Skip to main content

Waa maxay SWOT analysis ?

 Introduction

xogtu waxa ay noqon kartaa hub awood badan haddii sida saxda ah loo isticmaalo.{ wiston churchel 1874-1965 }


Maqaalkan waxa uu faham guud kaa siin doonaa waa maxay
swot analysis; waa maxy ahmiyadiisa, waa maxay qaybaheeda, malaga maarmi karaa, sidee sida saxda ah loo isticmaali karaa

kadibna anaga oo aan sugin ha kuda kalno:

swot analysis{falaqaynta swot}

swot waxa ay u taagnatahay ereyadan:  strength{awood}, weakness{daciifnimo}, oppurtunity{fursadaha}, iyo threat{khatarta}.

falqaynta swot waxaa dhihi waa farsamada ama habka lagu qiimeeyo afartaa dhinaca ee ganacsiga.

Swot: waxa uu kaa caawinaya inaad qiimayso waxa ay shirkadaadu ku fiicantahay hadda xaadirkan.taas oo kuu ogalanaysa inaad qorshayso mustaqbalka shirkadaada, adigoo ka takhalusaya waxkasta ama meelkasta ay carqalad kaaga timaan karto.

 Swot: waxa uu daaha ka qaadaa ama kuu muujinayaa meelaha qanacsigaaga dhib u celinaya, ama meelo haddii aadan ilaalin cadawkaagu kaa faa’idaysan karo. Swot: waxa uu maamulaa gudaha iyo dibadda shirkadda{taas oo ah waxa gudaha shirkadda ka jira iyo waxa banaanka shirkadda ka socda} isagoo ku siinaya xog guud oo dhamaystiran oo isha saaraysa meelaha awooda leh ,meelaha ay daciif ku tahay, fursadooyin laga faa’daysankaro iyo khatarta kuu soo socta

Tusaale ahaan table kan soo socda fiiri : 

Strength{awooda}

1) Maxay ku fiicantahy shirkadaadu?

2) Waa maxay ilaha khaaska ah ay shirkadaadu gaar u leedahay?

3) Maxaad kaga fiicantahay cadawkaaga?

4) Maxaa macaamiisha shirkadaada usoo jiida?

5) Hantida aad shirkadaadu leedahay intee la egtahay?

 

 

Weakness{daciifnimo}

1) Maxa aadan hormarin karin?

2) Maxay shirkadaadu ku liidataa oo uu cadawgaagu ku fiicanyahay?

3) Waa maxay waxa ay macaamiishaadu aysan ku qanacsanayn?

4) Halkee baad khayraadka ku yartahay marka meelaha kale loo eego?

Oppurtunity{fursad}

1) Waa maxay isbedella dhacay oo aad ka faa’idaysankarto?

2) Waa maxay furasada ganacsi oo soo kici doona?

3)Sidee awoodahaaga aad u bedeli kartaa fursado?

4) Ma jiraan goobo ganacsi oo leh tartan yar?

5) Suuqee ayaan u talaabsan karaa oo ka shaqayn kara ?

 

 

Threat{khatar}

1) Maxaad horumarin kartaa?

2) Waa maxay waxa ay shirkadaadu ku liidato?

3) maxay dadka kale badanaa u muuqato inay kaa maqantahay?

4) Waa maxay isbedellada suuqa oo aadan diyaar u ahayn ?

5) Waa maxay arimah dhaqaale oo saamayn karta ganacsigaaga ?

 

 



sidaas darteed badanaa swot waxaa la isticmaala kahor intaadan istaraatijiyad cusub bilaabin si’aad u heshid xogta aad u baahantahay ka hor inta adan kudagalin mashruucaaga ee cusub.

Flaqaynta swot waxa ay  baartaa arimaha gudaha iyo debada ee shirkadaada{macna ahaan  waxa debada  iyo gudaha shirkada ka dhacaya}.

FG: swot xogta uu  ku falaqeeyo qaarkood waxa ay noqonayaan kuwo gacantaada ku jira, qaarna kuma jri dooonaan, sidaad darteed loom abaahna inaad buuq isku furtid oo isbehenbehisid. Laakin tallabada ugu xigmadda badan waxay noqon kartaa inaad falaqayso, maamusho, xakamayso xogta gacantaada ku jirta oo aad awood u leedahay inaad wax ka badasho.

