Skip to main content

Posts

Showing posts from September, 2023

Waa maxay SHort term Liability / Qeexitaankiisa, Qaybihiisa iyo Tusaalayashiisa?

Introduction. Deymaha muddada-gaaban waa deymo u baahan in lagu xalliyo sannad gudihiisa ama ka yar. Waxa ayna ka ciyaaraan dawr muhiim ah  dhaqaalaaha ganacsi iyo maamulideeda, iyo sameeynta socodk lacagta caddaanka ah qulqulkeeda, iyo guud ahaan xassillonida maaliyeed. Maqaalakan waxa uu sahamin doonaa ama kaga hadli doona : - qeexitaanka deymaha muddada-gaaban. - ka hadli doona noocyada ama qaybaha deymaha muddada-gaaban. - ku siin doona tusaalooyinka deymaha muddada-gaaban. Qeexitaanka deymaha muddada-gaaban ? Deynta muddada-gaaban ama sida loo yaqaan deymaha hadda jira waa deymo maaliyeed oo la filayo inay shirkadu ku xalliso sannad gudihiisa ama  muddo ka yar, iyadoo cagsi ku ah deymaha muddada-dheer oo lagu bixiyo wixii hal sanno ka badan. Deymaha muddada-gaaban waxa luqada eng li shka lagu dhahaa { short term liability/current liabilit y } . Deymahaan sida caadiga ah waxaa lagu bixiyaa iyadoo la isticmaalayo hantida hadda jirta ama hawl maalmeedka ganacsiga, iyada oo dakh

Waa maxay Long Term Liability: qeexitaan, tusaalayaal, iyo isticmaalkeeda?

Hordhac   Marka laga hadlayo ama la tixgaliyo dhanka maaliyadda iyo xisaabaadka, daynta muddada-dheer waxaa loola jeeda waa deymaha la filayo in lagu bixiyo muddo ka badan 1 sanno. Deymahaani waxa ay dawr muhiim ah ka ciyaaraan qorshaynta  maaliyeed iyo go’aan ka gaarista arimaha gaancsiyeed iyo shakhsiyeed. Maqaalkan waxa u ujedadiisu tahay in uu faham guud kaa siiyo : -waa maxaaydeynta muddada-dheer, qeexitaankeeda. - tusaalooyin nooce bay leedahay. -iyo ka doodista adeegsigeeda   saamaynta ay ku leedahay qaybaha kala duwan. Kabidna ka guda-galno maqaakeena: Qeexitaanka deynta muddada-dheer: Deynta muddada-dheer waa waajibaad maaliyeed oo soconayaa wax ka badan hal sanno, waxaana la ku diwaangaliyaa xaashida deelitirka {balance sheet} ee shirkadda. Waxa ayna u taagan yihiin deymo la filayo in lagu xalliyo wareegyada ganacsi ee caadiga ah ee shirkadda. Deymahaan waxa ay u baahanyihiin lacag-bixinno joogta ah oo muddo dheer ah, haddii kale waxa ay noqonaysaa mid iska ba

Waa maxay Liability, qeexitaankeeda, qaybeheeda iyo Tusaalaheeda?

  Hordhac Maqaalkeenu waxa uu ka hadli doona liability oo luqada somaliga lagu dhaho {deynta}. waxaana inta aan kuguda jirno maqaalkeena kaga hadli doonaa: - Waa maxay qeexitaanka liabililty{deynta}. -   Intee   qeybood ayey ukala baxdaa deyntu. -   Iyo waa maxay tusaalayaasheeda. Qeexitaanka liability{deynta} Deyntu marka loo fiiriyo dhinaca maaliyadda iyo xisaabaadka waa tixraac waajibaadka ama deymaha   oo uu urur ama qof ku leeyahay dhinac kale. Deyntu waxa ay ka imaan karaan wax kala iibsiga ama dhacdooyin hore. Waxaana la filayaa in dejintooda ama iskabixindoontooda ay ku lug leedahay wareejinta hantida, ama iibinta alaabyada iyo adeegyada. Deyntu waa waxkasta ama sheywalba oo qof ama shirkad lagu leeyahay. badanaa   waaxa ay noqotaa lacag. Deynta waxaa lagu xaliyaa waqti ka dib iyadoo loo bixinayo qaybo ahaan, iyadoo oo loo marayo ama laga bixinayo faa’diooyinka dhaqaale ee ay shirkadu ka hesho lacagta ay maalagaliso,ama alaabta iyo adeegyada ay iibiso. De

Macro Economics vs Micro Economics, waa maxay farqiga u dhaxeeya?

  Introduction. Macro  iyo Micro economics  waa labada laan ee dhaqaalaha, waxa ayna la tacaamulaan waxkasta oo dhaqaalaha khuseeya. Waxaana  maqaalkeena kaga hadli doona:  Waa maxay macro economics.  Waa maxay micro economics.  Waa maxay farqiga u dhaxeeya { macro vs micro} Macro iyo micro economics ama sida luqada soomaliga lagu dhaho dhaqaalah guud iyo dhaqaalaha yar-yar waa labada laamood oo tiirka u ah dhaqaalaha. Macro economics {dhaqaalaha guud} waaxa ay daraasaysaa qaraaraadka guud ee waddanka iyo dawladda, halka Micro economics {dhaqaalaha yar-yar} ay daraasadayso qaraaraadka shakhsi ee qofka ama shirkad qaadato. Waa maxay macro eocnomics ? Dhaqaalaha guud waa laan kamid ah cilmiga barashada dhaqaalaha , waxa ayna diirada saarta daraasadaynta dhaqaalaha guud ee shirkadda , oo  ay ku jiraan arrimo sida : sicir-bararka, shaqo la’aanta, kobaca dhaqaale, wax soo saarka guud,  iyo dakhliga qaranka ah. Dhaqaalaha guud waxa uu ka koobanyahay fikrado ama siyaasado badan, kuwaas