Skip to main content

Posts

Showing posts from 2023

Finance management: macnaheeda, qaybaheeda, shaqadeeda iyo muhimadeeda ?

Hordhac   Lacagtu , waa hantida aasaasiga ah ee nolosheena, iyada ayaa haysa furaha furitaanka adduunka fursadahiisa. Hase yeeshee, haddii uu-san jirin maamul maaliyadeed oo habboon, waxay ka dhex-bixi-kartaa faraheena, taas oo nagaga tagaysa dareen culus oo aan la qaadi karin. Muuqaalkan dhaqaale ee xawliga ku socda oo is beddelaya, fahamida fanka maaraynta maaliyadda ayaa noqonaysa muhimadda koowaad ee ay ganacsiyadu ku kala hormaraan.   Maqaalkani waxa uu ujeedadiisu tahay in uu iftiimiyo:   t Fahmida macnaha maamulka maaliyadda ?     t Muhiimada maamulka maaliyadda?     t Iyo sababta keentay in ay ganacsiyadu uga horreeyaan kuwa kale?   Kahor inta aan guda galin maqaalkeena   waxaan rabaa inaan ku siiyo sharax guud oo ka hadlaya waa maxay finance{maaliyadda}. maaliyaddu :   waa maamulka lacagta, maalgashiga, iyo sidoo kale daraasaddaynta sida lacagta loo qoondeeyo iyo sida looga faa'iidaysto. waxay ku lug leedahay samaynta go'aannada ku saabsan heli

Sidee maareynta financial planning ka qayb-qaadataa horumarka ganacsiga ?

  Haddii aad rabto inaad maamusho  maaliyadaada mid  shakhsi ama ganacsi ahaaneed ba, waa inaad fahamtaa xogta aan hadda kuu sheegayo. Sababta oo ah waxa ay kaa caawinaysaa inaad maareyso maaliyadaada habka ugu fiican, una tayo-wanaagsan iyo ugu macquulsan. Xogta aan ku siindoono maaha xog iska hadal ah laakin, waa xog ay shirkadu sida [apple,micro-soft, amazon] ay isticmaalaan si ay ganacsigooda u mareeyaan. Ka hor inta aan ka hadlin maareynta financial planning, marka kowaad waa inaan is waydiina 2 su’aalood, oo gaashaan u ah fahmida xogta aan kuu sheegi doono .   Waana sidatan :   Q1: Waa maxay financial planning? financial planning : waa habka dejinta iyo xaqiijinta yoolalka maaliyadeed, ee shirkadaha ama ururada iyada oo la marayo maaraynta saxda ah ee hantida. Financial planning Waaa habka hagitaan qorshahaaga maaliyadeed si aad ugu diyaar-garowdo inaad ka soo baxdo waajibaadkaaga iyo ujeedooyinkaaga ganacsi/ shakhsi ahaneed mustaqbalka soo socda. Taas oo   kaa

Waa maxay Financial planning: Qeexitaankeeda, Qaybaheeda, Ujeedadeeda, iyo Muhiimadeeda?

  Financial planning ama sida luqada somaliga lagu dhaho Qorshaynta maaliyadeed haddii aan hordhac kaa siiyo waa sawir dhamaystiran oo ku saabsan dhaqaalahaaga hadda, yoolalkaaga maaliyadeed iyo xeelad kasta oo aad dejisay si aad u gaadho yoolalkaas. Intaa kadib Mawduceena manta  waxa ay ujeedadiisu tahay in uu u guntado waa maxay:       -     nuxurka qorshayaasha maaliyadeed, sahaminta macnahooda.       -     furfuridda ujeeddadooda.       -   iyo kala qaybinta qaybaha muhiimka ah,ee si wadajir ah gacan uga geysta guusha maaliyadeed . Hadaba : Waa maxay qorshaynta maaliyeed? Qorshaynta maaliyeed waa habka dejinta iyo xaqiijinta yoolalka  maaliyadeed   ,  ee shirkadaha ama ururada iyada oo loo marayo maaraynta saxda ah ee hantida.  Qorshaynta maaliyadeed waxa ay ku lug leedahay qiimayn dhamaystiran oo lagu sameeyo qofka xaaladiisa lacag (dakhliga, kharashka, deynta, iyo kaydinta) iyo waxa laga filayo mustaqbalka (maalgashi). Waxaa loo abuuri karaa si madax banaan ama iyadoo lala kaash