Skip to main content

Noocyada Suuqgeynta Affiliate

    Suuqgeynta affiliate waa istaraatijiyad waxqabad ku salaysan halkaas oo shakhsiyaadka (xubnaha) ay kor u qaadaan badeecadaha ama adeegyada ganacsadaha oo ay kasbadaan komishan iib kasta ama ficil kasta oo ay ku abuurmaan dadaalkooda.  Waxaa jira dhowr nooc oo suuqgeyn xiriir la leh, mid walbana leh astaamo iyo habab gaar ah. Qaybaha affilaite marketing   1. Pay-per- Sale (PPS): Kani waa nooca ugu caansan.  Xiriiriyayaashu waxay kasbadaan komishan marka macaamilku wax ku iibsado isku xirka tixraacooda.  Tusaale ahaan, kuwa ku xidhan xayaysiinta tafaariiqle moodada ayaa heli doona boqolkiiba iibka marka macaamiishu iibsadaan shay kadib marka uu gujiyo xidhiidhkooda.   2. Pay-per-click (PPC): Qaabkan, kuwa raacsani waxay kasbadaan lacag gujis kasta oo lagu sameeyo xiriirkooda, iyadoon loo eegin haddii iibku dhaco.  Habkani waa mid caan ka dhex ah kuwa xidhiidhka la leh ee isticmaala xayaysiis lacag leh si ay ugu wadaan taraafikada goobaha gana...

Waa maxay Asset management? Macnihiiisa, muhiimadiisa iyo qaybihiisaba.

hordhac

Mareeye  hanti ahaan ujedadaadu waa inay tahay kobcinta hantidaada. Macamiishaadu waa inay ahadaan kuwo ka taajirsan maaraayntaada. Bulshaduna waa inay hodan ka noqotaa maalgashigaaga awgeed” . Hendrith Vanlon Smith Jr

      
 Ganacsato badan ee adduunka ka jira ayaa gartay inta ay tahay khasaaraha ka imaankarta dhinaca waxsoo saarka haddii aysan cusboonsin ama horumarin sida ay ula socod lahayeen ama u maamuli lahaayeen hantidooda. hadaba waa maaxay maaraynta hantida?

 Hawal walin Maqaalkeenu inta aan ku dhax jirno  waxaan  ka hadli doona maaraynta hantida macneheeda, qaybaheeda, muhiimadeeda, iyo waxayaabaha looga baahanyahay qofka si uu  ganacsigiisu mid  horumarisan  u noqdo .

 

Asset management ?

Asset management ama sida luqada soomaliga lagu dhaho maaraynta hantida: waa hab dhaqanka kordinta wadarta hantidaada waqti kadib, adigoo helaya, ilaalinya, ama ku maalgaalinaya hantidaada  ganacsi  awood u leh inuu qiimahaaga kor u qaado .

Maaraynta hantida: waa habka horumarinta, xakamaynta, ilaalinta, iyo iibinta hantida si aad u badiso maalkaaga{wealth}.

FG: maalku ama xooluhu waa sawirkaaga guud ee maaliyeed oo ay ku jiraan dhamaan hantida {asset}. Halka hantidu loo tixgaliyo inay tahay waxkasata oo qiime leh oo aad lacag ku badalan karto. Tusale: maalgalin{investment}.

 

Maaraynta hanida  waxaa loola jeedaa ku dhaqanka maamulka iyo ilaalinta hantida shirkadda ama shakhsiga si ay sare ugu qaadaan qiimahooda oo ay u gaaraan yoolalka maaliyadeed oo u gaarka ah.

Maareynta hantida waxay ku lug leedahay qorshaynta istiraatijiyadeed, iibsiga, ka faa'iidaysiga, iyo tuurista hantida sida : maalgashiga maaliyadeed, hantida ma guurtada ah, kaabayaasha, iyo ilaha qiimaha leh.