Shirkadu arimaheedu  waxa ay ugala baxaan {gudaha iyo debadda} sida aad maqaalka ku aragtay, waxayna xeelada swot ku jirtaa inaad fahamto  afarta nooc keebaa dibada ah iyo keebaa gudaha ah si ay ku sahlanaato falqayntaada .dabcan sida wada oogsoonnahay awooda{strength} iyo daciifnimado{weakness] waa  arimaha gudaha[internal] ee shirkadda, xagga furasadaha{oppurtunity} iyo khatarta{threat} ay yihiin arimaha debedda[external] ee shirkadda.

Haddana sidee loo kala saari karaa arimaha gudaha & debada ee shirkadda? Jwb: waa afarta shay ay swot u taagantahay weeye, samayabin! Sababtana hadda ayaan kuu gala cadaynayaa:

Internal factors{ arrimaha gudaha}

Arimaha gudaha ee shirkadda waa waxkasta oo gacantaanda ku jira oo aad maamuli karto sida loo isticmaalayo waxaana kamid ah raasamaalkacapital} , hantida shirkadda{asset}, ilaha shirkadda{resource}, awooda shirkadda{dhaqaale} iyo wax kasta oo aad dadka kale{tartamaayaashada}kaga fiican tahay.

Arimaha gudaha ee shirkada waxay ka shaqeeyan maamulida  labadaan qaybood kaliya {awooda iyo daciifnimada} ay shirkadu leedahay inay

Strength{awooda}

Waa waxkasta ay shirkadaadu awooda inay ku shaqayso ka hesho, hadday tahay raasmaal fiican ama suuq macamiil badan leh. Waana ashyaa’da ijaabiyad fiican u leh gancsigaaga, oo dadka kale kaasoo dhexmuujiya.


                    

 Waxaana dhihi kartaa waa oo sifooyin toogan  oo adiga kuu gaar ah oo aysan tartamayashada aysan lahayn ama kaga fiican tah. sida:

  • t Sumad gaar ah{unique brand}
  • t Macaamiil daacad ah{loyal customers}
  • t Badeeco naadir ah{A rare product}
  • t Koox tayo sare leh{high-quality team}
  • t Sumcad wanaagsan {good reputation}

Daciifnimo{weakness}

Waa waxkasta oo dhib u celinaya horumarka shirkadaada, waana sifooyin taban oo aad u baahantahay inaad iska xaliso ama iska ilaaliso.

{weakness} waxa ay xannibaan waxqabadkaaga,  waxa ayna yareeyan koritaanka ama bilicda urukaaga/shirkadada iyo kaaritaankaa yoolka shirkadda.Weakness waxaa dhihi kari tartaa waa silsilad xirririyada yar oo ko’da, sababna u noqota inay silsiladaha kale saamayso.  


Wekness shirkadadu waxa ay noqon karaan waxkasta oo la xiriira shirkadaada, waxa ay noqon karaan waxmuuqda oo aad ogtahay ama wax qarsoon oo aadan waligaa u malayn inay daciifnimadaada yihiin,

Tusaale ahaan:

·       Ilaha dhaqaale la’aan {lack of financial resources}.

·       Qancinta macaamiisha oo liidata {poor satisfying of customer }.

·       Raasamaal la’aan {lack of capital}.

·       Keenista alaabta oo aan dagnayn {unstable supplying of products}.

·       Bad reputation {sumcad xun}.

FG:daciifnimadda shirkadaadu waa jidka ay tartamayaashadu isticmaali doonaan si ay kuu jabiyaan ama suuqa kaa saarraan.

External factors {arimaha debadda}

Arimaha debadda ka dhaca ee shirkadaada waa wax aadan adigu maamui karin oo aan gacantaada ku jirin, sida isbedelka dhaqaale{economic change}, dhacdooyinka{events}, isbedelka siyaasadeed{politica change}, dhulka tartamayaashaada{ competitive land scape}, isbedelka dawladeed{govermental change}

Arimaha ka dhaca debeddanshirkada waxa ay noqon karaan 2 nooc kaliya: ama waa fursado ganacsi oo loo isticmaali karo si wax looga faaido ama waa khataro kusoo wajahan shirkadaada  oo saamayn salbi ah ku yeelan karta.

Fursado{oppurtunity}

Waa waxkasta oo kor kaaga dalaca tartamayashada oo ku tusiya wadadda aad ku horumarin kartid shirkadada .fursadaha qaar baa halmar soo garaaca  albaabkaaga, qaarna mrwalba way iska imaadan, qaarna mawa ogid goortay ku soo mari doonaan


Waxaan ka mid ah fursadaha aad ka faaidaysan karto si aad u hirumariso shirkadaada:

t Baahida sii kordheysa ee loobahnida badeecadaada{product}.

t Farac/qayb cusub oo suuqa ka furatay.

t Horumarin cudub ee shirkadda qalabkeeda.

t Maalgashi cusub oo aad heshay.

t Fududaynta cunuqabataynta gancsiyadda caalamiga ah.

