicin baad ka hortagtay dhici taan keeda.

Deynta shardi ku joog ah waxa ay kamid tusaalooyin keeda oo la dhihi karo tani waa deyn shardi ku jooga ah waxaana kamid ah :

-        Dacwadaha suur-tagalka ah: marka ay shirkadu gasho muran sharci, waxaa jiri kara khasaaroyin maaliyeed haddii dacwada laga guulaysto, shirkaddana waxaana lagu khasbi karaa inay bixiso magdhaw, taas oo cadaadis saaraysa maaliyada shirkadda ilaa inta xukunta kama dambayskiisa lagaarayo.

-        Dammaanad qaadka: haddii ay shirkadu bixiso damaanad deymo, ijaar ama waajibaad maaliyeed dhinaca kale, waxaaa khasab ku noqonaysaa mid-ku-meel gaar ah oo mas’uul ka ah bixinta deymahaas haddi uu dhinaca kale ku guul-daraysto.

-        Ballan qaadyada hoos-u-dhigga:  marka laga hadlayo kuwa wax-u-qora ah ee bixinta damaanada, waxaa laga yaaba inay leeyihiin deymo joogta ah ilaa bixinta deyta si buuxda loo diwaan galiyo.

-        Daamanad qaadka badeecada: waa daamand ay shirkadu ku bixiso badeecadeeda, waxa ayna ku kicinaysaa mas’uuliyad maadaama laga yaabo inay bixiso dayactir, badelaad, ama lacag celin haddi ay badeecadu xumaato ama ciilad ku timaado.

-        Nadiifinta deegaanka: haddii shirkadu leedahay warshada soo-saarto badeecad deegaanka khatar u geenaysa , waxaa laga yaaba inay lahaato deymo joogta ah oo la xiriira kharashyada nadaafad deegaanka. TUSAALE shirkadaha shidaalka soo saara.

Fg: waxaa muhiim ah inaan ogaano iyo diwaangalino deymaha lama filaanka ah, kana soo saarno deymaha dhabta ah waxaana lagu qoray buuga shirkadda si ay daneenayaasha ama maalgashiyaasha shirkadda daaha- u- furaan xog ku saabsan khatarah ka imaan karta shrikadda deynta shardi ku joog ah.

 

Tusaalayaasha Deynta

Deyntu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah xisaabinta maaliyeed ee shirkadda taas oo ka dhigan inay maamusho deymaha shirkadda. Deynta waxaa lagu qoraa dhinac bidix ee buuga waaxaana lala ak qoraa hantida{asset}, hadhowdiina kala jarga hantida iyo raasamaalka ayaa  deynta saafiga ah  soo saara.


Deynta  =  asset{hanti} - capital{rasamal}

Deymahaan waxa ay ka imaadeen tacaamulo ama dhacdooyin hore waxa ayna ubaahanyihiin allabaryo mustaqbalka  ilaha dhaqaalaha.

Deyntu waxa ay leedahay tusaalayaal badan, waxaana kasoo qaadan doona 7 tusaale ugu caansan ay deyntu leedahay, waana sidatan.

1. Xisaabaadka la bixin karo{account payable} :

Waxaana laka wadaa waa xadka uu supplier ku leeyahay shirkadda alaabah ama adeegyada ay ka hesho laakin aan weli la bixin.

2.  Amaahda iyo kirada :  waxa ayna noqon kartaa lcagaha ay bangiyadu, hay’adaha maaliyeed ay amaah ahaan ku siiyaan. Waxa ayna noqon kartaa mid muddo dheer sida: kirada guriga ama mid muddo gaaban sida: khadadka deynta.

3. KHarashayda soo kordha: waa kharashyada ay shirkadu gashay laakin aan weli la bixin sida caashuuraha, mushaharka iwm.

4. Curaarta la bixin karo: shirkaduhu waxa ay soo saari karaan curaarta si ay usoo uruurriyaan raasamaalka. Curaarta la bixinkaro waxaa loo qaadanayaa deyn muddo dheer lagu bixinkaro.

5. Dakhliga dib loo dhigay.

6. Caashuurta dakhliga.

7. Xidhiidhka macaamiisha.

 

Fg: waxaa muhiim ah inaad xasuusanaato in bangiyada ama hay’adaha maaliyeed aad deynta ka qaadansyo inay ku saaranayaan dulsaar damaanad ah haddii aad ka dhib dhacdo muddada bixinta lagu tala galay, adigoo soo raacsiinaya qaddarkii asaasiga ahaaee deynta.

 

Conclusion{gunaanad}.

Deyntu waa waajibaad maaliyeed ay shirkadu gasho si ay iska fujiso nuqsaanta raasmaalka saaran, waxa ayna kasoo qaadataa shirkad, qof, ama urur. Iyo sidoo kale waxa ay deymuhu ka dhasaan waxkala iibsiyo hore.

Waxaana loo kala saaraa deymaha deymo muddo gaaban lagu bixin karo iyo deymo muddo dheer lagu bixin karo, waxaan sidoo kale jira qayb saddexaad oo aan sidaa caan u ahayn laakin waxa ay ka tirsan tahay qaybaha deynta waa deynta shardika ku xiran. Saddexda qaybood ee deynta waxa ay leeyihiin calaamado lagu karto iyo qaabab loola tacaamulo, waxa ayna taas ka caawisaa ama keenaysaa xasillid maaliyeed ee shirkadda.

