Skip to main content

Noocyada Suuqgeynta Affiliate

    Suuqgeynta affiliate waa istaraatijiyad waxqabad ku salaysan halkaas oo shakhsiyaadka (xubnaha) ay kor u qaadaan badeecadaha ama adeegyada ganacsadaha oo ay kasbadaan komishan iib kasta ama ficil kasta oo ay ku abuurmaan dadaalkooda.  Waxaa jira dhowr nooc oo suuqgeyn xiriir la leh, mid walbana leh astaamo iyo habab gaar ah. Qaybaha affilaite marketing   1. Pay-per- Sale (PPS): Kani waa nooca ugu caansan.  Xiriiriyayaashu waxay kasbadaan komishan marka macaamilku wax ku iibsado isku xirka tixraacooda.  Tusaale ahaan, kuwa ku xidhan xayaysiinta tafaariiqle moodada ayaa heli doona boqolkiiba iibka marka macaamiishu iibsadaan shay kadib marka uu gujiyo xidhiidhkooda.   2. Pay-per-click (PPC): Qaabkan, kuwa raacsani waxay kasbadaan lacag gujis kasta oo lagu sameeyo xiriirkooda, iyadoon loo eegin haddii iibku dhaco.  Habkani waa mid caan ka dhex ah kuwa xidhiidhka la leh ee isticmaala xayaysiis lacag leh si ay ugu wadaan taraafikada goobaha gana...

Fixed Asset : Waa maxay Qeexitaankiisa, Formuladiisa, Qaybihiisa iyo muhiimadeeda?

 

Fixed asset ama sida luqada somaliga lagu dhaho hantida go’an, waa qayb muhiim ah oo ka mid ah  qaybaha hantida, waxaana lagu qoraa xaashida dheelitirka ee shirkadda, oo ka dhigan maalgashi wakhti-dheer ah oo qiimo u leh ganancsigaaga muddada dheer.

Maqalakan waxa uu kaaga sahmin doonaa in uu faham guud kaa siiyo hantida go’an, oo ay ku jirto qeexitaankeeda, qaybaheeda, qaacidadeeda, waxa ayna sidoo kale bixin doontaa tusaalayaal si aan u muujino muhiimadooda xisabaad xireed.

Qeexitaanka hantida go’an{fixed asset}

Hantida go’an waa hantida la taaban karo oo ay shirkadu leedahay, oo ay u adeegsato hawlaheeda gaancsi si ay u siiso addegyada iyo alaabada macamiisheeda, uagan caawiso kor u qaadida dakhliga. Hantida go’an oo ay ka mid yihiin qalabyada, warshadaha, dhulalka iyo geedaha ay shirkadu leedahay, waxaa loo tixgaliyaa inay yihiin hantida go’an.

Hantid go’an waxaa sidoo kale loo yaqaan hantida ma guurtada ah oo ah hantida aan la taaban karin oo aan la iibin karin, oo ay shirkadu leedahay oo ay soo iibsatay, una isticmaasho si ay dakhli u soo saarto ama u taageerto hawlaheeda muddo dheer. Hantidan laguma talagalin in la iibiyo inta lagu guda jiro habka caadiga ah ee ganacsiga.


Hantida go’an waxaa lagu qoraa xaashida haraaga{balance sheet} ee shirkadda, iyadoo laga soocayo qaybaha kale ee hantida oo ah hantida hadda jirta{current asset}.

Qaybaha Hantida Go’an.

Hantida go’an waxa ay ukala baxdaa qaybo kala duwan oo badan, waxa ayna badanaa ku xiran yihiin hadba nooca ay shirkadu tahay, iyo hantida ay leedahay. Laakin waxaa dhihin karnaa waxaa jira  labo qaybood oo asaasi u ah , waxa ayna kala yihiin

        1.   Hantida la taaban karo:

 Hantida la taaban karo Waa hanti jireed, waxaana loola jeedaa waa hantida muddada dheer raagta ee ay shirkadu ama ururku hayso, hantidaas oo leh alaab jireed raagta iyo cimri dheeri ka badan hal xilli xisaabin. Hantidaan waxaa loola adeegsadaa soosarida iyo gaarsiinta badeecadaha iyo adeegyada, waxa ayna faa’ido dhaqaale siiyaan hay’adaha ama shirkadaha waqti ka dib. Waxaa kamid ah tusaalayasheda:

        -        Dhulalka iyo dhismayaasha:  waxa ayna ka koobanyihiin hantida iyo dhulalka ay shirkadu  leedahay, sida: xafiisyada, bakhaarada, warshada, dhulala ganacsi, goobaha waxa soo-saarka iwm.

