Skip to main content

Noocyada Suuqgeynta Affiliate

    Suuqgeynta affiliate waa istaraatijiyad waxqabad ku salaysan halkaas oo shakhsiyaadka (xubnaha) ay kor u qaadaan badeecadaha ama adeegyada ganacsadaha oo ay kasbadaan komishan iib kasta ama ficil kasta oo ay ku abuurmaan dadaalkooda.  Waxaa jira dhowr nooc oo suuqgeyn xiriir la leh, mid walbana leh astaamo iyo habab gaar ah. Qaybaha affilaite marketing   1. Pay-per- Sale (PPS): Kani waa nooca ugu caansan.  Xiriiriyayaashu waxay kasbadaan komishan marka macaamilku wax ku iibsado isku xirka tixraacooda.  Tusaale ahaan, kuwa ku xidhan xayaysiinta tafaariiqle moodada ayaa heli doona boqolkiiba iibka marka macaamiishu iibsadaan shay kadib marka uu gujiyo xidhiidhkooda.   2. Pay-per-click (PPC): Qaabkan, kuwa raacsani waxay kasbadaan lacag gujis kasta oo lagu sameeyo xiriirkooda, iyadoon loo eegin haddii iibku dhaco.  Habkani waa mid caan ka dhex ah kuwa xidhiidhka la leh ee isticmaala xayaysiis lacag leh si ay ugu wadaan taraafikada goobaha gana...

Sidee Current asset looga Sooci karaa qaybaha kale ee hantida?

 

introduction

haddii aan hordhac kaa siiyo current asset: waxaa somali ahan lagu dhahaa hantida hadda jirta. Waxa ayna qayb muhiim ah ka tahay caafimaadka maaliyeed ee shirkadda iyadoo dhinac la taagan lidkeeda fixed asset ah, waxa ayna dawr muhiim ah ka ciyaarta soo gelida dakhliga iyo buuxinta waajibaadka maaliyeed. 

Haddaba :

     -        Waa maxay current asset.

     -        Inventory cuuren asset miyaa mise maaha.

     -        Current asset vs Non-current asset.

Waa maxay current asset.

Hantida hadda jirta waa hantida la filayo in lagu beddelo lacag caddaan ah sannad gudihiisa. Hantidaani waxa ay nuhiim u tahay shirkada maalkeeda iyo awooda ay shirkadu u leedahay inay bixiso waajibaadkeeda maaliyeed hadda.


Hantida hadda jira waxaa lagu qoraa shirkadda bugeda {balance sheet}ah, waxa ayna dawr muhiim ah ka ciyaaran qiimaynta dhaq-dhaqaaqyada caafimaadka maaliyeed ee shirkadda iyo awooda ay ku leedahay inay ku gudato waajibaadkeeda waqti kooban.

Qaybaha current asset.

Waxaa jira qaybo badan oo kala duwan ee current asset ka mid ah oo ay shirkadu leedahay waxaana ka mid ah :

          -        Lacagta caddanka ah{cash} : tani waxa ay tilamaayasaa lacagta caddaanka ah ee shirkada gacanta ugu jirta iyo hanti kasta ee dareera ah oo si fudud lagu bedeli karo lacag caddaan ah.

 

-        Xisaabadka la heli karo{account receivable}: waa dhammaan qiimaha lacageed ee  adeegyada iyo badeecada ay shirkadu ku leedahay macamiisha.

Waxaana loo xisaabinayaa inay tahay hantidda hadda jirta haddii aan muddo sanad guadaheed lagu bixin

  • Alaabta {Inventory} : allaabtu/badeecado  waxa ay kamid yahay current asset ka, waxa uu kamid yahay alaabaha ay shirkadu  u hayso iib ama wax soo-saar ahaan , waxa ay ka koobnaan kartaa allaabah ceerinka ah, shaqada-sii-socota, alaabta dhamaatay. Qiimaha alaabtan waxa ah lagu diwaangaliyaa qiimaha suuqa. Sida sawirkan hoos ka muuqda :

si kasta ha ahaate, hababka xisaabdaka kala duwan ayaa hagaajin kara alaabaha, maraka qaarkoodna waxaa laga yaaba inaysan u dareerin sida hantida kale ee hadda u qalma iyadoo ku xiran badeecada iyo qaybta warshada.

