Skip to main content

Waa maxay Macro Economics | Macnihiisa, shaqadiisa, Faaidadiisa iyo saamayntiisa?

 Hordhac.



Waligaa ma is weydiisay marka laga hadlayo  shirkadd caan ah ama mid hadda soo kacday, waxaa laga hadlaa macro economics ama sida luqada soomaliga lagu dhaho dhaqaalaha guud  ee shirkadda,  hadaba : 

  • waa maxay maxay  macro economics {dhaqaalaha guud}. ?

  • Waa maxay Shaqadeedu ?

  • Faa’idu intee la’eg bu ganacsiga u hayaa ?

  • Iyo saamayn nooce ah  buu ku yeelan karaa ganacsigaaga.?

Waa maxay macro economics{dhaqaalaha guud} :

Dhaqaalaha guud waa laan kamid ah cilmiga barashada dhaqaalaha, waxa ayna diirada saarta daraasadaynta dhaqaalaha guud ee shirkadda, oo  ay ku jiraan arrimo sida : sicir-bararka, shaqo la’aanta, kobaca dhaqaale, wax soo saarka guud,  iyo dakhliga qaranka ah. Marka  arrimahan la falaqeenayo dhaqaalaha-yahannadu waxa ay raadiyaan inay fahmaan waxqabadka dhaqaale oo dhan ee shirkadda, waxayna dejiyaan siyaasado lagu horumarinayo xasiloonida iyo kobaca dhaqaale.

Dhaqaalaha guud waxa uu ka ciyaara dawr muhiim ah qaabaynta siyaasadaha dhaqaale, iyo go’aan ka gaarista arimaha dhaqaale heer qaran iyo caalam ba. Waxa ay ku siinayaan  fikrado ku saabsan sida qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha, iyo sida isbedel ku yimaada hal farac oo  kamid ah shirkadda uu saamayn xun ku yeelan karo nidaamka dhaqaale oo dhan.

Marka dhaqaalaha guud la baarayo dhaqaale-yahanadu waxa ay heli karaan faham qoto dheer ah oo ku saabsan  arrimaha keenaya isbedellada dhaqaale, waxa ayna dejin karaan xeelado lagu yareen karo isbedeladaas .

Dhaqaalaha guud waxa uu ka koobanyahay fikrado ama siyaasado badan, kuwaas oo cadeeya ama muujiya ahmiyada ay u leedahay shirkadda, sida  siyaasadaha maaliyeed, siyaasadaha lacagta, wareegyada ganacsi. Waxa ay soo saartaa aragtiyo iyo qaabab dhaqaale oo kala duwan si ay falaqayn adag usaaraan dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee shirkadda.

Macnaha Dhaqaalaha Guud

Dhaqaalaha guud waxaa loola jeeda maaraynta dhaqaalaha shirkadda oo dhamaystiran oo aan hal wax laga tagin haddii ay tahay lacagaha shirkadda,  kharashaadka shirkadda, maalgalinta shirkadda, dakhliga shirkadda, faa’idada shirkadda, khasaaraha shirkadda, iyo waxkasta oo dhaqaale  ah oo shirkadda laxiriira .


Macro economics waa ay ka duwantahay walasheed micro economics{dhaqaalaha yar-yar}, sababtana halka MICRO ay maarayso  arrimaha la xiriira qaraaraadka shakhsi ee shirkadda oo kaliya , MACRO waxa ay maaraysaa wax kasta oo dhaqaale la xiriira oo shirkadda yaala.

Macro economics waxa ay wax ka qabataa hab-dhaqanka dhaqaale  guud ee  shirkadda iyo wax qabadkeeda, halka qaybaha kale  ay diirada saaraan shaqo gooni ah sida suuqa kooni ah  ama  farac shirkadda khaas u ah .

