Skip to main content

Posts

Showing posts from February, 2024

marketing vs sales: Waa maxay farqiga u dhaxeeya ?

  Meesha mashquulka badan ee ganacsiga la dhaho, laba tartame oo aad isku adag ayaa u tartama soo jiidashada macaamiisha  waana - Iibka iyo Suuq-Geynta . Labadan Xirfad oo firfircoon waxay wadaagaan yoolal guud –{ wadista dakhliga iyo helitaanka macaamiil} - haddana mid kastaa wuxuu leeyahay sifooyin iyo xeelado gaar ah. haddii aan hordhac kaa siiyo : Iibku waa farshaxanka xidhitaanka heshiisyada, halka S uuq-geyntu ay tahay cilmiga abuurista baahida. Si wada jir ah, waxay u sameeyaan laba shaqo oo aan la joojin karin, kuwaas oo ganacsiyada u horseeda heerar cusub oo guulo ah.   Hadaba Aynu furfurno sababaha ay kugal dawan-yihiin  Iibku iyo Suuq-geynta isla markiina dawr ay ka ciyaaraan muuqaalka weyn ee ganacsiga.   Waa maxay Marketing? . marketing waxaa luqada soomaliga lagu dhahaa Suuq-geynta: Waa hab aad alaabtaada suuqa ugu xayasiinayso taas oo Kaa caawinaysa inay alaabtaada ama badeecada hesho suuq fiican oo aad sare u qaadid qiimaha shirkadaada ama  profit-dhalisid.