        -        Mashiinada iyo qalabka: waxaana ka mid ah waxa kasta ay shirkadu ku shaqayso sida: mashiinada, baabuurta, motoorada, kumbiyutarka , qalab warshadeedka, iyo wax kasta oo hawl gal ganacsi loo isticmaalo.

         -        Alaabooyinka iyo aqabka: waxaana ka mid ah : kuraasta, miisaska, fadhiyada, khaanadaha, nalalka, saqafka, iyo waxkasat ganacsi loo isticmaalo.

         -       Hagaajinta kirada: waa arimaha la xiriira marka ay shirkadu kirayso hanti aysan faa’ido badan ka helin, sidaas darteed way kireeyaan si ay dakhli xoogga nool ka samayso.

Intaa kor ku xusan waxa ay ka mid yihiin tusaalyasha hantida la taaban karo, waxa ayna ku xiranyihiin qiimo-dhimis taas oo qoondenaysa khaarshka noloshooda waxkartaka leh, maareynta saxda ah iyo daayctirka ayaa laga maarmaan u ah si loo xqiijiyo cimrigooda, oo kor loo qaado qiimaha ay ganacsiga ku leeyihiin

 

          2.   Hantida aan la taabin karin:

Hantida aan la taabin karin waa hantid aan jirka ahayn ee muddada dheer ay leedahay shirkadu ama urur,  laakin qiimo leh waxa ayna iibisaa faa’idooyin dhaqaale muddo dheer.  Iyadoo ka duwan  hantida lao taaban-karo, hantida aan  la taaban karin si sahlan ma muuqato ama lama qiyaasi karo. Waxa ayna caadi ahaan ka dhalataa xuquuqaha garaadka ama  sharciga ah, waxa ayna lama huraan u yihiin  guusha iyo faa’idada tartanka ganacsi. Waxaana ka mid ah tusaalaysheda:

         -        Shatiyada iyo franchises: heshiisyada shatiyada ama xuquuqaha ganacsi oo siinaya shirkadda xuquuq gaar ah ama in uu isticmaali garo magac gaar ah, iyadoo xuquuqdaas dawladda ka dabanaya, marka loo  ansixiyo oo uu magacaa ama xuquuqdaa gaancsi gar u noqonayo.

Fg:haddii ay shirkad kale isticmaasho magacaas ama xuquuqaha gancasi ee adiga gaar ku aha waa la ganaaxi doonaa shirkadoodana waa la xiri doonaa.

         -        Hanti caqliyeedka: hanti caqliyeedku waxa ku jira xuquuqaha daabcada, calaamdaha ganacsi, shatiyada, iyo siraha ganacsi ee bixinta iyo ilaalinta ikhtiraacaadka, shaqooyinka aslaka ah, dhaqamada ganacsi ee gaarka ah iwm.

        


     -        Software : software-ka lahelay ama gudaha lagu sameeyey ee loo siticmaalo arrimo kala duwan  sida hawl-gallada, maamulka, naqshadaynta, iyo adeegida macamiisha. Waxaa loo arkaa hanti go’an aan la taaban karin.

        -        Xidhiidhka macaamiisha: marka ay shirkadu hesho ganacsi kale, waxaa laga yaabaa in ay u aqoonsato qiimaha saldhiga macamiilka oo ah hantida go’an oo la taaban karin, taas oo ku salaysan daacadnimadda macamiilka iyo dakhliga mustaqbalka.

Qiimaha maaliyeed ee hantida aan la taaban karin ayaa sida caadiga ah ka muuqata xaashida dheelitirka iyada iyo qaybteeda kale, waxaana la dhimi karaa ama lagu qaadi karaa imtixaano liidato si loogu xisaabtamo nolooshooda ama inta ay shirkadda yaalaan faa’idooda ama hoos u dhaca qiimaha waqti ka dib.

Formulada hantida go’an

Habka loo xisaabiyo hantida go’an waa hab toos ah waana tan:

fixed asset =  total asset - current asset – intangible asset.

Hantida go’an = wadarta hantida - hantida hadda - hantida aan la taaban karin.