Maaraynta hantida : waa maaraynta hawl maalmeedka faylalka hantida, waxa ayna ka ciyaartaa dawr muhiim ah ee guusha shirkadda iyo joogtaynta ganacsigaaga. Badanaa waxaa maamula madaxa maalagashiga ee shirkadda.

Ujeedada koowaad ee maareynta hantida waa in la hagaajiyo celceliska dhakli iyadoo la yareynayo khataraha ku soo wajahan gancsigaaga.  lana hubinayo in si hufan loo isticmaalay kheyraadka shirkadda.

Muhiimada maaraynta hantida.

 Maaraynta hantida maaha kaliya tirinta qaybaha qalabka iyo  ku qoridda kombuyuutarka. laakin sidoo kale waxa ay qabataa raadinta ama soo Ogaanshaha xog faafahsan oo ku saabsaan qoto-dheerka qiimaha hantida, taasna  waxa ay kaa caawinysaa shirkadda oo dhan inay cabiraan lacagta ku baxday hanti kasta, sidoo kale waxa ay awood siinaysaa in laga faaido hanti kasta uu ganacsigu leeyahay. 

Maaraynta hantida waxa ay muhiim u tahay sababta oo ah waxa ay u fudadaysaa ganacsiyada kala duwan ee shirkadda ah inay la socdaan hantidooda, ha ahaato hanti dareere ah ama mid go’an. Taasna waxa ay u fududaynaysaa shaqaaluhu inay ogaadaan meesha ay hantidu taallo, sida loo isticmaalaayo, iyo inay wax isbeddel ku imaadeen.

Si kasta a ahaate hanti maarayntu waxa ay qabataa wax ka badan keenida faa’ido maaliyeed. Waana kaan 6 faa’ido ay maaraynt hantidu ganacsiga ka caawin karto :

1. Waxay ka caawisaa shirkadaha inay la socdaan hantidooda :

Nidaamka maaraynta hantida waxa uu bixiyaa dabagal hanti waqti-kasta, sidan waxa ay u saamaxaysaa gancasiyadu inay helaan xog joogta ah oo ku saabasan hantidooda. xogtana waxaa ku jira labada hanti hantida la taaban karo iyo hantida digitalka ah sida loo isticmaalo iyo marka wax laga badalay.  


Hanti la socodku waxaa uu isku xiraa hantida shirkadda oo dhan haday tahay dhismayaal, gawaari, mashiino, qalab xafiiseed, alaabta guri.  Hal meel bay isku keenta waana la diiwaangaliyaa waana lala socdaa isbedelada ku imaada.

2. Waxay ka caawisaa shirkadaha inay ka maamuli karaan hantidooda hal meel.

Dabagalka hantida si hufan waxa ay ganacsatada ka cawinysaa inay isha ku hayaan meesha ay hantidooda taallo, oo ay ka maamuli karaan isbedellada ay ka rabaan, sida loo isticmaali doono, iyo maareynta khayraadkooda meelaha kala duwan yaala oo ayna bilaabaan alaaabooyin xog-kusalaysan si ay u muujiyaan caymisyada iyo daneenayaasha {stakeholder} sida hantida loo maareenayo.

Maaraynta hantidu waxa ay u fududaynaysaa shirkadda hantideeda kala baxsan inay halmeel ka xakamayso dhaqdhaqaaq-yadeeda, isbedeladeeda, horumarkeeda, iyo ogaanshaha meesha ay hadda yaalaan iyagoo GPS ama barcode isticmaalaya.

 

3: shirkaduhu waxa ay si fiican u aqoon san karaan ama u maarayn karaan khataraha.

Qayb ka mid ah maaraynta hantidu shaqadeedu waxa weeye maaraynta iyo garashada  khataraha ganacsigaga taas oo ka imaan karta markasta hantida shirkada la maareenayo ama la dayac-tirayo.                     