 

          -        Kharash hore u bixinta{prepaid expenses}:  kharashyada hore loo bixiyo waa lacag bixinta horay loogu sii diyaariyey alaabaaha ama adeegyada mustaqblka la heli doono. Waxaana kamid ah tusalayeshada: kirada horay loo bixiyey, khidmadaha caymiska, kharashada xayasiinta horay loo bixiyey.

Fg: kharash hoary u bixinta waa istartijiyad ay shirkaduhu isticmaalan si ay uga takhalusaan caqabdaha mustaqbalka imaanaya iyagoo si taxadar ah usii maalgashanaya, waxaana la filayaa inay qiime dhaqaale ganacsiga u geenaan.

 

           -        Damaanda suuq-geynta{marketable securities}: waa hantida maaliyeed oo si fudud laga iibsan karo ama lagu iibin karo suuqa. Waxaana kamid ah sida: curaarta, saamiyada, iwm. Waxaana lagu qoraa buuga xaashida dhelietrka ee shirkadda sabata oo ah waxaa si fudud loo bedeli karaa lacag {cash}.

 

           -        Maalgashi muddo dhow{short term investment}: waa hantida la iibin karo ama lagu bedeli karo lacag caddan ah muddo sanad guadaheed, waa maalgashiyada ay shirkadu ku samayso waa hanti dareera ah waxa ayna ka koob-naan kartaa: biilasha khasnadaha, lacagaha suuqa iyo incertifice deposit.

 

Kuwaani waa qaar kamid ah noocyada ugu muhiimsan ee current asset ee ay shirkadu yeelan karto. Waxaana muhiim ah shirkadu inay si wax ku-ool ah u maamusho hantidaas si ay u xaqiijiso dakhli ku filan.

 Tusaalooyinka current asset.

Tusaalooyinka current asset waa ay fara badan yihiin, waxaana ugu cansan uguna macquulsan ee  oo aan kuu sheegi karo waa cash. Waxaana sidoo kale ka mid naqon kara sida  :

         1.   Akoonada bankiga.

         2.   Lacagta gacanta lagu hayo.

         3.   Allaab la iibiyey.

         4.   Lacag macamiisha ka helnay.

         5.   Kirada iyo caymisyada.

Kuwaas waa tusaalooyinka ugu caansan oo uu current asset shirkadu u  leedahay, waxa ayna muhiim u yihiin dhaqdhaqaayda muddada gaaban ee shirkadda, waxa ayna sidoo kale la xiriiraan wax kala iibsiga maallin-laha ah.

Formulada Hantida hadda jirta.

Formulada loo isticmaalo in lagu xisaabiyo current asset, waxa ay metelaysaa wadarta dhamaan hantida muddada gaaban ee ay shirkadu haysato.

Habka guud ee xisaabinta current asset waa :

 

Current asset =  C + CE + AR + I + PE + MS + OST.

 

HALKA uu :

C   =   Cash

CE =   Cash equivalent

AR =  Account receivable

I     =   Inventory

PE  =   Prepaid expenses

MS  =  Marketable securities

OST = Other short term-assets.

 

Marka la isku daro qaybahan gaarka ah, waxa go’aamin karnaa hnatida guud ee shirkadda.

Qaacidada ee current asset waxaa loo isticmaala in  lagu xisaabiyo dhammaan hantida shirkadda ay ku leedahay xaashida dheelitirkas.

Su’aal :Waxaana macaquul ah inaad is waydiiso formuladan maxaa laga faa’idayaa isticmaalkeeda ? 