Deyntu waa fikrad laga maarmaan  u ah qaybaha kala duwan ee ay ganacsiyada, sharciyada, iyo caymiska. Haddi aysan jri lahayan deymo waxaa nagu adkaan lahayd inaan horumarno ama shaqaysanno, laakin taa lakama wado inay tahay ficil iska fudud oo uu qofkasta samayn karo waa arin khatar ah oo ubaahan maamulid iyo in laga fakiro sida loola tacaamuli lahaa khataraha ka dhalan karta.......... MAHADSANID.




Comments

Popular posts from this blog

Liability management: Qeexitaankeeda, istaratijiyadeeda, muhiimadeeda iyo ujeedadeeda?

    Deynta   marka loo fiiriyo dhinaca maaliyadda iyo xisaabaadka waa tixraac waajibaadka ama deymaha  oo uu urur ama qof ku leeyahay dhinac kale.  Iyada ay saa  tahay Maarayta daynta waa arrin muhiim  ah taas oo ku leg leh maareynta isatartijiyada ee deynta shirkadda, iyo waajibaadka maaliyeed ee kale. Hadaba  :       -         Waa maxay maaraynta Deynta?       -         Waa maxay isratjiyada la istcimaasho si deynta loo maareeyo ?       -         Waa maxay muhiimada ay ganacsiga u leedahay?       -         Waa maxay ujeedada ama hadafka loo maareeyo Deynta ? Waa maxay Maaraynta Deynta? Maaraynta deyntu waa istaratijiyad maareyn maaliyeed oo diirada saarta in si wax ku ool ah loo maareeyo deynta shirkadda iyo waajibaadka kale ee maaliyeed. Waxa ay ku lug leedahay qaabaynta taxaddarka leh iyo la socodka deymaha si loo yareeyo khataraha la xiriira. Korna loo qaado la socodka lacagta caddanka, loona hagaajiyo guud ahaan xasillonida maaliyeed. Maaraynta daynta waa hab lagu maare

Finance: Waa maxay Qeexitaankiisa, Muhiimadiisa, ujeedadiisa iyo tusaalihiisa?

  Finance ama sida luqada soomaliga lagu dhaho Maaliyaddu : waa hawlbowlaha dhaq-dhaqaaqa ee dhaqaalaha ganacsiyada, isaga oo u adeegaya sida shidaalka  dhaqaajiya ganacsiyada , shirkadaha, shakhsiyaadka iyo dawladabba.Hadaba Maqaalkeenu waxa aan kaga hadli doona oo uu ku-saabsan yahay :   ü Waa maxay qeexitankiisa Maaliyadda?   ü Waa maxay muhiimada Maaliyadda?   ü Waa maxay  ujeedadeeda  Maaliyadda?   ü Waa maxay tusaalaha Maaliyadda? Waa maxay Qeexitanka Maaliyadda? Maaliyadda waxaa loola jeedaa maareynta/ kormeerida/ilaalinta lacagaha iyo hantida  oo uu ganacsigu leeyahay, oo ay ku jiraan amaahda, maalgashiga , miisaaniyada. Waxa ayna ka kooban tahay hawlo kala duwan sida bangiyada, maalagshiga iyo maareynta hantida si loo gaaro yoolalka ama ujeedooyinkooda maaliyeed. Maaliyaddu waxa ay sidoo kae lug ku leedahay daraasadda suuqyada maaliyeed, hay’adaha, qalabka iyo sidoo kale falaqaynta xogta maaliyeed iyo go’aan qaadashada la xidhiidha lacagta iyo raasmaalka.

Waa maxay assets ? Qeexitaankiisa, Qaybihiisa , Muhiimadiisa iyo Tusaalayaashiisa.

   Hordhac Maalqabeedanu waxa ay iibsadaan hantida{usuusha}, faqiirku  kharash kaliya ayuu haysta, dadka dabaqada dhexana waxa ay iibasadaan dayn iyagoo hanti  u maleenaya.   {Robert kiyosaki}. Dad badan marka ay ereyga hanti{asset} maqlaan waxaa isla markiiba maskaxdooda ku soo dhacda hantida ay iyagu leeyihiin ama  ay kharash badan ku bixiyeen helitaankeeda iyo isticmaalkeeda. laakin  hantidu intaa kaliya kuma koobna waxa ay kaa caawin kartaa inaad dhaqaale samayso. waxaa maqaalkan faham guud kaa sii doona asset{hanti}, qaybihiisa iyo tusaaalihiisa. Waa maxay asset? asset: ku  ama sida luqada soomaliga laku dhaho Hanti/ usuul   waa walxo asaas u ah oo lama huraan ah, oo gacan ka geysata kobaca iyo guusha ururada ka jira warshadaha kala duwan. Hadday yihiin kuwo jireed, maaliyeed ama maskaxeed, hantidu waxa ay ka ciyaartaa door muhiim ah soo saarista qiimaha, wadista hal abuurka, iyo hubinta tartanka. Usuushu ama hantidu waa khayraad qiimo dhaqaale   leh shakhsi ,shirkad ama wadan uu