Shaqada Dhaqaalaha Guud

Dhaqaalaha guud shaqadeedu sida ka cad qeexitaanka kor ku qoran waa maamulida dhaqaalaha guud ee shirkadda iyo wax kasta oo la xiriira, laakin taa kaliya kuma filna inaan fahamno shaqadeeda waxaana kugu soo koobi doona 5 shaqo ay dhaqaalaha guud uu qabto si ay u hormar dhaqaale u gaaraan, waana sidatan:

1: Kobaca dhaqaale : dhaqaalaha guud waxa ay maamushaa ama lafa-guraan arimaha ka qayb qaadanaya kobaca dhaqaale ee shirkadda iyagoo mustaqbalka fog u fiirinaya. Waxa ayna sidoo kale go’aamisaa wax-soosaarka guud ee gudaha {GDP}, iyo horumarinta tiknoloojiyada. Iyada ay ujeedadeedu tahay kor u qaadida heerarka dhaqaale iyo ilaalinta ladnaanta alaabta muddo ka dib.

Fg :  Kobaca dhaqaalaha ayaa ah kororka ku yimid wax soo saarka badeecadaha iyo adeegyada dhaqaalaha oo muddo ka dib la helo. Waxaa lagu cabbiraa isbedelka boqolkiiba ee GDP oo loo soo kaabiyey gross domestic product.

 

2: Xasiloonida qiimaha : dhaqaalaha guud waxa ay u jeedadeedu tahay in la gaaro xasilooni qiime dhinaca alaabta iyo adeegyada, iyadoo laga taxadarayo in uu dhaco sicir-barar. Waxa ayna baartaa sababaha sicir-bararka keena iyo cawaaqibta ka dhalan karta, iyo falaqaynta siyaasadaha lacageed ee shirkadda iyo siyaasadaha maaliyeed iyo arrimaha kale ee saameeya heerarka dhaqaale. Xasiloonida qiimuhu waxa uu muhiim u yahay kobaca dhaqaale iyo qoondaynta khayraadka shirkadda.

Fg : sicir-bararka waxaa loola jeeda waa heerka ugu sareeya uu kacayo qiimaha guud ee badeecada iyo adeegyada, islamarkiina hoos u ridaysa awooda wax ku iibsiga badeecada ama adeega oo aysan macaamiishu iibsan karin qaalinimada darteed.

 

3. Shaqo buuxda : dhaqaalaha guud waxa uu mareeyaa dhaqdhaqaaqa shaqada iyo shaqo la’aanta, waxa ayna falaqaysaa suuqyada shaqada iyo arrimaha shaqooyinka abuura ama burburiya, iyo xiriirka ka dhaxeeya kobaca dhaqaale iyo heerarka shirkadda shaqaalaysiinteeda. Hadafkeeduna waa in la gaaro oo la joogteeyo shaqo buuxa shirkadda, markaasna ay dadka diyaarka ah ama awooda u leh inay shaqadooda ka soo bixi karaan ay helaan fursado shaqo.


Fg : shaqo buuxda {ful employment} waa heerka shaqaalaysiinta shrikadda sia y u buuxiso baahida loo qabo xooggag dadeed, waxa ayna ka caawinayaan shirkadu inay  horumarto, yoolkeedana fulisu.

 

4. Qaybinta dakhliga: dhaqaalaha guud waxa uu ku dadaalaa sidoo kale inay baarto qaybinta dakhliga iyo hantida gudaha ee shirkadda, waxayna ka caawisaa dadka siyaasad-dejiyaasha ah inay fahmaan asbaabaha keenaya sinaan la’aanta dakhliga, iyo sidoo kale inay dejiyaan  siyaasado lagu horumarinayo qaybinta khayraadka badan. Dhaqaalaha guud waxa uu falaqayn karaa saamaynta caashuurta, barnaamijada daryeelka bulshada, iyo siyaasadaha uu suuqu isticmaalo si uu u qaybiyo dakhliga.

Waxa ayna sidoo kale baartaa cawaaqibta ka dhalan karta sinaan la’aanta qaybinta dakhliga, heerka saboolnimada, iyo dhaqdhaqaaqyada bulshada.

