Skip to main content

Noocyada Suuqgeynta Affiliate

    Suuqgeynta affiliate waa istaraatijiyad waxqabad ku salaysan halkaas oo shakhsiyaadka (xubnaha) ay kor u qaadaan badeecadaha ama adeegyada ganacsadaha oo ay kasbadaan komishan iib kasta ama ficil kasta oo ay ku abuurmaan dadaalkooda.  Waxaa jira dhowr nooc oo suuqgeyn xiriir la leh, mid walbana leh astaamo iyo habab gaar ah. Qaybaha affilaite marketing   1. Pay-per- Sale (PPS): Kani waa nooca ugu caansan.  Xiriiriyayaashu waxay kasbadaan komishan marka macaamilku wax ku iibsado isku xirka tixraacooda.  Tusaale ahaan, kuwa ku xidhan xayaysiinta tafaariiqle moodada ayaa heli doona boqolkiiba iibka marka macaamiishu iibsadaan shay kadib marka uu gujiyo xidhiidhkooda.   2. Pay-per-click (PPC): Qaabkan, kuwa raacsani waxay kasbadaan lacag gujis kasta oo lagu sameeyo xiriirkooda, iyadoon loo eegin haddii iibku dhaco.  Habkani waa mid caan ka dhex ah kuwa xidhiidhka la leh ee isticmaala xayaysiis lacag leh si ay ugu wadaan taraafikada goobaha gana...

Waa maxay SHort term Liability / Qeexitaankiisa, Qaybihiisa iyo Tusaalayashiisa?

Introduction.

Deymaha muddada-gaaban waa deymo u baahan in lagu xalliyo sannad gudihiisa ama ka yar. Waxa ayna ka ciyaaraan dawr muhiim ah  dhaqaalaaha ganacsi iyo maamulideeda, iyo sameeynta socodk lacagta caddaanka ah qulqulkeeda, iyo guud ahaan xassillonida maaliyeed.



Maqaalakan waxa uu sahamin doonaa ama kaga hadli doona :

- qeexitaanka deymaha muddada-gaaban.

- ka hadli doona noocyada ama qaybaha deymaha muddada-gaaban.

- ku siin doona tusaalooyinka deymaha muddada-gaaban.

Qeexitaanka deymaha muddada-gaaban ?

Deynta muddada-gaaban ama sida loo yaqaan deymaha hadda jira waa deymo maaliyeed oo la filayo inay shirkadu ku xalliso sannad gudihiisa ama  muddo ka yar, iyadoo cagsi ku ah deymaha muddada-dheer oo lagu bixiyo wixii hal sanno ka badan.

Deymaha muddada-gaaban waxa luqada englishka lagu dhahaa {short term liability/current liability}. Deymahaan sida caadiga ah waxaa lagu bixiyaa iyadoo la isticmaalayo hantida hadda jirta ama hawl maalmeedka ganacsiga, iyada oo dakhliga laga soo saaro hawlaha ganacsiga caadiga ah. tusaalyasha deymaah muddada-gaaban waxaa kamid ah sida xisaabaadkala bixin karo, kharash bixin dib loo dhigay, iwm.

Maarayanta hantida gaaban ayaa muhiim u ah ilaalinta qulqulka lacagta caddanka ah, iyo ilaalinta xasilloonida maaliyeed

Qaybaha iyo Tusaalayaasha deymaha muddada-gaaban

Waxaa jira dhawr nooc oo ah qaybaha deymaha muddada-gaaban, oo la filayo in lagu xalliyo muddo sanad ama ka yar gudaheed. Waa kuwan qaar ka mid ah qaybaha caadiga ah ee deymaha muddada-gaaban iyo tusaalooyinkooda :

1. Xisaabaadka la bixin karo{ account payable} : tani waxa ay tilmaamaysaa waa deymaha ay shirkadu ku leedahay supplier ama macamiisha, taas oo ah alaab ama adeeg ay amaah ahaan ah ku iibsadeen. Waxaa ayna ka dhigan tahay xisaabayashu in loo baahan yahay in lagu bixiyo muddo gaaban { 30 ilaa 90 maalmood gudahood}.

