Skip to main content

Noocyada Suuqgeynta Affiliate

    Suuqgeynta affiliate waa istaraatijiyad waxqabad ku salaysan halkaas oo shakhsiyaadka (xubnaha) ay kor u qaadaan badeecadaha ama adeegyada ganacsadaha oo ay kasbadaan komishan iib kasta ama ficil kasta oo ay ku abuurmaan dadaalkooda.  Waxaa jira dhowr nooc oo suuqgeyn xiriir la leh, mid walbana leh astaamo iyo habab gaar ah. Qaybaha affilaite marketing   1. Pay-per- Sale (PPS): Kani waa nooca ugu caansan.  Xiriiriyayaashu waxay kasbadaan komishan marka macaamilku wax ku iibsado isku xirka tixraacooda.  Tusaale ahaan, kuwa ku xidhan xayaysiinta tafaariiqle moodada ayaa heli doona boqolkiiba iibka marka macaamiishu iibsadaan shay kadib marka uu gujiyo xidhiidhkooda.   2. Pay-per-click (PPC): Qaabkan, kuwa raacsani waxay kasbadaan lacag gujis kasta oo lagu sameeyo xiriirkooda, iyadoon loo eegin haddii iibku dhaco.  Habkani waa mid caan ka dhex ah kuwa xidhiidhka la leh ee isticmaala xayaysiis lacag leh si ay ugu wadaan taraafikada goobaha gana...

Waa maxay Long Term Liability: qeexitaan, tusaalayaal, iyo isticmaalkeeda?

Hordhac


 

Marka laga hadlayo ama la tixgaliyo dhanka maaliyadda iyo xisaabaadka, daynta muddada-dheer waxaa loola jeeda waa deymaha la filayo in lagu bixiyo muddo ka badan 1 sanno. Deymahaani waxa ay dawr muhiim ah ka ciyaaraan qorshaynta  maaliyeed iyo go’aan ka gaarista arimaha gaancsiyeed iyo shakhsiyeed.

Maqaalkan waxa u ujedadiisu tahay in uu faham guud kaa siiyo :

-waa maxaaydeynta muddada-dheer, qeexitaankeeda.

- tusaalooyin nooce bay leedahay.

-iyo ka doodista adeegsigeeda  saamaynta ay ku leedahay qaybaha kala duwan.

Kabidna ka guda-galno maqaakeena:

Qeexitaanka deynta muddada-dheer:

Deynta muddada-dheer waa waajibaad maaliyeed oo soconayaa wax ka badan hal sanno, waxaana la ku diwaangaliyaa xaashida deelitirka{balance sheet} ee shirkadda. Waxa ayna u taagan yihiin deymo la filayo in lagu xalliyo wareegyada ganacsi ee caadiga ah ee shirkadda. Deymahaan waxa ay u baahanyihiin lacag-bixinno joogta ah oo muddo dheer ah, haddii kale waxa ay noqonaysaa mid iska badan oo aadan iska bixin karin, sidaas darteed ayaa si qaybo ah loo bixiyaa.


Note : Marka loo eego waddamada reer-galbeedka ah Badanaa deymaahani waxaa la socota dul-saar/ribba {interest }. Laakin waddamada islamic ah dulsaarku ama ribbada waa ka xaaraan.

Deynta muddada-dheer waxa ay qayb ka tahay wadarta Deynta ee shirkadda, waxa ayna sidoo kale jira daymaha muddada-gaaban oo lagu khaldo laakin ay kala duwan yihiin xagga shaqada iyo sid ay u shaqeeyaan .waxa ayna siisa aragti qiime leh oo ku saabsan ballanqaadyada maaliyeed  muddada-dheer ee shirkadda/ururka.

Fg: deynta muddada dheer waa deymaha lagu bixiyo wixii ka badan 12 bilood{1 sanno}. Waxaana loo bixiyaa si qaybo ah. waxaana lagu diwaan-galiyaa xaashida deelitirka ee shirkadda. Waxa ayna qayb ka tahay wadaraha deymaha ee shirkadda.

Tusaalayaasha Deynta muddada-dheer:

 Waxaa jira dhowr tusaale oo ah Deynta muddada-dheer oo ay ganacsiyadu ama shirkaduhu la kulmi garaan, tusaalooyinkaas waxaa ka mid ah:

     -   Amaahda muddad dheer: waa amaahda la bixiyo ee ay bixiyaan shirkadaha maaliyeed waxaana ka mid ah amaahada guri, amaahada ganacsi, maalgalinta qalabka, iwm.

       -  Amaahda guri: marka ay shakshi ama shirkad iibsado hanti ma-guurta ah sida: guri, waxa ayna badanaa qaataan deyn muddo dheer si ay u maalgaliyaan iibsiga guriga.

        -  Curaarta {bonds}:  shirkaduhu waxa ay soo saari garaan curaar si ay kor u qaadaan raasamaalkooda, Kuwaas oo ah aaladaha deynta  muddada-dheer oo leh taariikh lacag bixin go’an. Curaartu waa deynta laga helo maalgaliyaha  lana siiyo deyn qaataha sida shirkad ama dawlad ka dibna oo u isticmaalo si uu umaalgaliyo ganacsigiisa.