 

Fg :- qaybinta dakhliga waxaa loola jeeda waa habka ay shirkadu u qaybiso dakhliga soo galay una kala qaybinayso qaybaha kala duwan ee shirkadda.

Hantida gudaha ee shirkadda waa waxakasta oo xarunta ama farac shirkadda ka mid ah yaalaa oo aan dayn ama kiro ahaan loo bixin .

 

 

5. Dhaqaalaha caalamiga ah : dhaqaalaha guud waxa uu dawr muhiim ah ka ciyaara falaqaynta iyo fahmida isdhexgalka dhaqaale ee caalamiga ah. waxayna baartaa arrimo ay ka midyihiin sida : ganacsiga caalamiga ah {international trade }, sarifka lacagaha{exchange rate} , iyo socodka raasamaalka {capital flow}.

Dhaqaalaha guud heer bulsho kaliya looma isticmaalo xataa dawladaha aduunka jira waxa ay isticmaalan istaraatijiyada dhaqaalaha guud sia y u maareeyaan dakhliga wadanka kana taxadaraan in uu qiimaha lacageed ee wadankooda hoos-u dhaco taas oo mushkilada ku noqon karta bulshada degan  iyo dawlada  heerkeeda caalami ahaan ba.

 

Fg : gaancsiga caalamiga waa xiriirka ganacsi u dhaxeeya labo wadan oo aysan waxa xuduuda ah u dhaxayn iyagoo hamigooda yahay xiriir wanaagsan iyo faa’ido ganacsi, taas oo kaeentay baahida ay u qabto khayraadka uu wadanka kale uu leeyahay ee kan kale ka maqan.

 

5 tan qodob waxa ay soo koobayaan wax kasta oo aad ugu baahantahay inaad ogaatid shaqada uu qabto dhaqaalaha guud, waxaana kula talinlahaa inaadan shantan kaliyaaadan ku egaan oo aad raadiso shaqooyin kale oo uu qabto dhaqaalaha guud .

 

Muhiimada ama faa’idada ay leedahay Dhaqaalaha Guud

Dhaqaalaha guud wax uu  muhiimad khaas u leeyahay maaraynta dhaqaalaha shirkadda, sababtana waa shaqooyinka ama hawlaha ay xaliso si uu kor u kaco dhaqaalaha shirkadda, waxaana ka mid ah muhiimada ay leedahay :

  1. Fahmida dhaqaalaha shirkadda.

  2. Dejinta siyaasadaha lagu maareenayo dhaqaalaha shirkadda.

  3. Go’aaminta qaraaraadka ganacsi ee shirkdda iyo xisaabinta saamaynta ka dhalankarta.

  4. Saadaadinta ama fahmida heerarka dhaqaale ee suuqa iyo  xakamaynta isbedeladda ku imaan kara.

  5.  Horumarinta waxqabadka dhaqaale ee shirkadda.

  6. Sare u qaaadida heerka shaqaalaysiinta ee shirkadda iyadoo la ilaalinayo xadka loo baahanyahay.

 Intaa wixii kasii dheer dhaqaalaha guud waxa uu tiir u yahay maaraynta dhaqaalaha shirkadda waxaana soo hoostaga waxkasta oo dhaqaale a xiriira ee ganacsigu uu  leeyahay .

Fg :Waxaana muhiim ah inaad xasuusnaato in haddi aad rabto inaad dhaqaalaha guud ee shirkadda maamusho waa inaad xilka u saartaa team ka soo bixi kara shaqada oo khibrad u leh maaraynta dhaqaalaha, waxayna taas darteed dadku u yoraahdaan “haddii aad rabto inaad ogaato guusha shirkadd waa inaad  labo shey ka fiirisaa xooggaga shaqada iyo dhaqaaleheeda guud

Saamaynta uu ku leeyahay dhaqaalaha guud  shirkadda.