Khataraha waxaa lagu maarayn karaan 5 qodo soo socda :

  • Go’aansho waxa ugu muhiimsan iyo meelaha uu ganacsigaagu qorshaha maaraynta khataraha u tixraaci doono.
  • La tasho cidda ay khusayso maslaxda shirkadaada.
  • Aqoonso khataraha kugu soo wajahan.
  • Taxliili saamaynta ay khataruhu ku yeelan karaan ganacsigaaga.
  • Qiime inta khasaaro kaga imaan karta khatarta kugu soo wajahan.

 

4. shirkaduhu waxa  meesha ka saari karaan hantidda khiyaaliga ee diwaan-galisan.

Waqtiyo waxaa jira in hantiddu qaar ka mid ah inay  xumaato ama lawaayo ama la xaddo, kadibna weli ay si khaldan ku  duwaangalisan tahay buuga shirkadda  oo alaabta shirkada taalla loo qaato. Laakin haddi si hufan leh lala socdo ama la dabagalo ama la maamulo hantida shirkadda, mulkiilayaasha qanacsigu waxa ogaan karaan hantida lumtay waxa ayna ka saari karaan diwaanada shirkada.

5: waxa ay ka caawisaa ganacsigaagu inuu kaydaso lacagaha iyo ilaha dakhli.

Maaraynta hantida waxa ay u fududaynaysaa shirkadaha inay kaydsadaan lacagaha iyo ilaha dakhli, sababta oo ah haddi hantida la maareeyo taas waxa ay no fududaynaysaa iibinta hantida iyo lasoo bixida ilaha dakhli shirkadda.

Qodobkaan waxa uu usaamaxayaa shirkadauhu inay badbaadiyaan lacagtii lumi lahayd inta lagu jiro dayactirka hantida shirkadda. Kharashaadka dayactirka waa inaanayn qiimihiisa la dhimin, laakin kharashaadka dayactirka aan loo bahnayn waa in meesha laga saaraa si aysan u saamayn dhaqaalaha shirkadda.

6 . horumarinta  socodka shaqada iyo wax soosaarka.

Maaraynta hantidu waxa ay fududaynaysaa qorshaynta hufan iyo abaabulida arimaha gudaha ee shirkadda. Sidoo kale Shaqaalayaashuna inay noqdaan dad mas’uulin ah oo xisaabtan leh, oo si hufan ka soo bixi kara shaqadooda. Iyo go’aaminta ama qaybinta shaqadda, loona qaybinayo faracyadda kala duwan ee shirkadda.


FG: maaaryanta  hantida muhiimadeeda 6 qodob kaliya laguba soo koobi karo sababata oo ah, waa tiirka shirkadda ee maaraynta hantida iyo waxsoosaarkeeda

Waxayna ka caawisaa shirkadaha inay maareyaan hantidooda sida ugu haboon uguna macquulsan oo ay ka faa’idi karaan hantidooda debedda ama gudaha  shirkadda taalla.

Qaybaha maaraynta hantida.

Maaryanta hantidu waxa ay leedahay qaybo kala duwan kuwaas oo daboolaya baahida shirkadu inay kala qaybiso shaqadeeda ,ogowna qaybaha maaraynta hantidu waxa ay ku xirantahay nooca ay shirkadu tahay, iyo sida ay u shaqayso waxaana macquul ah inay shirkaduhu ku kal duwanaadaan qaybaha ay  shirkad waliba ahmiyad siisay. waxaana kaso qaadan doona 5 noocy ugu caansan ee shirkad waliba laga helo waana sidatan :

 

1 .Maaraynta hantida dijitaalka ah{Digital asset management}:

Hantida digitaalka ah waa hab maamulid waayahan soo caanbaxaysa. Waxayna lug ku leedahay abaabul hufan ee warbixinta dijitaalka ah iyo nuxurkeeda, Sidoo kale maaraynta hantida iyo kaydinteeda.

Maamulka hantida dijitaalkeeda waxa ay ka caawisaa mulkiilayaasha shirkadda inay ka nastaan cabsida kaga jirta inay hantidooda lumto ama la xadda ama inay masiibo dabiici ah hesho sida dab ku gubato ama qoyaan inay soo kaarto.  waxaas oo dhan waa ay ka ilaashantahay sababtana qaabkeeda dijitaalka ah ayaana u saamxaysa.

