Skip to main content

Posts

Showing posts from August, 2023

Waa maxay Macro Economics | Macnihiisa, shaqadiisa, Faaidadiisa iyo saamayntiisa?

  Hordhac. Waligaa ma is weydiisay marka laga hadlayo  shirkadd caan ah ama mid hadda soo kacday, waxaa laga hadlaa macro economics ama sida luqada soomaliga lagu dhaho dhaqaalaha guud  ee shirkadda,  hadaba :  waa maxay maxay   m a cro economics {dhaqaalaha guud}. ? Waa maxay Shaqadeedu ? Faa’idu intee la’eg bu ganacsiga u hayaa ? Iyo saamayn nooce ah   buu ku yeelan karaa ganacsigaaga.? Waa maxay m a cro economics{dhaqaalaha guud} : Dhaqaalaha guud waa laan kamid ah cilmiga barashada dhaqaalaha, waxa ayna diirada saarta daraasadaynta dhaqaalaha guud ee shirkadda, oo  ay ku jiraan arrimo sida : sicir-bararka, shaqo la’aanta, kobaca dhaqaale, wax soo saarka guud,  iyo dakhliga qaranka ah . Marka  arrimahan la falaqeenayo dhaqaalaha-yahannadu waxa ay raadiyaan inay fahmaan waxqabadka dhaqaale oo dhan ee shirkadda, waxayna dejiyaan siyaasado lagu horumarinayo xasiloonida iyo kobaca dhaqaale. Dhaqaalaha guud waxa uu ka ciyaara dawr muhiim ah qaabaynta siyaasadaha dhaqaale, iyo g

Micro economics? Macnihiisa, Fikradihiisa, iyo muhiimadiisa.

 introduction sida uu P.J.Rourke mar hore yiri “ casharka ugu wayn ee cilmiga dhaqaalaha yar-yar waa in lakala-saaro marka ay tiknolojiyadu ku caawinayso iyo marka ay ku dili doonto” . Inta aan maqaalkeena kuguda jirno waxaan faham guud kaan siin doona :     waa maxay dhaqaalaha yar-yar,     intee buu ukala baxaa .     faaido intee b aan ka heli karaa barashadiisa iyo     sidee buu iga caawin karaa inaan horumariyo ganacsigayga. Wa maxay micro economics {dhaqaalaha yaryar} ? Micro economics ama sida  soomaliga lagu dhaho dhaqaalaha yar-yar : waa cilmiga barashada shakhsiyaadka, qoysaska, iyo shirkadaha habdhaqankooda iyo awooda ay ku leeyihiin go’aan qaadashada iyo qoondaynta khayraadkooda.Waxa ayna khusaysaa suuqyada badeecyada ama adeegyada waxa ayna sidoo kale la tacaamushaa mushkilaad dhaqaale iyo shakhsiyeed ba. micro economics waxay natustaa ama  noo muujisaa sababaha ay badeecadaha kala duwan ay u leeyihiin qiimo kala duwan, iyo sida ay shirkaduhu  ama ganacsiyadu

Waa maxay Asset management? Macnihiiisa, muhiimadiisa iyo qaybihiisaba.

hordhac “ Mareeye  hanti ahaan ujedadaadu waa inay tahay kobcinta hantidaada. Macamiishaadu waa inay ahadaan kuwo ka taajirsan maaraayntaada. Bulshaduna waa inay hodan ka noqotaa maalgashigaaga awgeed” . Hendrith Vanlon Smith Jr          Ganacsato badan ee adduunka ka jira ayaa gartay inta ay tahay khasaaraha ka imaankarta dhinaca waxsoo saarka haddii aysan cusboonsin ama horumarin sida ay ula socod lahayeen ama u maamuli lahaayeen hantidooda. hadaba waa maaxay maaraynta hantida?  Hawal walin Maqaalkeenu inta aan ku dhax jirno  waxaan  ka hadli doona maaraynta hantida macneheeda, qaybaheeda, muhiimadeeda, iyo waxayaabaha looga baahanyahay qofka si uu  ganacsigiisu mid  horumarisan  u noqdo .   Asset management ? Asset management ama sida luqada soomaliga lagu dhaho maaraynta hantida : waa hab dhaqanka kordinta wadarta hantidaada waqti kadib, adigoo helaya, ilaalinya, ama ku maalgaalinaya hantidaada  ganacsi  awood u leh inuu qiimahaaga kor u qaado . Maaraynta hantida: wa