FG: waxaana muhiim ah inaadan dayicin oo aad ka faaidayso fursadaha sida ugu macquulsan, “adigoo caqligaaga ku shaqeenaya maaha wadnahaaga

Khatarta{threats}

Khatartu waa waxkasta oo saamayn salbi ah ku leh ganacsigaaga taas oo ka timaada debedda shirkadaada.

Khatartu waa xaalada aan fiicnayn taas oo dhaawici karta shirkadaada, waxaana laga maarmaar ah inaad ka takhalusto ama inaad yarayso saamaynta ay shirkadaada u keeni karto.



Khatartu waa cagsiga fursadaha iyada looma baahna in lagu degdego sababta waxa ay sababi kartaa natiijo aan loo baahnayn, looma sugi doono inta ay kugu dilaacayso, laakin xalka ugu macquulsan waa inaad  yarayso dhibteeda ka hor inta aadan halmar oo aan soo noqod lahayd jirida u goyso. Waxaana khatarta tusaale ua ah:

·       Isbedelka baahida macaamiisha {customers need}.

·       Isbedelka xeerarka ganacsi { changes in business rules}.

·       Tartamayaal cusub oo suuqa soo gala{ A new competeive enters the market}.

·       Adeegyo cusub oo suuqa la wareega.{A new product services}.

·       Tiknolojiyad cusub oo badeecadaada ka dhigta mid duqowday{A new technology that makes your product obselete}.

 

Muhiimadda ay leedahay SWOT analysis

Swot analysis waxay kaa caawinaysaa inaad la tartanto maala-awaalada khatarta ah ee ku soo wajahan,  iyo inaad daaha ka qaaddo waxa qarsoon ee shirkadaada ku jira.

SWOT waxa ay muhiim u tahay sababta oo ah isticmaalkeedu waxa uu kuu saamaxyaa inaad falqayso aringasta oo la xidhiidha shirkadaada, oo ay xog dhamaystiran kaa siiso qayb walba oo ku saabsan shirkadaada. Dabacan markaad SWOT isticmaalayo waxaa laga yaabaa inaad ku qanci waydo natiijada soo baxda ama wax baa iskaaga dhex khaladmo.

Swot waxa ay kuu mujinaysa meesha uu ganacsigaagu marayo, inta talabooyin la qaaday iyo xeelada ugu haboon oo aad ku xalin karto mushkilad walba oo soo baxda.

sawirkan wuxuu ku tusayaa afarta qaybood ee swot sida ay yihiin, tusaalaha ugu fudud laga bixin karo oo qofkasta fahmi karo.

Tusaale : swot falaqaynteeda baad bilowday waxaana rabtay inaad ogaato awoodaha{strength} ay shirkadaadu leedahay, kadib waxaad ku xijisay daciifnimada ay shirkadaadu leedahay iyo  khataraha u soo socda , waxaana fahamtay ina awoodaha aad ku tashanaysay kala badhkood inaysan awood ahayn oo aad adigu u malaynaysay oo qaarkood aysan macquul ahayn.

Dhinaca kale waxaad cabsi kaaga jirtay meelaha ay shirkadaadu daciif ku tahay laakin kadib markaad la bar bardhigday fursadaha ka dhalan kara waxaad ogaatay inaysan kullikood ducfi yihiin, qaarkood haddii la hagaajiyo ay fursado ganacsi bilaabi karaan.

 

FG : xasuusnow markaad falaqaynta swot qorayso waa inaadan kaligaa qorin oo aad koox dad ah la qorto! sababta oo ah waxa ay keenaysa aragti kala duwan oo ku saabsan shirkada {awooda, ducfika, fursadaha iyo khatarta}, waxaana nii kala  cadaanaya xogta waxa saxxan iyo waxa khaldan waxa macquulka ah iyo waxa aan macquulka ahayn “ xasuusnow xogtu waa inay  macquul tahay  oo aysan maal-awaale ah ku soo darsamin sababta oo ah waxa ay iskaa dhexqasaysaa faaqayntaada, qorshihii bay kaa xumaynaysa taas oo dhalin karta natiijo aan loo baahnayn”.