Waxaana ugu muhiimsan hantida dijitaalka ah ay soo bandhigtu waa amniga. Adigoo xakamyna xogta aad digitaal ka dhigayso hadday tahay qorshooyinka dhismaha, xuquuqda hantida iyo duubista kulumadda, Waxa ay u fududaynaysaa daneenayasha shirkadaada inay ka fugaadaan kharaashaadka ka imaan lahayd ilaalinta iyo kaydinta faylasha xogtaas.

Fg: digitaal waxaa laga wadaa in hantida kombutarka lagu diwangaliyo oo qaab online ah loo maareeyo iyadoo laga cararayo xaajada in waraaqada lagu diwaangaliyo.

 

2. Maaraynta hantida go’an {fixed asset management} :

Maaraynta hantida go’an waxa ay muhiimad weyn  u leedahay ganacsiyada iyo ururada. Waxa ayna tilmaamaysaa habka si hufan oo waxa ku ool ah loo maareeyo hantida go’an ee shrikadda iyo muddada ay ollaan doonaan, Maaraynteedana waa arin ay tixgaliyaan shirkadd walba ee adduunka ka jirta.

Hantida go’an sida la yaqaano waa allabo ay shirkadu isticmaasho si ay dakhli u dhaliso waxaana ka mid ah dhismayaasha shirkadda, mashiinada, baabuurta, qalabyadda, geedaha, iwm.

Haddaba su’aasha iswaydiinta mudan  waxaa weeye :

“haddi uu mar go’an yahay oo uu san isbadali doonin maarayn miyuu u baahanyahay ?”

Hatida go’an sida qaybaha kale ee hantida shirkadda waxa ay ubaahanyihiin in isha lagu hayo si loo maareeyo isbedella ku imaanaya isticmaalka darteed, waxa ay u baahnaandoonaan dayactir ka hortag ah  iyo Kormeerid joogta ah sida: dhirta ama  ka ilaalinta alaabta shirkadda daxalka.

 

3. Maaraynta hantid maaliyeed {financial asset management} :

Maaraynta hantida maaliyeed waxaa loola jeeda habka maaraynta iyo ilaalinta noocyada kala duwan ee hantida maaliyeed oo ay leeyihiin shirkadaha khaaska ah ama ururada caalamiga ah. hantidaas waxa ayna ka noqonkartaa maalgalin, curaarad, hantida ma guurtada ah .iwm

Maaraynta hantidu waxa ay lug ku leedahay lasocodka sicirka suuqa, mas’uuliyada caanshuurida alaabta, iyo arimo maaliyeed oo kale. Laakin ha ilaawin hadafka koowaad ee maaraynta hantidu waa in la kordhiyo faa’idada hantida iyadoo la yareenayo khataraha.

Ujeedada asaasiga ah ee maarayta hantida maaliyeed waa ilaalinta raasamaalka {capital}, dakhli la dhaliyo, iyo in la gaaro qaddarin raasamaal mudddo dheer loo qadarinayo macamiisha ama maalagaliyaasha .

Maaraynta hantida maaliyeed waxa ka mid ah muhiimadeeda qoondaynta hantida, sababta oo ah waxa ay lug ku leedahay go’aaminta iaku dhafka ugu fiican ee noocyada kala duwan ee hantida iyadoo la lagu salaynayo arrimo ay kamid yihiin dulqaadka khataraha, yoolalka maalgashiga iyo xaalada suuqa.

 

4. Maaraynta hantida ganacsiga  {enterprise asset management} :

Waa nidaam ku salaysan  qaab software ah kaas oo ka caawiya shirkadaha ama ururada inay si waxtar leh  u ilaaliyaan ama u maareeyaan jeritaanka hantidooda{asset} inta lagu jiro  meertada nolosha hantida{asset life cycle}. Waxaana ka mid ah shaqadeeda: dabagalka, maaraynta, wanaajinta hantida sida qalabka mashiinada, kaabayaasha dhaqaale, xarumaha iyo xamuulka shirkadda.