         -  Deymaha kirada:  heshiisyada ijaarka muddad-dheer sida goobta xafiiska, ama qalabka waxa ay dhalin karaan deymo muddo dheer. Deymahaan waxaa loo tixgaliyaa inay yihiin  deyn muddo-dheer, waxa ayna leeyihiin lacag tacwiid ah haddi ay alaabtu xumaato.

         -  Deymaha caashuurta ah: deymaha caashuurta ee dib loo dhigo waxa ay ka dhalan kartaa marka ay shirkadu dib u dhigto bixinta caashuurta muddooyinka soo socda, sababo la xiriira kala duwanaansho xagga xisaabaadka iyo heerarka cashuurta.

         -   Deymaha hawlgabka ah: shirkado ayaa bixiyaa qorshayaal hawlgabka ah sida: caymiska daryeelka cafimaad iyo caysmi nolosha,  waxa ayna ka helaan hawlgabkaas faa’ido qeexan, waxaana leeyihiin deyn muddo dheer si ay bixiyaan lacagta mustaqblka ee hawlgabka hadalkaas oo ku socda macmiilka caymiska a siiyey.

        Isticmaalka Deymaha muddada-dheer

Deymaha muddad-dheer waxa ay adeegaan ujedooyin kala duwan, waxa ayna saameeyn ku leeyihiin ganacsiyada iyo shakhsiyaadka labadaba. Waaana kan qaar ka mid ah faa’idooyinka muhiimka ah ee deynta muddada-dheer waxaana ka mid ah:

1.maalgalin maaliyeed:  ganacsiyadu waxa ay inta badan ku tiirsan yihiin deymo muddo foog si ay u maalgaliyaan mashaariicdooda.

daynta muddada-dheer waxa ay u oggalaanaysaa gaancsiyada inay maalgaliyaan hantidooda maalgashi la taaban karo sida dhul hellida, ballaadhinta shaqada, maalgalinta cilmi baarista iyo horumarka, iibsashada qalab cusub. Deynta muddada-dheer waxa ay u saamaxaysaa ganacsiyadu inay  Maalgalin maaliyeed sameeyaan  iyagoo iaalinay socodka acagta caddaanka ah ee hawlaha maameedka ah.

2. Maaraynta Socodka lacagta: deynta muddada-dheer waxa ay ka caawisaa inay gaancsiyadu inay si wax-ku-ool ah u maareeyaan socodka lacagta cadaanka ah, sida maaraynta alaabta, suuqgeyn iwm.

Isticmaalka ikhtiyaarka maalagalinta muddada-dheer , shirkaduhu waxa ay faafin karaan bixinta deymaha waqti ka dib. Taas oo yareenaysaa culyaska degdegga ah ee kaydkooda lacageed.

 

3. Qaab-dhismeedka raasamalka: deynta muddada-dheer waxa ay ka koobantahay qaybo muhiim ah oo kamid ah qaab-dhismeedka raasamaalka ee shirkadda, taas oo loola jeedo isku darka deynta iyo sinaanta maalgalinta.

Ganacsiyadu waxa ay hormarin karaan qaab-dhismeedka maaliyeed si ay u kaaraan dheelitir-naan u dhaxaysa deynta iyo sinaanta. Taas oo muhiim u ah ilaalinta xassillonida maaliyeed, maaraynta khataraha, iyo sare u qaadida qiimaha saamiyada ee shirkadda.

 

4. ballaadhinta iyo kobaca: deymaha muddada-dheer waxa ay awood u siinayaan gaancsiyada inay raacaan fursadaha ballaarinta iyo koritaanka shirkadda. Haddii ay tahay la wareegid shirkad kale, qelitaanka suuqyo cusub, maalgalin mashaaric ribxi/faa’ido leh. Deymaha muddada-dheer ayaa bixiya illaha dhaqaale ee laga maarmaanka u ah balladhinta iyo kobaca shirkadda.

5. qorshaynta caashuuraha: deymaha muddada -dheer sida deymaha cashuraha ee dib loo dhigay ayaa saamayn ku leh qorshaynat caashuurta. Ganacsiyadu waxa ay si xeladaysan u maarayn karaan waajibaadkooda caashuurta ah iyagoo dib u dhigaya bixinta cashuuraha, bixin doonana mustaqbalka fog, si ay u yareeyaan deymaha cashuuree ee hadda lagu leeyahay. Tani waxa ay gacan ka qaadanysaa wanaanjinta socodka lacagta cadaanka ah iyo bixinta fursado keydinta cashuuraha.

Fg: caashuurta dib u dhigida waa xeelad fiican oo kaa caawinysaa inaad lacagta caddanka ah maamusho, laakin waxaad mushkilad ah inaad ku daahdo lacag u dhigida taas oo khatar u keenaysa ganacsigaagu in ay dawladu  dacwad ku qaado taas oo buuq kugu furaysa, Oo uu  kharash badan kaaga bixidoonto.

 

Gunaanad{conclusion}.