Jwb: waxaa loo isticmaala si loo kala karto hantida halsanno gudaheed la isticmaalayo iyo qaybaha kale ee hantida ee shirkadda ku talagayso si dakhli u dhaliyaan.

Fg: waxaa muhiim ah in la ogaado in qaybahan gaarka ah ay kala duwanaan karaan iyagoo ku xiranyihiin heerarka xisabaadka iyo mumaarasaatka ay shirkadu raacdo.

 

 

Current asset vs non-current asset.

Hantida waxaa loo gala saara labo qaybood oo ah hantida hadda jirta iyo hantida go’an, waxaana lagu taxaa xaashida hadhaaga ee shirkadda. waxaana ku tusi doona sharax fahfaahsan oo kuu gala cadeynaya farqiga u dhaxeeya labadooda.

Current asset

sida aad horay kusoo aragtay ama aad soo akhrisay Current asset{hantida hadda jirta} waa hantida la filayo in loo bedelo lacag caddaan ah sanad gudaheed.

Yacnii waxaa laga waddaa waa hanti shirkadda hadda taala waxaana loo badalayaa lacag, iyadoo la iibinayo ama la isticmaalayo. laakin waxaa shardi ah in 1 sanno gudaheed la isticmaalo haddi kale waxaa loo qadayan inay tahay hati go’an.

Tusaalaha ugu wayn aan kaa siin kari hantida hadda jirta waa allaabta/badeecada, tusaaloyin kale wey jiraan laakin kanaa ugu caasan.

Non-current asset

Hantida hadda jirta sidoo kale loo yaqaan hantida go’an waa hantida ay shirkadu haysato in ka badan hal sanno, lacagna uma badesho, hantidaasna waqti dheer bay ollaadaan. Waxaana loo isticmalaa in dahkli laga soo saaro muddo dheer.

Tusaalaha ugu fiican aan kaan siin karo hantida go’an waa dhismaha ay shirkaddu ku shaqayso. Iwm

Farqiyo kale u dhaxeeya hantida go’an iyo hantida hadda jirta waa wakhtiga la filayo in la isticmaalo ama muddada jireedka labadooda.

Waxaana muhiim u ah gancasiyadu inay si sax ah umareeyaan hantida hadda jirta iyo kuwa go’an si loo xaqiijiyo xasillonida maaliyeed iyo hufnaanta hawleed.

 

Dulmar.

Gabagadii waxaan dhihi lahaa hantida hadda jirta waa hanti ay shirkadu filayso inay u beddelato lacag caddaan ah ama istcimaasho 1 sanno gudaheed. Caadi ahaan waa hanti dareera ah oo diyaar u ah in la isticmaalo.

Waxaana ka mid ah tusaalooyinkeeda oo lagu garto ama lagu kala saaro hantidaan inay tahay hanti hadda jirta waa kow: lacagta, xisbaadka macamiisha, allabta, kharash hordhac ahaan loo bixiyey, dammanad suuq geyn ah, maalagshi muddo gaaban, iwm.

Maareynta hantidan si wax ku ool ah ayaa muhiim u ah xasillonida maaliyeed. Waxa ayna hubisaa inay shirkadu heysato lacag ku filan, oo ay ku buuxin karto waajibaadkeeda muddada-gaaban sida bixinta mushaharka shaqaalaha, kharsahka hawlgaleedka iwm.

Marka la kormeero oo la wanaajiyo hantida hadda jirta, shirkadu waxa ay sii wadi kartaa socodka/ qulqulka lacagta caddaanka ah oo samayn karta go’aanno xog ogaal ah oo ku saabsan baahiyeeda raasamaalka shaqaynaysa.     MAHADSANID....

 


Comments

Popular posts from this blog

Muhiimada ay Suuq-Geyntu U leedahay ganacsiyada?