Tusale: shirkad waxaa laka yaabaa supplier inuu ku leeyahay $10,000 oo ah alaab ay deyn kusoo iibsatay.

 

2. Amaahda gaaban{short term loans}: waa amaah gaaban oo la rabbo in lagu xalliyo sanad gudihiisa, taas ay bixiyaan ama ka helaan bangiyada, hay’adaha maaliyeed, ama ilo kale si ay u daboolaan baahida maalgalinta muddada-gaaban. Amaahda muddada-gaaban waxaa loo isticmaalaa karaa raasamaalka shaqada, iibsashada alaabta ama adeegyada, ama kharashyada kale ee hawlgalka ah.

Tusale: ganacsigu waxa uu amaah bangika ka qaatay amaah gaaban oo dhan $50,000 si uu u maalagaliyo baahidiisa raasmaaalka ah.

 

3. KHarashka soo kordhay{ accured expenses} : kharasyadan waa kharshyo ay shirkadu gashay laakin aan weli la bixin. Waxaana ku jira kharashyo sida : mushaharka, camuulada, biilasha tamarta, caashuurta, iwm. Kharashyada isku uruuray waxaa oo diwaan galiyaa deyn ahaan, waxaana  lagu xalliyaa muddo gaaban gudaheed.

Tusale: hay’ada waxa ay soo gashay lacag dhan      $ 20,000 oo mushahar iyo camuulad ah ah, laakin shaqaaleheeda aan weli wax mushahar ah la siin.

 

4. Dakhliga dib oo dhigay{ deferred revenue} : dakhli dib u dhigida waxa uu tilmaamayaa helitaanka lacag bixinta hore ee alaabta ama adeegyada la keeni doono ama la bixin doono mustaqbalka. Waxaan la ka wadaa waa in ay shirkadu ama macamiilku uu alaab ama adeegy uu rabo laakin aan weli lakeenin uu sii iibsado oo ay sii horumariso lacagta ay ku iibsan lahayd. Waxa ayna ka dhigantahay inay tahay deyn muddo-gaaban ilaa inta  ay shirkadu kasoo baxayso.

Tusale:shirkad  software toknolojiyada ah ka shaqaysa ayaa heshay $100,000 oo hordhac ah oo ka heshay macaamiil rukhsad software ah oo loo keeni doono lixda bilood oo soo-socota

 

5.Qaybta hadda ee daynta muddada-dheer: waxa ayna u dhigantahay inaad bixiso qaybta deynta muddada-dheer ee a filayo inla bixiyo sanad gudihiis. Tan waxaa ku jira dib u bixinta asaasiga ee loo baahanyhay in lagu xalliyo muddada-gaaban.

Tusale: shirkad baa waxaa lagu leeyahay deyn muddo-dheer oo $500,00 ah, waxa ayna ku xalin kartaa iyadoo $10,000 bixinaysa sanadka soo socda

 

Kuwaani waa dhawr qaybood ama tusaaleyaal oo ka mid ah deynta muddada-gaaban, waxaana muhiim ah ganacsiaydu inay si wax-ku-ool ah u maareeyaan deymankooda muddada-gaaban si ay u hubiyaan xasilloonida maaliyeed, una gutaan waajibaadkooda lacag bixinta ah, sidoo kale  ilaaliyaan socodka lacagta caddanka ah ee caafimaadka leh.

 

Gunaanad{Conclusion}

Deymaha muddada-gaaban waa arrimo laga maar-maan u ah maamulka maaliyadeed ee ganacsiga. Waxa ayna u taagan yihiin deymaha u baahan in lagu xalliyo muddo 1 sanno ama wax ka yar, waxa ayna saameysaa socodka laccagta caddanka ah ee nolol maalmeedka shirkadda loo isticmaalo haddii la xalin waayo.

Waxaana ka mid ah tusaalooyinkeeda: xisabaadka la bixin-karo, amaahda muddada-gaaban, kharashyo la isku uruuriyey, dakhli dib loo dhigay, iwm. Deymaha muddada-gaaban waxa ay muhiim u yihiin ganacsiga si ay wax ku-ool ah maareeyo deymaha shirkadda oo loo xaqiijiyo xasilloni maaliyadeed. Fahmida iyo la socodka deymahaan gaancsiyadu waxa ay gaari karaan go’aamo xog ku tiirsan, waxa ayna sii wadi karaan mawqif dhaqaale oo xooggan.