Hadaba aynu kala qaybino qaybaha qaacidanan:

      1.   Wadarta hantida: waxaa loola jeeda wadarta dhamaan hantida ay shirkadu leedahay. Waxaana ku jira labada  qaybood ee hantida.

      2.   Hantida hadda jirta: kuwani waa hantida la filayo in lagu bedelo lacag caddaan ah ama la isticmaalo hal sanno gudaheed.

       3.   Hantida aan la taaban karin: waxa ay qayb ka tahay hantida go’an,  waana hantida aan jir lahayn oo aan lahayn waaxa jireed laakin leh qiimo dhaqaale oo la taaban karo.

Marka current asset iyo  intangible asset aan ka jarno  total asset, waxaa noo soo baxaya qiimaha hantida go’an oo dhabta ah oo ay shirkadu leedahay.

Qiimaha hantid go’an ee markaa nosoo baxay waxaa ku diwaangalinaynaa xaashida dheelitirka shirkadda, kadibna waxaa loo gudbinayaa hantiilaha shirkadda waxaana lagu barbarshigayaa sannadkii hore wixii soo baxay, markaas ka dib baa la go’aamin doona waxaa lagu smayn doono hantida go’an ee shirkadda taala.

Muhiimadda hantida go’an.

Hantida go’an waxa ay muhiim u tahay maamulida iyo maaraynta hantida shirkadda, waxa ayna lama huraan u tahay kobaca dhaqaale iyo guusha mustaqbalka fog ee shirkadda. Waxa ayna bixiyaan qiimo tageera hawlgallada oo ay gacan ka geystaan faa’idada tartanka ee shirkadda.

 

Waana kuwan qaar ka mida ah sababaha  ee ay hantida go’an muhiim u a tahay :

i.                  Qiimaha muddada dheer: hantida go’an waxa ay siisaa qiimaha muddada dheer ee ganacsiga, iyadoo u suurtagelinaysa in uu dakhli soo saaro oo uu taageero hawlihiisa muddada dheer.

ii.               Maalgalinta iyo kobaca: helotaanka iyo ilaalinta  hantida maguurtada ah waxa ay ubaahantahay maalgashi la taaban karo. Hantidaan ayaa lama huraan u ah kobaca ganacsiga iyo fidinta.

iii.           Faa’idada tartanka: haysashada hanti ma guurto ah oo casri ah waxa ay siin kartaa shirkadda tartan ah suuq. Tani waxa ay ka caawin kartaa ganacsigu in uu soo jiito oo uu sii hayo macamiishiisa.

iv.            Maaraynta hantida iyo xakamaynta qiimaha: maaryanta saxda ah ee hantida laga maarmo si loo xaqiijiyo isticmaalkooda ugu wanaagsan, lana yareeyo waqti dhimistooda. Iyagoo si fiican u xakameenaya dhaqaalaha, ganacsiyadu waxa ay yarayn karaan carqalada shaqada iyo ka fugaanshaha kharashada deeraadk ah.

v.               Go’aan-qadashada warbixinaha maaliyeed : qiimaynta dhabta ah iy ka warbixnita hantida go’an waxa ay siinaysaa daneenayasha shirkadda inay helaan macluumaad qiimo lej oo ku saabsan booska maaliyeed iyo wax-qabadka  ee shirkadda.

 

Fg :maaraynta wax ku-oolka ah iyo xisaabinta saxda ah ee hantida go’an ayaa muhiim u ah kor u qaadida isticmaalkooda, loo xakameeyo kharshaadka, iyo bixinta macmluumaad maaliyeed ee saxda ah ee go’aan ka qaadashada ah.

Gunaanad.

Gabgabadii waxaan dhihi lahaa, hantida go’an ayaa lama huraan u ah ganacsiyada maadaama ay bixiyaan qiime waqti dheer ah oo ay taageeraan hawlahooda. Waxaana loo kala saaraa labo qaybood oo ah hantida la taaban karo sida :{dhul, dhismayaal, mashiino, gaari} iyo hantida aan la taaban karin sida{ shatiyada, xuquuqda daabacada, calaamdaha ganacsi, iwm} .

Hantida go’an waxa ay leedahay dawr muhiim ah, sabatana waxa ay gacan ka geystaa faa’idada tartanka ee shirkadda, iyagoo awood siinaya inay dakhli samaysan karaan. Maaranta saxda ah ee hantida go’an ayaa muhiim u ah xakamaynta qiimaha, hagaajinta hantida, yaraynta carqaladaha hawlgalada, iwm.

