Skip to main content

Posts

Showing posts from July, 2023

Waa maxay assets ? Qeexitaankiisa, Qaybihiisa , Muhiimadiisa iyo Tusaalayaashiisa.

   Hordhac Maalqabeedanu waxa ay iibsadaan hantida{usuusha}, faqiirku  kharash kaliya ayuu haysta, dadka dabaqada dhexana waxa ay iibasadaan dayn iyagoo hanti  u maleenaya.   {Robert kiyosaki}. Dad badan marka ay ereyga hanti{asset} maqlaan waxaa isla markiiba maskaxdooda ku soo dhacda hantida ay iyagu leeyihiin ama  ay kharash badan ku bixiyeen helitaankeeda iyo isticmaalkeeda. laakin  hantidu intaa kaliya kuma koobna waxa ay kaa caawin kartaa inaad dhaqaale samayso. waxaa maqaalkan faham guud kaa sii doona asset{hanti}, qaybihiisa iyo tusaaalihiisa. Waa maxay asset? asset: ku  ama sida luqada soomaliga laku dhaho Hanti/ usuul   waa walxo asaas u ah oo lama huraan ah, oo gacan ka geysata kobaca iyo guusha ururada ka jira warshadaha kala duwan. Hadday yihiin kuwo jireed, maaliyeed ama maskaxeed, hantidu waxa ay ka ciyaartaa door muhiim ah soo saarista qiimaha, wadista hal abuurka, iyo hubinta tartanka. Usuushu ama hantidu waa khayraad qiimo dhaqaale   leh shakhsi ,shirkad ama wadan uu

Waa maxay SWOT analysis ?

  Introduction xogtu waxa ay noqon kartaa hub awood badan haddii sida saxda ah loo isticmaalo.{ wiston churchel 1874-1965 } Maqaalkan waxa uu faham guud kaa siin doonaa waa maxay swot analysis; waa maxy ahmiyadiisa, waa maxay qaybaheeda, malaga maarmi karaa, sidee sida saxda ah loo isticmaali karaa kadibna anaga oo aan sugin ha kuda kalno: swot analysis{falaqayn ta swot} swot waxa ay u taagnatahay ereyadan:   strength {awood}, weakness {daciifnimo}, oppurtunity {fursadaha}, iyo threat {khatarta}. falqaynta swot waxaa dhihi waa farsamada ama habka lagu qiimeeyo afartaa dhinaca ee ganacsiga. Swot: waxa uu kaa caawinaya inaad qiimayso waxa ay shirkadaadu ku fiicantahay hadda xaadirkan .taas oo kuu ogalanaysa inaad qorshayso mustaqbalka shirkadaada, adigoo ka takhalusaya waxkasta ama meelkasta ay carqalad kaaga timaan karto.   Swot : waxa uu daaha ka qaadaa ama kuu muujinayaa meelaha qanacsigaaga dhib u celinaya, ama meelo haddii aadan ilaalin cadawkaagu kaa faa’idaysan ka