Qaybta dhaqaalaha guud waxa uu saamayn weyn ku leeyahay dhaqaalaha ganacsiga maadaama ay bixiso fikrado ku saabsan jawiga ballaran ee dhaqaale ee ay ganacsiyadu ka shaqeeyaan.


Waxaana ka mid ah saamaynta ay dhaqaalaha guud ganacsiga ku leedahay :

Falaqaynta wareega ganacsiga : iyadoo ay ka caawinayso inay saadaaliyaan isbedellada wareegga gaancsi, waxa uuna sidoo kale siiyaa xog ku saabsan isbedellada gaancsi ku dhici doonta ee suuqa. Waxaana muhiim ah inaad xasuusnaato in ay tahay saadaalin xisaabaad lagu bandhigay waxaana macquul ah inay dhacdo ama inaysan dhicin .

saamaynta siyaasadaha : waxayna saamayn toos ah ku yeelankartaa siyaasadaha ay shirkaduhu isticmaalaan, Tusaale ahaan siyaasadaha caashuurta, kharashaadka macamiisha, go’aamada maalgashi, waxa ayna ka caawinaysaa ganacsiyadu inay  hormariyaan xeeladahooda si ay ula jaanqaadaan muqaalka dhaqaale ee isbedellaya. Iyadoo eegaysa ama hubinaysa inay waafaqsanyihiin xeerarka gaancsi iyo xeerarka dawladeed ba.

habdhaqanka macaamiisha : waxa ayna saamayn ku leedahay inay ganacsato fahmaan habdhaqanka macamiilka iyagoo eegaya asbaabaha la xiriirta inay macamiishu badeeco si khaas ah u iibsadaan iyo arrimaha saameeya kalsoonida macmiilku shirkadda ama badeecadaha ay si khaas ah u rabbaan, taas oo keenaysa inuusan meel iyaga ahayn waxa ka iibsanayn. Ganacsatadu waxa ay isticmaali karaan saamayntaan si ay u hormariyaan  xeelada suuq-geynta iyo qiimaha badeecadaha si haboon oo qancinaysa ama soo jiidaynasa macamiilka.

 

Gunaanad

Gabgabadii waxa dhihi laha macro economics {dhaqaalaha guud} waxa u ujanjeeraa inuu saameeyo bulsho aad u tira badan halka ay ahaan lahayd dawr qof oo la doortay, taasna waxa ay kuu cadaynaysaa ahmiyada ay ganacsiga u leedahay. Waana goob waxabaarsho oo bixisa aragtiyo ku saabsan shaqada shaqaalaha, waxa ayna ku dadaashaa inay saadaaliyaan habdhaqanka dhaqaale ee shirkadda guud ahaan ba.

Waan aqoon muhiim u ah dajinta siyaasado dhaqaale oo wax-tar leh, maaraynta khataraha iyo kor u qaadida kobac dhaqaale ee raaga.

Isku soo wadda duub dhaqaalaha guud waa uu qabtaa ilaalinta xasiloonida dhaqaalaha, samaynta go’aan ganacsi,odorashada dhaqaalaha, iyo falaqaynta ganacsiyada iyo maaliyadda caalamiga ah, waxa ayna u fududaynaysaa shakhsiyaadka inay gaaraan kakanaanta dhaqaalaha si kor loo qaado kobaca dhaqaale iyo xasilloonida. .....................................................MAHADSANID

 

 



Comments

Popular posts from this blog

Liability management: Qeexitaankeeda, istaratijiyadeeda, muhiimadeeda iyo ujeedadeeda?