Warbixinta saxda ah ee hantida go’an waxa ay bixisaa macluumaad maaliyeed oo qiimo u leh go’aan gaarista, waxa ayna ka caawisaa daneenayasha inay qiimeeyaan booska maaliyeed ee shirkadda iyo waxqabadkeeda............................MAHADSANID.

 

Comments

Popular posts from this blog

Muhiimada ay Suuq-Geyntu U leedahay ganacsiyada?

  Marka laga hadlo ama lasoo qaado  shirkad ganacsiyeed oo kor u kacday ama hoos u dhacday, waxaan is-weydiinaa 1 shey oo sababi kara hoos ama kor ukaca oo ah badeecada oo ah : Q1.  Shirkaddu Suuq-Geyn fiican maleh miyaa ? Hadaba:   ü Waa maxay Suuq-Geyntu?   ü  waa maxay muhiimada ay suuq-geyntu ganacsiga u leeyahay.     ü sidee  uga qayb-qaadataa kor/ hoos u kicida ganacsiyada ?     Qeexitaanka Suuqgeynta. Suuq-geyn waxaa lagu qeexi karaa habka aqoonsiga, odoroska, iyo qancinta baahiyaha macaamiisha iyo rabitaanka iyada oo loo marayo abuurista, isgaarsiinta, iyo bixinta qiimaha. Waxay ku lug leedahay hawlo dhammaystiran, sida cilmi-baarista suuqa, horumarinta alaabta, qiimaha, qaybinta, horumarinta, iyo maamulka xiriirka macaamiisha. Xeeladaha suuqgeyntu waxaa loo qorsheeyay in-ay saameeyaan hab-dhaqanka macaamilka, abuuraan wacyi-gelin sumcadda, iyo ugu dambayntii ay kiciyaan iibka iyo faa'iidada. Suuqgeyntu waxa ay ka mid t...

Waa maxay principle of management{xeerka maamulka}?

  introduction {hordhac}  Haddii uu hamigaagu yahay inaad shirkad ama urur maamulid oo aan gararin sida wax loo maamulo markaas topickan wuxuu kaa caawindoonaa ama fikir guud kaa siin doona sida wax loo maamulo. Principle of management Waa xeerka maamulida shaqooyinka   aasaasika ah taas oo ah   inaad qorshayso, maamusho, xakamayso, hagto iyo shaqaalayso dadka aad maamulo u tahay. Suaalooyin badan baa kuusoo dhacaya markaad akhhrinayso xeerka maamulida waxaan, iswaydiindoontaa waa maxay xeerka koowaad{ 1 } ee maamulka jawaabtuna waa : Delegation {ergo ama wafdi}. Ergadu{ delegation }: waa inaad qof mas’uuliyad siiso ama inuu meel maamulo adigoo siinaya fasaxa inuu maamuliko meesha ama   siinaya awooda uu ku xambaari lahaa mas’uuliyadaas, waana habka qaybinta shaqada si ay firfircawnidu u badato, shirkadaaduna si fiican u shaqayso, adiguna hogaamiye lagu dayno ama tusaale{ role model} noqoto. xeerarka ee principle of management Ninka loo yaqaano HENRI...

Side loo maareeyaa khataraha Maaliyeed ee Ganacsiga?

Bilaabida ganacsigu waxay noqon kartaa dadaal dhaqaale ahaan mid khataro badan ku keeni kara. Si kastaba ha ahaatee, haddii si taxadar leh loo qorsheeyo oo fuliyo, waxaad yareyn kartaa ama xitaa ka hortagi kartaa  khatarahaas.   Inta kadib,   inta aad maqaalkeena kuguda jirto waxaad ku barandoontaa :       -   Qeexitaanka  khataraha maaliyeed?         -    Waa maxay maareynta khataraha maaliyeed?         -    Sidee loo ogaadaa khataraha maaliyeed?         -    Hababka oo aad ku maareyn-karto khataraha maaliyeed?         -    Iyo 5 tallabo la qaado kahor inta aadan ganacsi bilaabin?   Qeexitaanka    khataraha maaliyeed? khataraha maaliyeed waa xaalad uu nidaamka maaliyadeed ee dal ama deegaan uu la kulmo khalkhal ba’an oo lama filaan ah oo ku yimaada hab-socodka caadiga ah ee suuqyada iyo ...