  Marka laga hadlo ama lasoo qaado  shirkad ganacsiyeed oo kor u kacday ama hoos u dhacday, waxaan is-weydiinaa 1 shey oo sababi kara hoos ama kor ukaca oo ah badeecada oo ah : Q1.  Shirkaddu Suuq-Geyn fiican maleh miyaa ? Hadaba:   ü Waa maxay Suuq-Geyntu?   ü  waa maxay muhiimada ay suuq-geyntu ganacsiga u leeyahay.     ü sidee  uga qayb-qaadataa kor/ hoos u kicida ganacsiyada ?     Qeexitaanka Suuqgeynta. Suuq-geyn waxaa lagu qeexi karaa habka aqoonsiga, odoroska, iyo qancinta baahiyaha macaamiisha iyo rabitaanka iyada oo loo marayo abuurista, isgaarsiinta, iyo bixinta qiimaha. Waxay ku lug leedahay hawlo dhammaystiran, sida cilmi-baarista suuqa, horumarinta alaabta, qiimaha, qaybinta, horumarinta, iyo maamulka xiriirka macaamiisha. Xeeladaha suuqgeyntu waxaa loo qorsheeyay in-ay saameeyaan hab-dhaqanka macaamilka, abuuraan wacyi-gelin sumcadda, iyo ugu dambayntii ay kiciyaan iibka iyo faa'iidada. Suuqgeyntu waxa ay ka mid t...

Waa maxay principle of management{xeerka maamulka}?

  introduction {hordhac}  Haddii uu hamigaagu yahay inaad shirkad ama urur maamulid oo aan gararin sida wax loo maamulo markaas topickan wuxuu kaa caawindoonaa ama fikir guud kaa siin doona sida wax loo maamulo. Principle of management Waa xeerka maamulida shaqooyinka   aasaasika ah taas oo ah   inaad qorshayso, maamusho, xakamayso, hagto iyo shaqaalayso dadka aad maamulo u tahay. Suaalooyin badan baa kuusoo dhacaya markaad akhhrinayso xeerka maamulida waxaan, iswaydiindoontaa waa maxay xeerka koowaad{ 1 } ee maamulka jawaabtuna waa : Delegation {ergo ama wafdi}. Ergadu{ delegation }: waa inaad qof mas’uuliyad siiso ama inuu meel maamulo adigoo siinaya fasaxa inuu maamuliko meesha ama   siinaya awooda uu ku xambaari lahaa mas’uuliyadaas, waana habka qaybinta shaqada si ay firfircawnidu u badato, shirkadaaduna si fiican u shaqayso, adiguna hogaamiye lagu dayno ama tusaale{ role model} noqoto. xeerarka ee principle of management Ninka loo yaqaano HENRI...

Side loo maareeyaa khataraha Maaliyeed ee Ganacsiga?

Bilaabida ganacsigu waxay noqon kartaa dadaal dhaqaale ahaan mid khataro badan ku keeni kara. Si kastaba ha ahaatee, haddii si taxadar leh loo qorsheeyo oo fuliyo, waxaad yareyn kartaa ama xitaa ka hortagi kartaa  khatarahaas.   Inta kadib,   inta aad maqaalkeena kuguda jirto waxaad ku barandoontaa :       -   Qeexitaanka  khataraha maaliyeed?         -    Waa maxay maareynta khataraha maaliyeed?         -    Sidee loo ogaadaa khataraha maaliyeed?         -    Hababka oo aad ku maareyn-karto khataraha maaliyeed?         -    Iyo 5 tallabo la qaado kahor inta aadan ganacsi bilaabin?   Qeexitaanka    khataraha maaliyeed? khataraha maaliyeed waa xaalad uu nidaamka maaliyadeed ee dal ama deegaan uu la kulmo khalkhal ba’an oo lama filaan ah oo ku yimaada hab-socodka caadiga ah ee suuqyada iyo ...