    Deynta   marka loo fiiriyo dhinaca maaliyadda iyo xisaabaadka waa tixraac waajibaadka ama deymaha  oo uu urur ama qof ku leeyahay dhinac kale.  Iyada ay saa  tahay Maarayta daynta waa arrin muhiim  ah taas oo ku leg leh maareynta isatartijiyada ee deynta shirkadda, iyo waajibaadka maaliyeed ee kale. Hadaba  :       -         Waa maxay maaraynta Deynta?       -         Waa maxay isratjiyada la istcimaasho si deynta loo maareeyo ?       -         Waa maxay muhiimada ay ganacsiga u leedahay?       -         Waa maxay ujeedada ama hadafka loo maareeyo Deynta ? Waa maxay Maaraynta Deynta? Maaraynta deyntu waa istaratijiyad maareyn maaliyeed oo diirada saarta in si wax ku ool ah loo maareeyo deynta shirkadda iyo waajibaadka kale ee maaliyeed. Waxa ay ku lug leedahay qaabaynta taxaddarka leh iyo la socodka deymaha si loo yareeyo khataraha la xiriira. Korna loo qaado la socodka lacagta caddanka, loona hagaajiyo guud ahaan xasillonida maaliyeed. Maaraynta daynta waa hab lagu maare

Finance: Waa maxay Qeexitaankiisa, Muhiimadiisa, ujeedadiisa iyo tusaalihiisa?

  Finance ama sida luqada soomaliga lagu dhaho Maaliyaddu : waa hawlbowlaha dhaq-dhaqaaqa ee dhaqaalaha ganacsiyada, isaga oo u adeegaya sida shidaalka  dhaqaajiya ganacsiyada , shirkadaha, shakhsiyaadka iyo dawladabba.Hadaba Maqaalkeenu waxa aan kaga hadli doona oo uu ku-saabsan yahay :   ü Waa maxay qeexitankiisa Maaliyadda?   ü Waa maxay muhiimada Maaliyadda?   ü Waa maxay  ujeedadeeda  Maaliyadda?   ü Waa maxay tusaalaha Maaliyadda? Waa maxay Qeexitanka Maaliyadda? Maaliyadda waxaa loola jeedaa maareynta/ kormeerida/ilaalinta lacagaha iyo hantida  oo uu ganacsigu leeyahay, oo ay ku jiraan amaahda, maalgashiga , miisaaniyada. Waxa ayna ka kooban tahay hawlo kala duwan sida bangiyada, maalagshiga iyo maareynta hantida si loo gaaro yoolalka ama ujeedooyinkooda maaliyeed. Maaliyaddu waxa ay sidoo kae lug ku leedahay daraasadda suuqyada maaliyeed, hay’adaha, qalabka iyo sidoo kale falaqaynta xogta maaliyeed iyo go’aan qaadashada la xidhiidha lacagta iyo raasmaalka.

Waa maxay assets ? Qeexitaankiisa, Qaybihiisa , Muhiimadiisa iyo Tusaalayaashiisa.

   Hordhac Maalqabeedanu waxa ay iibsadaan hantida{usuusha}, faqiirku  kharash kaliya ayuu haysta, dadka dabaqada dhexana waxa ay iibasadaan dayn iyagoo hanti  u maleenaya.   {Robert kiyosaki}. Dad badan marka ay ereyga hanti{asset} maqlaan waxaa isla markiiba maskaxdooda ku soo dhacda hantida ay iyagu leeyihiin ama  ay kharash badan ku bixiyeen helitaankeeda iyo isticmaalkeeda. laakin  hantidu intaa kaliya kuma koobna waxa ay kaa caawin kartaa inaad dhaqaale samayso. waxaa maqaalkan faham guud kaa sii doona asset{hanti}, qaybihiisa iyo tusaaalihiisa. Waa maxay asset? asset: ku  ama sida luqada soomaliga laku dhaho Hanti/ usuul   waa walxo asaas u ah oo lama huraan ah, oo gacan ka geysata kobaca iyo guusha ururada ka jira warshadaha kala duwan. Hadday yihiin kuwo jireed, maaliyeed ama maskaxeed, hantidu waxa ay ka ciyaartaa door muhiim ah soo saarista qiimaha, wadista hal abuurka, iyo hubinta tartanka. Usuushu ama hantidu waa khayraad qiimo dhaqaale   leh shakhsi ,shirkad ama wadan uu