Maaraynta hantida ganacsi ama sida loosoo kaabiyo MHG waxa ay ka duwan tahay qaybaha kale ee maaraynta hantida aan kasoo hadalanay sababta oo ah waa hab dhamaystiran oo lagu abaabulayo ama lagu maareenayo hantida shirkadda inta muddada nooleedkeeda lagu jiro.

MHG waxaa isticmaala shirkadda aad ku tiirsan hantida qaaliga ah oo adag waxa ayna u isticmaalan si ay u wanaajiyaan maalegashiga raasamaalka, kormeerida dayactirka iyo maamulida kharashaadka.

FG:meertada nolosha hantida waxaa loola jeeda marxaladaha  ay hantidu marto inta ay shirkada taallo, laka soo bilaabo marka lasoo iibasaday ilaa ilaalinta laka takhalusayo.

 

5. Maaraynta hantida kaabayaasha {infrastructure asset management} :

Maaraynta hantida kaabayaashu waxa ay tilmaamaysaa hab istaratijiyeed oo habaysan oo lagu maareenayo hantida jireed ee dhinacyada kaabayaasha , waxaana  kamid ah waddooyinka, bundooyinka, jidadka tareenada, tas-hiilaadka biyaha lagu daweeyo, khadadka bulaacadaha, shabakadaha isgaarsiinta. Waxa ayna sidoo kale lug ku leedahay naqshadaynta dhismaha, hawlgalka iyo dayactirka hantida ina lagu jiro muddada hanti nooleedka.

Kaabayaashu waa waxa ka dhiga magaalooyinka waaweyn ee bulshada badan meel la dagi karo, sababta oo ah waxa ay maamusha asaaska nolol maalmeedka magaalada, hadaysan jiri lahayn kaabayashu waxa ay culays ku keeni laahyd bulshadu inay ku nooladaan magaaladda.

Badanaa hantida maaraynta kaabayaasha waxa ay isha saaraan hababka hantida waxtarkeeda , mas’uuliyada deegaanka, dhaqaalaha, amniga iyo sida lagu badali karo marka waqtigeeda dhamaado.

Shirkado badan oo jira ayaa waxa ay ku khasban yihiin inay  la shaqeeyaan dawladda, rayid ah ama caalami ha ahaato waa inay la maareeyaan kaabayaashooda si ay si hufan leh u shaqayn lahaayeen, hadday tahay  ka takhallusida alaabaha toxic{sunta} ah iyo ilaalinta bilicda iyo quruxda deegaanka.

 

conclusion

 gabagabdii waxaan dhihi lahaa maaraynta hantidu waxa ay muhiim utahay ururada jira ee kala duwan , waa ayna u fududaysaa ganacsatadu inay wanaajiyaan ka faa’idaysiga iyo waxqabadka hantidooda, yareenta khataraha, yareenta kharashaadka, qorshaynta istaraatijiyada shirkadda, iyo soo iibsi hufan  la socodana dayactir ama ilaalinta iyo habaynta saxda lagu sameenayo hantida shirkadda.

Maaraynta hantidu waxa ay ka ciyaartaa dawr muhiim ah dhisida ganacsi wanaagsan oo mustaqabal leh , iyo horumarinta mustaqbalka shirkada hadday tahay ilaalinta raasamaalka, maalgalinta hantida , iyo maaraynat dhakliga shirkadda iyadoo la yareenayo kharashaadka. Waxaana ku soo xiri doona muqaalkeena xikmad ganacsi oo uu yiri ganacsade caan ah waana sidatan :

haddii aad marwalba tiriso  dhamaan hantidaada  waxaad had iyo jeer muujinaysaa  faa’ido”~Wilson mizner {1876-1933}.