Comments

Popular posts from this blog

Muhiimada ay Suuq-Geyntu U leedahay ganacsiyada?

  Marka laga hadlo ama lasoo qaado  shirkad ganacsiyeed oo kor u kacday ama hoos u dhacday, waxaan is-weydiinaa 1 shey oo sababi kara hoos ama kor ukaca oo ah badeecada oo ah : Q1.  Shirkaddu Suuq-Geyn fiican maleh miyaa ? Hadaba:   ü Waa maxay Suuq-Geyntu?   ü  waa maxay muhiimada ay suuq-geyntu ganacsiga u leeyahay.     ü sidee  uga qayb-qaadataa kor/ hoos u kicida ganacsiyada ?     Qeexitaanka Suuqgeynta. Suuq-geyn waxaa lagu qeexi karaa habka aqoonsiga, odoroska, iyo qancinta baahiyaha macaamiisha iyo rabitaanka iyada oo loo marayo abuurista, isgaarsiinta, iyo bixinta qiimaha. Waxay ku lug leedahay hawlo dhammaystiran, sida cilmi-baarista suuqa, horumarinta alaabta, qiimaha, qaybinta, horumarinta, iyo maamulka xiriirka macaamiisha. Xeeladaha suuqgeyntu waxaa loo qorsheeyay in-ay saameeyaan hab-dhaqanka macaamilka, abuuraan wacyi-gelin sumcadda, iyo ugu dambayntii ay kiciyaan iibka iyo faa'iidada. Suuqgeyntu waxa ay ka mid t...

Waa maxay principle of management{xeerka maamulka}?

  introduction {hordhac}  Haddii uu hamigaagu yahay inaad shirkad ama urur maamulid oo aan gararin sida wax loo maamulo markaas topickan wuxuu kaa caawindoonaa ama fikir guud kaa siin doona sida wax loo maamulo. Principle of management Waa xeerka maamulida shaqooyinka   aasaasika ah taas oo ah   inaad qorshayso, maamusho, xakamayso, hagto iyo shaqaalayso dadka aad maamulo u tahay. Suaalooyin badan baa kuusoo dhacaya markaad akhhrinayso xeerka maamulida waxaan, iswaydiindoontaa waa maxay xeerka koowaad{ 1 } ee maamulka jawaabtuna waa : Delegation {ergo ama wafdi}. Ergadu{ delegation }: waa inaad qof mas’uuliyad siiso ama inuu meel maamulo adigoo siinaya fasaxa inuu maamuliko meesha ama   siinaya awooda uu ku xambaari lahaa mas’uuliyadaas, waana habka qaybinta shaqada si ay firfircawnidu u badato, shirkadaaduna si fiican u shaqayso, adiguna hogaamiye lagu dayno ama tusaale{ role model} noqoto. xeerarka ee principle of management Ninka loo yaqaano HENRI...

Side loo maareeyaa khataraha Maaliyeed ee Ganacsiga?

Bilaabida ganacsigu waxay noqon kartaa dadaal dhaqaale ahaan mid khataro badan ku keeni kara. Si kastaba ha ahaatee, haddii si taxadar leh loo qorsheeyo oo fuliyo, waxaad yareyn kartaa ama xitaa ka hortagi kartaa  khatarahaas.   Inta kadib,   inta aad maqaalkeena kuguda jirto waxaad ku barandoontaa :       -   Qeexitaanka  khataraha maaliyeed?         -    Waa maxay maareynta khataraha maaliyeed?         -    Sidee loo ogaadaa khataraha maaliyeed?         -    Hababka oo aad ku maareyn-karto khataraha maaliyeed?         -    Iyo 5 tallabo la qaado kahor inta aadan ganacsi bilaabin?   Qeexitaanka    khataraha maaliyeed? khataraha maaliyeed waa xaalad uu nidaamka maaliyadeed ee dal ama deegaan uu la kulmo khalkhal ba’an oo lama filaan ah oo ku yimaada hab-socodka caadiga ah ee suuqyada iyo ...