Gab-gadii waxaan dhihi lahaa deymaha muddada -dheer waxa ay u taagan yihiin waajibaad maaliyeed oo soconaya waxka bdan 1 sanno lagu bixinayo, waxa ayna dawr muhiim ah ka ciyaaraan go’aan ka gaarista maaliyeed ee ganacsiyada iyo shakhsyaadka .waxa aya ka kooban tahay noocyo kala duwan sida deymaha muddada-dheer, curaarta , kirada, deymaha hawlgabka ah, deymaha cashuurta ah.

Fahamka iyo maaraynta deynta muddada-dheer ayaa muhiim u ah  ganacsiyada si ay u maalgaliyaan maalgashiga, maamulaan socodka lacagta, iyo ilaalinta xaqnimada. Iyadoo loo tixgalinayo isticmaalka saamaynta deymaha muddada-dheer ganacsiyadu iyo shakhsiyaadka waxa ay gaari karaan go’aamo xog ogaal ah waxa ayna ilaalin karaan xasiilonida maaliyeed ee mustaqbalka fog

                                       ...... MAHADSANID.









Comments

Popular posts from this blog

Muhiimada ay Suuq-Geyntu U leedahay ganacsiyada?

  Marka laga hadlo ama lasoo qaado  shirkad ganacsiyeed oo kor u kacday ama hoos u dhacday, waxaan is-weydiinaa 1 shey oo sababi kara hoos ama kor ukaca oo ah badeecada oo ah : Q1.  Shirkaddu Suuq-Geyn fiican maleh miyaa ? Hadaba:   ü Waa maxay Suuq-Geyntu?   ü  waa maxay muhiimada ay suuq-geyntu ganacsiga u leeyahay.     ü sidee  uga qayb-qaadataa kor/ hoos u kicida ganacsiyada ?     Qeexitaanka Suuqgeynta. Suuq-geyn waxaa lagu qeexi karaa habka aqoonsiga, odoroska, iyo qancinta baahiyaha macaamiisha iyo rabitaanka iyada oo loo marayo abuurista, isgaarsiinta, iyo bixinta qiimaha. Waxay ku lug leedahay hawlo dhammaystiran, sida cilmi-baarista suuqa, horumarinta alaabta, qiimaha, qaybinta, horumarinta, iyo maamulka xiriirka macaamiisha. Xeeladaha suuqgeyntu waxaa loo qorsheeyay in-ay saameeyaan hab-dhaqanka macaamilka, abuuraan wacyi-gelin sumcadda, iyo ugu dambayntii ay kiciyaan iibka iyo faa'iidada. Suuqgeyntu waxa ay ka mid t...

Waa maxay principle of management{xeerka maamulka}?

  introduction {hordhac}  Haddii uu hamigaagu yahay inaad shirkad ama urur maamulid oo aan gararin sida wax loo maamulo markaas topickan wuxuu kaa caawindoonaa ama fikir guud kaa siin doona sida wax loo maamulo. Principle of management Waa xeerka maamulida shaqooyinka   aasaasika ah taas oo ah   inaad qorshayso, maamusho, xakamayso, hagto iyo shaqaalayso dadka aad maamulo u tahay. Suaalooyin badan baa kuusoo dhacaya markaad akhhrinayso xeerka maamulida waxaan, iswaydiindoontaa waa maxay xeerka koowaad{ 1 } ee maamulka jawaabtuna waa : Delegation {ergo ama wafdi}. Ergadu{ delegation }: waa inaad qof mas’uuliyad siiso ama inuu meel maamulo adigoo siinaya fasaxa inuu maamuliko meesha ama   siinaya awooda uu ku xambaari lahaa mas’uuliyadaas, waana habka qaybinta shaqada si ay firfircawnidu u badato, shirkadaaduna si fiican u shaqayso, adiguna hogaamiye lagu dayno ama tusaale{ role model} noqoto. xeerarka ee principle of management Ninka loo yaqaano HENRI...

Side loo maareeyaa khataraha Maaliyeed ee Ganacsiga?

Bilaabida ganacsigu waxay noqon kartaa dadaal dhaqaale ahaan mid khataro badan ku keeni kara. Si kastaba ha ahaatee, haddii si taxadar leh loo qorsheeyo oo fuliyo, waxaad yareyn kartaa ama xitaa ka hortagi kartaa  khatarahaas.   Inta kadib,   inta aad maqaalkeena kuguda jirto waxaad ku barandoontaa :       -   Qeexitaanka  khataraha maaliyeed?         -    Waa maxay maareynta khataraha maaliyeed?         -    Sidee loo ogaadaa khataraha maaliyeed?         -    Hababka oo aad ku maareyn-karto khataraha maaliyeed?         -    Iyo 5 tallabo la qaado kahor inta aadan ganacsi bilaabin?   Qeexitaanka    khataraha maaliyeed? khataraha maaliyeed waa xaalad uu nidaamka maaliyadeed ee dal ama deegaan uu la kulmo khalkhal ba’an oo lama filaan ah oo ku yimaada hab-socodka caadiga ah ee suuqyada iyo ...