...................................MAHADSANID

 

Comments

Popular posts from this blog

Muhiimada ay Suuq-Geyntu U leedahay ganacsiyada?

  Marka laga hadlo ama lasoo qaado  shirkad ganacsiyeed oo kor u kacday ama hoos u dhacday, waxaan is-weydiinaa 1 shey oo sababi kara hoos ama kor ukaca oo ah badeecada oo ah : Q1.  Shirkaddu Suuq-Geyn fiican maleh miyaa ? Hadaba:   ü Waa maxay Suuq-Geyntu?   ü  waa maxay muhiimada ay suuq-geyntu ganacsiga u leeyahay.     ü sidee  uga qayb-qaadataa kor/ hoos u kicida ganacsiyada ?     Qeexitaanka Suuqgeynta. Suuq-geyn waxaa lagu qeexi karaa habka aqoonsiga, odoroska, iyo qancinta baahiyaha macaamiisha iyo rabitaanka iyada oo loo marayo abuurista, isgaarsiinta, iyo bixinta qiimaha. Waxay ku lug leedahay hawlo dhammaystiran, sida cilmi-baarista suuqa, horumarinta alaabta, qiimaha, qaybinta, horumarinta, iyo maamulka xiriirka macaamiisha. Xeeladaha suuqgeyntu waxaa loo qorsheeyay in-ay saameeyaan hab-dhaqanka macaamilka, abuuraan wacyi-gelin sumcadda, iyo ugu dambayntii ay kiciyaan iibka iyo faa'iidada. Suuqgeyntu waxa ay ka mid t...

Waa maxay principle of management{xeerka maamulka}?

  introduction {hordhac}  Haddii uu hamigaagu yahay inaad shirkad ama urur maamulid oo aan gararin sida wax loo maamulo markaas topickan wuxuu kaa caawindoonaa ama fikir guud kaa siin doona sida wax loo maamulo. Principle of management Waa xeerka maamulida shaqooyinka   aasaasika ah taas oo ah   inaad qorshayso, maamusho, xakamayso, hagto iyo shaqaalayso dadka aad maamulo u tahay. Suaalooyin badan baa kuusoo dhacaya markaad akhhrinayso xeerka maamulida waxaan, iswaydiindoontaa waa maxay xeerka koowaad{ 1 } ee maamulka jawaabtuna waa : Delegation {ergo ama wafdi}. Ergadu{ delegation }: waa inaad qof mas’uuliyad siiso ama inuu meel maamulo adigoo siinaya fasaxa inuu maamuliko meesha ama   siinaya awooda uu ku xambaari lahaa mas’uuliyadaas, waana habka qaybinta shaqada si ay firfircawnidu u badato, shirkadaaduna si fiican u shaqayso, adiguna hogaamiye lagu dayno ama tusaale{ role model} noqoto. xeerarka ee principle of management Ninka loo yaqaano HENRI...

Side loo maareeyaa khataraha Maaliyeed ee Ganacsiga?

Bilaabida ganacsigu waxay noqon kartaa dadaal dhaqaale ahaan mid khataro badan ku keeni kara. Si kastaba ha ahaatee, haddii si taxadar leh loo qorsheeyo oo fuliyo, waxaad yareyn kartaa ama xitaa ka hortagi kartaa  khatarahaas.   Inta kadib,   inta aad maqaalkeena kuguda jirto waxaad ku barandoontaa :       -   Qeexitaanka  khataraha maaliyeed?         -    Waa maxay maareynta khataraha maaliyeed?         -    Sidee loo ogaadaa khataraha maaliyeed?         -    Hababka oo aad ku maareyn-karto khataraha maaliyeed?         -    Iyo 5 tallabo la qaado kahor inta aadan ganacsi bilaabin?   Qeexitaanka    khataraha maaliyeed? khataraha maaliyeed waa xaalad uu nidaamka maaliyadeed ee dal ama deegaan uu la kulmo khalkhal ba’an oo lama filaan ah oo ku yimaada hab-socodka caadiga ah ee suuqyada iyo ...