 

Sidee sida saxda ah loo qoraa Swot ?

Swot waa uruurin la siku aruuriyey shirkadaada awoodeeda, ducfikeeda, furadaheeda, iyo khataraheeda. Swot waa xaqiiqooyin ku saabsan ganacsigaaga,laakin intaa kaliya ma’aha waa qalab khaas ah taas oo si istaratijiyad leh u hormarindoonta ganacsigaaga.

SWOT qorideedu waxa ay u baahantahay 6 tallabo oo fudud waana sidatan :

1) Hadaf dajiso: hadaf dajintu waxa ay kaa caawinaysaa in aad isha saarto hal shaqo kaliya  oo aad soo saarto natiijada aad uga  baahantahay.

 2) Qiimey awoodaada: warayso ama la hadal macamiishaada, saaxiibada waxa ay shirkadaada ku jicelyihiin ama ay ku fiicantahay, soona saar waxa ay ka midaysan yihiin,kuwaasna xoogga saar inaad sii badiso.

3) Daah ka qaada ducfikaaga: inaad raadiso ama soo hesho waxa aad daciif ku tahay adigoo waydiinaya macaamiishaada iyo maalgaliyaashaada si niyad ah , waxa ay kaa caawinaysa inaad karato meelaha ganacsigaaga laga haysto.

4) Fursado cusub texgali: raadinta ama samaynta fursado ganacsi ee debedda shirkadaada yaala waxa ay u saamaxaysaa shirkadaadu inay korto oo aad faaidooyin ka samayso, koritaanka shirkadaadana aad dadajiso.

5) KHatarta kusoo wajahan cadayso:Cadaynta ama ogaanshaha khataraha u soo socda inay ganacsigaaga kharribaan waxa ay kaa caawinaysaa inaad wixii aad kaga horatagi lahayd diyaarsato.

Lakayaabaa inay maskaxdaadu ku soo dhacday “maxaan xalkeeda u la sugayaa inta ay ii imaanayso halmar maka takhalluso” jawaabtuna waxaa weeye  Khataruhu waa wax shirkadda ka baxsan oo gacantaada ku jirin, sidaas darteed mushkilad halmar xallin karo maaha.sidoo kale khatartu waxay ka dhalataa arimo kobcay/batay waqtiyo ka dib oo isdulsaarmay. waad qorshaynkartaa sida loo kobcin yarayn lahaa, adigoo diirada saaraya ganacsigaaga.

6) Soo koob liiskaaga: markaad qodobkan soo kaarto liiskaagu waa inuu ku  qoranyahay tiro kooban ee afart (4) qaybood oo swot ah ku saabsan. Kadib soo koob marlabaad liiskaaga, kuwa ugu muhiimsan kaliyana aha diiradda ha guu saarnaadaan.

Ma jiro xadd kooban oo liiska  SWOT lagu talagaley laakin,  waxaa fiican inay koobnayihiin liiskaagu lama rabo inaad  naftaada iskaka badiso shaqadda oo aad caqligaaga iyo muruqaaga daaliso.  

shayga ugu muhiimsan ee ganacsigaaga isha saar, diirada saar ,ilaa inta isbedel la dareemi karo samayso.

  •  

Gunaanad{conclusion}

Swot ahmiyad wayn bay u leedahay ganacsigaaga lakamana Maar maarmi karo, waxayna soo koobtaa afarta dhinac ugu muhiimsan ee ganacsigaaga{awooda ,daciifnimada, fursadaha iyo khataraha}.

Waxa dhihi gartaa waa farsamada ganacsigaaga lagu qiimeeyo, waxa ayna ku siinaysa jawaabta su’aasha ugu muhiimsan “ ganacsigaygu waddada saxda ah ee uu ku hormarkaro ma saarnayahay?

Swot xog falaqaysan buu ku siinkaraa waxaana muhiim ah inaadan naftaada been u sheegin oo wax maala-awaal ah oo aan xaqiiqoyin la hubo ahayn aadan ku darin xogaha la falaqaynayo. Markaasna waa inaad diyaar u tahay inaadan qayb kamid ah aysan ku cajab kalindoonin

Swot ahmiyad wayn buu uleeyahay ganacsigaaga waana tiirka runta iyo beenta kala cadeeya oo waxa saxda kuu sheega isagoo xogo ku saabsan ganacsigaga

Isticmaalaya...........................MAHADSANID.

       

Comments

Anonymous said…
Thank you that was very help full

Popular posts from this blog

Liability management: Qeexitaankeeda, istaratijiyadeeda, muhiimadeeda iyo ujeedadeeda?

    Deynta   marka loo fiiriyo dhinaca maaliyadda iyo xisaabaadka waa tixraac waajibaadka ama deymaha  oo uu urur ama qof ku leeyahay dhinac kale.  Iyada ay saa  tahay Maarayta daynta waa arrin muhiim  ah taas oo ku leg leh maareynta isatartijiyada ee deynta shirkadda, iyo waajibaadka maaliyeed ee kale. Hadaba  :       -         Waa maxay maaraynta Deynta?       -         Waa maxay isratjiyada la istcimaasho si deynta loo maareeyo ?       -         Waa maxay muhiimada ay ganacsiga u leedahay?       -         Waa maxay ujeedada ama hadafka loo maareeyo Deynta ? Waa maxay Maaraynta Deynta? Maaraynta deyntu waa istaratijiyad maareyn maaliyeed oo diirada saarta in si wax ku ool ah loo maareeyo deynta shirkadda iyo waajibaadka kale ee maaliyeed. Waxa ay ku lug leedahay qaabaynta taxaddarka leh iyo la socodka deymaha si loo yareeyo khataraha la xiriira. Korna loo qaado la socodka lacagta caddanka, loona hagaajiyo guud ahaan xasillonida maaliyeed. Maaraynta daynta waa hab lagu maare

Finance: Waa maxay Qeexitaankiisa, Muhiimadiisa, ujeedadiisa iyo tusaalihiisa?

  Finance ama sida luqada soomaliga lagu dhaho Maaliyaddu : waa hawlbowlaha dhaq-dhaqaaqa ee dhaqaalaha ganacsiyada, isaga oo u adeegaya sida shidaalka  dhaqaajiya ganacsiyada , shirkadaha, shakhsiyaadka iyo dawladabba.Hadaba Maqaalkeenu waxa aan kaga hadli doona oo uu ku-saabsan yahay :   ü Waa maxay qeexitankiisa Maaliyadda?   ü Waa maxay muhiimada Maaliyadda?   ü Waa maxay  ujeedadeeda  Maaliyadda?   ü Waa maxay tusaalaha Maaliyadda? Waa maxay Qeexitanka Maaliyadda? Maaliyadda waxaa loola jeedaa maareynta/ kormeerida/ilaalinta lacagaha iyo hantida  oo uu ganacsigu leeyahay, oo ay ku jiraan amaahda, maalgashiga , miisaaniyada. Waxa ayna ka kooban tahay hawlo kala duwan sida bangiyada, maalagshiga iyo maareynta hantida si loo gaaro yoolalka ama ujeedooyinkooda maaliyeed. Maaliyaddu waxa ay sidoo kae lug ku leedahay daraasadda suuqyada maaliyeed, hay’adaha, qalabka iyo sidoo kale falaqaynta xogta maaliyeed iyo go’aan qaadashada la xidhiidha lacagta iyo raasmaalka.

Waa maxay assets ? Qeexitaankiisa, Qaybihiisa , Muhiimadiisa iyo Tusaalayaashiisa.

   Hordhac Maalqabeedanu waxa ay iibsadaan hantida{usuusha}, faqiirku  kharash kaliya ayuu haysta, dadka dabaqada dhexana waxa ay iibasadaan dayn iyagoo hanti  u maleenaya.   {Robert kiyosaki}. Dad badan marka ay ereyga hanti{asset} maqlaan waxaa isla markiiba maskaxdooda ku soo dhacda hantida ay iyagu leeyihiin ama  ay kharash badan ku bixiyeen helitaankeeda iyo isticmaalkeeda. laakin  hantidu intaa kaliya kuma koobna waxa ay kaa caawin kartaa inaad dhaqaale samayso. waxaa maqaalkan faham guud kaa sii doona asset{hanti}, qaybihiisa iyo tusaaalihiisa. Waa maxay asset? asset: ku  ama sida luqada soomaliga laku dhaho Hanti/ usuul   waa walxo asaas u ah oo lama huraan ah, oo gacan ka geysata kobaca iyo guusha ururada ka jira warshadaha kala duwan. Hadday yihiin kuwo jireed, maaliyeed ama maskaxeed, hantidu waxa ay ka ciyaartaa door muhiim ah soo saarista qiimaha, wadista hal abuurka, iyo hubinta tartanka. Usuushu ama hantidu waa khayraad qiimo dhaqaale   leh shakhsi ,shirkad ama wadan uu